AMISOM oo qaabka loogu Dagaalamo Magaalada Muqdisho baratay,* Saadaq Cabdi Shire Kunciil oo ka sheekeenaya qaabkii Dhufeeysyada looga sameeystay halkii eey Ciyaaraha ka Daawan jireen (Halkaan ka Daawo Barnaamishka Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka oo aanu Maanta xaalada Somalia u leexinay.
Isbadalka Magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa iminka idinku heeynaa mid ka mid ah Dhalinyarada Xiiseeysa Sportiga oo Fikradiisa ka hadlaya dhibkii uu ilaaheey ka kor qaaday intii eey joogeen Shabaab magaalada Muqdisho !!
Wiilkaan oo lagu magacaabo Saadaq Cabdi Shire (Kunciil) waxa uu yiri sidan " Waligeey intii eey Dagaalada Sokeeye socdeen kama bixin Magaalada Muqdisho, xiligii Hogaamiye kooxeedyada is diriri jireen Ciyaaraha Caalamka waan daawan jirnay laakiin mida aanu aragnay 2-dii sano ee ugu dambeeysay Alloow dib ha noogu soo celin.
" Xaafadihii aan Ciyaaraha ku daawan jirnay Miino ayaa ku rakiban waxaana Saacad walba Madaafiic ka tuuri jiray Shabaabka.
Wiil aan daris eheen oo Jamaal lagu magacaabo xili uu alaab rabay inuu uga soo qaado Qooyskiisa oo qaxay Shabaabkii goobtaas Difaaca uga jiray oo aan aheeyn dad Degaankaas u dhashay lagana keenay Gobolada Koonfurta wexeey Jamaal u sheegeen inuu dib damba ugu soo laaban karin goobtaas isaga oo aan Gar laheeyn.
" Jamaal waxa uu ii sheegay inuusan Gurigooda ku laaban doonin xitaa hadii uu Gar yeesho, Qofkaan gar laheeyn waxaa lagu Shabadeeyn jiray ineey Gaalada soo dirsatay Kuleel kurbo ayeey Shabaab na kor keeneen ee Alloow ha nagu soo celin.
Waxaan ka naxsanahay oo Maalin walba aan ka fakaraa qaar badan oo Asxaabtii Dhalinyaradii Xaafada ah oo ku biiray Ciidamada labada dhinac. Kuwa Dawlada u Dagaalama wexeey xaafadahooda uga carareen Cabsi iyo Caga jugleeyn uga timid Maleeshiyaadka Shabaabka halka kuwa Shabaab u Dagaalama eeysan diin shuqul ku laheeyn balse Dantu biday.
Dhalinyaraadaan ku biiray Dagaalada Labada dhic waligood Qori ma xabaarsan inta Taariikhda la ogyahay ee waxaa wax walba ku qasbay waa Duruufta jirta maanta dalka Somalia. Shaqo kama jirto dalka wuxuuna qof kasta iska aaminayaa kooxaha Dagaalada u adeegsada.
"Shabaab Cuqubadeena iyo Isha ka dhex baxday wexeey u heshay waa iyaga oo mar kasta diidi jiray in Xabada la joojiyo miiska wada hadalkana la iskugu yimaado halka Dawlada eey mar kasta Nabad ku baaqi jirtay taas oo sababtay in Deegaano badan Xabad looga soo saaray Ciidamdii Dawlada iyo Kuwii Ex-Maxaakiimtii hore.
Weligeey kuma fakarin Shabaab ayaa Maalin cad xili sidaan u dhaw Muqdisho isaga bixi doona laakiin wax walba waqti ayeey leeyihiin iyo in Allahii na abuurtay loo samro ayuu yiri : Saadaq Cabdi Shire (Kunciil)
Amisom oo Baratay qaabka eey Maleeshiyaadka Soomaaliyeed ugu dagaalamaan Magaalada Muqdisho dhexdeeda :
Waxaa Xaqiiqo ah oo Rumoowday in Magaalada Muqdisho oo marti u noqotay Dagaalo ahli ah iyo is bad badal aad u tiro badan uu Qof kastoo aan Caasimada u dhalan ama dal Shishiiye ka yimaado inuu baran karo Qaabka eey u Dagaalamaan kooxaha Soomaalida.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay ineey markii hore Dagaalada Muqdisho u gali jireen si indho la´aan ah kuwaas oo looga soo bixi jiray Guryaha ka sareeya ama dhabarka dambe . AMISOM Tababarka eey markii hore heeysteen ma aheeyn mid ku dagaalis Magaalo dhexdeeda ah .
Ciidamada AMISOM ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wexeey bilaabeen ineey koobiyeeyeen qaabka eey Xabada u ridaan Ciidamada Dawlada ka dibna inta eeysan Jawaab la kulmin si deg deg ah gidaar ugu gambadaan.
Waxaa markii hore mabnuuc eheed ineey isla dagaal galaan ama isku meel ka wada Dagaalamaan Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM oo aan dhanka qaabka Ciidanimada isku awood ama Darajo aheeyn.
Waxaa ugu yaab badneed Mudo 3-bilood ah wixii ka horeeyey ciidamada AMISOM ma eeysan aqoon sida Taagiyada loogu dagaalamo xiliyada eey dhex marayaan Xaafadaha dhexdooda wexeeyna xiligii hore Rasaasta u qeeybin jireen Meelo fog fog oo aan Dagaalka shuqul ku laheeyn halka hada eey si weeyn ula Qabsadeen qaabka Xabadaha Taangiga loogu rido Difaacyada dhaw dhaw ee Shabaabku fadhiyeen.
Halkaan ka Daawo Ciidamada Amisom oo bartay Qaabka Dagaalka Muqdisho http://www.youtube.com/watch?v=U8dBsqXvghM .