Wiilkii Marxuum Qadaafi oo horay ugu soo Ciyaaray kooxaha Udinese Calcio,Sampdoria,Perugia & Al itihaad oo Qaxooti isku dhiibay & Madaxweeynaha dalka Niger Mr.Muhamadou Issoufou oo shaaciyey inuu dalkiisa qaab Qaxootinimo iskaga dhiibay Saadi Muamal Al-Qadaafi (Halkaan ka Akhriso War Bixinta oo Tarjuman)
Wiilashii marxuum Muamar Al Qadaafi oo qaarkood la la´aa halka eey jaan iyo cirib dhigeen ayaa waxaa maanta markii ugu horeesay Saxaafada Caalamka u sheegay inuu dalkiisa qaab Qaxootinimo iskaga dhiibay Saadi Muamal Al-Qadaafi Madaxweeynaha dalka Niger Mr.Muhamadou Issoufou.
Saadi Muamal Al-Qadaafi ma ahan Wiilasha Qadaafi kuwooda eey doon dooneeyso Maxkamada dambiyada Dagaalka ee Denhaag. Ninka sida aadka ah loo doon doonaayo ee lagu eedeeyey inuu Xasuuq ba´an geeystay weliba Aabihiis Marxuum Qadaafi ku qasbay inuu Dagaal ahli ah galo waa Saif Al Islaam.
Saif Al Islaam oo la waayey halka uu jaan iyo Cirib dhigay ayaa markii ugu dambeeysay waxeey Wakaalada wararka ee AFP sheegtay inuu ku sugan yahay Xuduuda dalka Aljeeriya weliba uu soo dalbaday in si Nabad ah lagu geeyo Maxkamada Denhaag oo uga wanaagsanaatay intii eey qaban lahaayeen Canaasiirta Maleeshiyaadka Mucaaradka oo la ogaa sidii Wuxuushnimada eheed ee eey u galeen Aabihiis Marxuum Col.Muamar Al-Qadaafi.
Wiilka hada iska dhiibay dalka Niger ee lagu magacaabo Saadi Muamal Al-Qadaafi waa 38 jir wuxuuna ahaa Ciyaaryahan dheela Ciyaarta kubada Cagta oo weliba horay ugu soo ciyaaray kooxo fara badan sida Al itihaad, Perugia Calcio iyo Udinese Calcio oo ka dhisan horyaalka dalkaTalyaaniga.
Xiriirka kubada Cagta ee dalka Liibiya ayaa Madaxweeynaha dalka Niger Mr.Muhamadou Issoufou wexeey ka dalbadeen inuu soo dhiibo Saadi Muamal Al-Qadaafi oo lagu eedeeyey inuu Lunsaday Lacago fara badan kuna kacay Musumaasuq dhanka Wasaarada Sportiga dalka Liibiya ah.
Madaxweeynaha dalka Niger Mr.Muhamadou Issoufou ayaa Gaashaanka ku dhuftay codsiga uga yimid Xiriirka kubada cagta ee dalka Liibiya wuxuuna sheegay in qof Qoxootinimo isku dhiibay oo aan Xasuuq lagu heeysan eey mabnuuc tahay in halkii uu dhibka uga soo cararay dib loogu gacan geliyo.
Bishii Sebtembar Masuul lagu magcaabo Brigi Rafini oo u hadlay dawlada Niger wuxuu sheegay ineey soo dhiibi doonaan Mr.Saadi marka eey degto xaalada dalka Liibiya. (Beejkaan hoose ka Akhriso warkaan oo Tarjuman)
Wiilka Marxuum Qadaafi wuxuu horay ugu soo ciyaray kooxaha Horyaalka Talyaaniga ee Udinese Calcio, Perugia iyo Sampdoria (Sanadihii 2001 ilaa 2007)
#
Niger gewährt Gaddafi-Sohn Asyl
Niger gewährt dem Sohn von Libyens gestürztem Machthaber Muammar al-Gaddafi, Saadi, humanitäres Asyl. ?Wir haben uns entschieden, Saadi al-Gaddafi Asyl aus humanitären Gründen zu gewähren", sagte Nigers Präsident Muhamadou Issoufou heute auf einer Pressekonferenz zum Abschluss eines Besuchs in Südafrika.
Zugleich dementierte Issoufou Berichte, wonach sich auch Saif al-Islam, ein anderer Sohn des langjährigen libyschen Machthabers, im Land befinde. Er müsse darüber nachdenken, was mit ihm geschehe, sollte er kommen.
Saif al-Islam international gesucht
Der 38-jährige Saadi al-Gaddafi war nach dem Fall der libyschen Hauptstadt Tripolis im August in den Niger geflohen. Libyens neue Führung will ihn wegen Verbrechen während seiner Zeit als Vorsitzender des libyschen Fußballverbands vor Gericht stellen. Saadi Ghaddafi war Italien Serie A gespielt wie Udinese, Sampdoria Perugia und Al-itihad (SA) 2001-2007.
Nigers Regierungschef Brigi Rafini hatte im September gesagt, eine Auslieferung Saadi al-Gaddafis komme ?nicht in Frage", zumindest solange Libyen ihm nicht einen fairen Prozess garantieren könne. Sein Bruder Saif al-Islam wird vom Internationalen Strafgerichtshof gesucht, doch ist sein Aufenthaltsort unbekannt.