|
Ma is tiri Madaxda Caalamka weey kala Caqli badan yihiin?, 200 oo Bilyan oo Dollar iyo 144 Bilyan oo Euro ayaa la shaaciyey ineey Marxuum Qadaafi u taalay Bangiyada Adduunka halka Shacabka Liibiya 3 meelood 2 eey Faqri ku noolaayeen (Halkaan ka Daawo Warar kii ugu dambeeyey ee Dalka Liibiya)
Dhimashadii Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Marxuum Muamar Al-Qadaafi ka dib ayaa waxaa faraha kabaxay Dalalka iyo Bankiyada ku yaal Dunida dacaladeeda ee shaaciyey ineey halkaas ka taal Lacag fara badan Marxuum Muamar Al-Qadaafi oo dhoor maalmood ka hor lagu dilay magaalada Sirte oo ah goobtii uu ku dhashay. Shacabka Liibiya 3-meelood 2 waxaa lagu sheegay Sanadihii ugu dambeeyey ineey ku noolaayeen Faqri halka Lacagtaan cusub ee la shaaciyey calaa qof eey u gaari leheed Dadka Liibiyaanka ah min 30.000 Dollar. Ma is tiri mararka qaar Madaxda Caalamka kuwooda Macangagiinta loo yaqaan weey kala Caqli badan yihiin? ( Hoos ka Aqriso Xaqiiqada warkaan oo tarjuman) !! Bin Ali oo ah Madaxweeynihii hore ee dalka Tunisia markii eey Shacbkiisa ku kaceen waxa uu isku dhajiyey xukunka dalkaas ka dibna markii uu arkay inaan sidaas lagu kala hareen ayuu maalin cad u fakaday dalka Saudi Arabia. Madaxweeynihii dalka Masar Mr.Husni Mubaarak sidoo kale wuxuu diiday inuu ka dago jagada Madaxtinimada dalka Masar balse markii Shacabka dalkaas eey ku soo qamaameen Xarumihii Dawlada ayuu iska casilay jagada Madaxtinimada dalka Masar. Madaxdaas aanu kor ku soo xusnay Wiil & Gabar kagama dhiman Xukunkii eey is kaga degeen dhib iyo Rafaad badana uma marin arintaas balse Marxuum Qadaafi qalalaasihii bishii Febraayo ka soo biloowday magaalada Bengasi waxa uu Shacabkiisa ugu jawaabay Diyaarado Dagaal iyo Taangiyo uu goobtaas u diray waxaana Marxuumka ku yaraatay 42-sano oo uu Xukunka dalkaas gacanta ku hayey. Xiligaas hadii uu Marxuum Qadaafi ku dhawaaqi lahaa Doorasho cusub xilka dalkaasna ku wareejin lahaa Siyaasiin dhanka Dawladiisa u jan jeera maanta Meeydkiisa dhulka laguma jiideen Wiilal yar yar oo careeysana Wiilashiisa ma laayeen. Maalintii 4-aad Meeydka Marxuum Qadaafi waxa uu yaalaa magaalada Mizrata waxaana weli isku sawiraayo Shacab aad u fara badan oo ka kala yimid gobolada dalka Liibiya. Masuulka 2-aad ee hogaamiya Dawlada kumeel gaarka ah ee dalka Liibiya Mr. Ahmed Dschibril wuxuu maanta ku dhawaaqay in Meeydka Marxuum Qadaafi iyo wiilkiisa Mutassim eey soo doonan karaan Qooyskiisa kuna Xabaali karaan halkii eey doonayan. Xaaskii Marxuum Muamar Al Qadaafi Haweeneeyda lagu magacaabo Safia, Gabadhiisii Aisha oo 36 jir ah iyo Wiilashiisa Mohamed Qadaafi iyo Hannibal Qadaafi dhamaan wexeey ku wada nool yihiin dalka Aljeeriya oo eey magangalyo ahaan u tageen. Halkaan ka Daawo Warar kii ugu dambeeyey ee dalka Liibiya >>> http://www.youtube.com/watch?v=R6V8jqk42xU
Mehr als 200 Mrd. Dollar Vermögen
Gaddafi hat laut einem Bericht der ?Washington Post" möglicherweise mehr Vermögenswerte angehäuft als bisher angenommen. Gaddafi soll laut dem Bericht mehr als 200 Milliarden Dollar (144 Mrd. Euro) in seiner über 40 Jahre währenden Herrschaft beiseitegeschafft haben.
Das entspreche 30.000 Dollar pro Kopf der libyschen Bevölkerung und sei doppelt so viel, wie westliche Regierungen bisher angenommen hätten, meldete die ?Washington Post" am Samstag unter Berufung auf hochrangige libysche Vertreter. Das Blatt zitierte einen Beamten mit den Worten, der Umfang der im Laufe der Jahre angehäuften Besitztümer in allen Teilen der Welt in Form von Bargeld, Bankkonten, Immobilien, Goldreserven und Investments sei unfassbar. Der Beamte, so die Zeitung, habe detaillierte Unterlagen über die Suche nach den Vermögenswerten studiert.
?Habgierigster Machthaber der Welt"
Es wurde bereits im September vermutet, dass ?befreundete Staaten" des alten Libyen Vermögen Gaddafis unter Verschluss halten. Im September aufgetauchte Zahlen gaben auch Hinweise darauf, dass Gaddafi vor dem Krieg mit den Aufständischen Gelder versteckt haben könnte. So sank etwa die Summe der über französische Banken geparkten Gelder des libyschen Staates zu Beginn der Unruhen beträchtlich.
Wenn die neuen Vermögensschätzungen zuträfen, ?dann wird Gaddafi sowohl als einer der habgierigsten und bizarrsten Machthaber der Welt in die Geschichte eingehen", schrieb die ?Washington Post". Die Enthüllung des unglaublichen Reichtums könne neuen Zorn bei den Libyern auslösen, von denen etwa ein Drittel in Armut lebe.
|