MUCJISOOYINKA CAALAMKA >> Xukuumada cusub ee dalka Liibiya oo diiday Saif Al Islaam ineey u gacan geliso Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee Denhaag .
" Ma dhiibeeyno Dambiile Saif Al Islaam waxaana dambigiisa lagu qaadayaa halkaan ayuu yiri Abdul Al Rahiim Al Kib oo ka tirsan masuuliyiinta Xukuumada ku meel gaarka ah ee dalka Liibiya.
Saif Al Islaam oo 39 jir ah waa mid ka mid ah Wiilashii Marxuum Muamar Al Qadaafi waxaana lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa Dhimashasha Shacab fara badan oo la sheegay inuu u qeeybiyey Hub qatar ah si ay xiligaas ugu difaacaan Xukuumadii Aabihiis.
Maxkamada dambiyada Dagaalka ee Dunida (Denhaag) oo si aad ah u doon dooneeysay Mr.Saif Al Islaam lama oga sida ay ka yeeli doonto go´aanka Xukuumada KMG ah ee dalka Liibiya.
Saif Al Islaam waxaa la sheegay xiligii la qabanayey in la qiyaameeyey ka dib markii loo sheegay in Diyaarad lagu geeyn doono dalka Holland oo ay ku taalo Maxkamada Denhaag oo uu rabay inuu iska dhiibo.
Ugu dambeeyntii Saif El Islaam ayaa sida hada uu dhigaayo Sharciga dalka Liibiya waxa uu qarka u saaran yahay Xukun Dil ah oo ka laabasho la heeyn wuxuuna sidoo kale beelay mid ka mid ah farihiisa gacanta Midig.