La Yaab : Thierry Henry & David Trezeguet Laacibiin isku ooya markeey wax badan kala maqnaadaan, Habeen kastana Telfoon Raaxada iskaga qaada ( Halkaan ka daawo Saaxiibtinimadii ilaa yaraantoodii party 1 ,2, & 3)
Barnaamishka La Yaab : oo aad kaga barateen Maalin kasta www.xiriiriye.com ayaa waxaanu ku soo qaadaneynaa Maanta 2-Ciyaartooy oo Xiriirkooda xitaa Shaqaalaha Diyaaradaha eey sheegeen maadaama eey si weeyn isku booqdaan iyaga oo aan kala maqnaan karin mudo 3-bilood ah (Saaxiibtinimadu waa sheey Qaali ah)
Tv-ga Sportiga ee ESPN oo laga leeyahay dalka Mareeykanka ayaa soo daayey muuqaalka Ciyaaryahan David Trezeguet oo siigalaya Xarunta Naadiga uu hada u Ciyaaro Saaxiibkiis Henry ee Red Bull New York. Halkaan ka Daawo qaabka kooxda Henry uu sal dhigtay http://www.youtube.com/watch?v=NorPPFy8n3Y
David Trezeguet ayaa waxa uu xambaarsanaa Boorso weeyn taas oo dadka ka yaabisay iyaga oo u maleeyey in Kooxda Red Bull New York eey soo iibsatay weeraryahanka loo yaqaan ama caalamka looga Naaneeso TrezeGoal.
Arintu sidaas ma eeysan noqon ee waxa eey ku soo ekaatay Booqasho uu David Trezeguet ku yimid iyo Thierry Henry oo Martiqaaday maadaama eey wada ahaan jireen Ciyaal Iskuul & weliba Labo weeraryahano oo Kooxda Monaco ku dhaaran jirtay.
Akhristoow labadaan Ciyaaryahan saaxiibtinimadooda ayaa wax badan la ogaa laakiin waxaa la yaab noqotay warkii uu ka qoray Canal Plus oo sheegay in ciyaartooyda ugu badan ee qarash fara badan ku qasaariso Telefoonada xiliga dheer la iskula hadlo eey yihiin Thierry Henry & David Trezeguet .