Canal-Plus oo weeydiiyey Saadaasha Cida badin doonto kulanka Real Madrid Vs Fc Barcelona Laacibiintii ugu qatarsaneed ee kooxahaas soo maray & Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo dhigay Ceeb & Cuqdad nafsi aan horay loogu arag Maslaxa Ciyaaraha Kubada cagta (Akhri Yaabkaan iyo Qosolkaan ) !!
Tv-ga caanka ah ee Canal-Plus oo laga leeyahay dalka Faransiiska balse Xarumo badan ku leh Dunida dacaladeeda ayaa mudo 3 cisho ah waxa uu War bixin iyo Saadaal ku saabsan kulanka Real Madrid Vs Fc Barcelona ka soo aruurinayey Laacibiintii ugu caansaneed ee horay ugu soo Ciyaartay kooxahaasi.
Canal-Plus ayaa Shaqadaan qabta sanad walba waxaana u badan oo uu Warar ka soo aruuriyaa Ciyaartooyda marka ay jiraan kulamada Darbiga loo yaqaan sida El Clasico Real Madrid Vs Fc Barcelona, Ac Milan Vs Inter Milan, Fc Arsenal Vs Fc Chelsea, Juventus Vs Inter, Roma Vs Lazio iyo Man Utd Vs Man City.
Su´aasha ayaa eheed Yaa Badinaya kulanka Real Vs Fc Barca ? . Laacibiintii horay ugu soo ciyaartay Kooxaha Fc Barcelona iyo Real Madrid kuwooda ugu caansan ayaa codka ama Saadaasha sidan u kala dhiibtay.
David Robert Joseph Beckham oo Real Madrid u soo ciyaaray wuxuu yiri Ciyaarta 1-1 ayeey ku dhamaan doontaa Ciyaarta . Zinedine Yazid Zidane oo Real Madrid u soo ciyaaray wuxuu yiri Real Madrid ayaa 2-0 ku badin doonto. Samuel Eto'o Fils oo Fc Barcelona u soo ciyaaray wuxuu yiri 2-2 ayaa lagu kala bixi doonaa.
Vitor Borba Ferreira Rivaldo oo Fc Barcelona u soo ciyaaray wuxuu yiri 1-3 Fc Barcelona ayaa ku badin doonto. Roberto Carlos da Silva oo kooxda Real Madrid u soo ciyaaray wuxuu leeyahay Real Madrid ayaa 1-0 ku badin doonta. Thierry Daniel Henry oo Fc Barcelona u soo ciyaaray waxa uu yiri 1-2 Fc Barcelona ayaa ku badin doonta.
Ronaldo Luis Nazario de Lima oo Labada koxoodba u soo saftay wuxuu leeyahay 0-0 ayeey ku kala bixi doonaan Real & Barca. Steve McManaman oo Real Madrid u soo saftay wuxuu yiri Real Madrid ayaa 2-1 ku badin doonta. Luis Filipe Madeira Caeiro Figo oo labada kooxoodba u soo saftay waxa uu yiri Ciyaartaas 3-3 ayeey ku dhamaan doontaa.
Wariyihii Liiska Saadaasha aqrinayey markii uu gaaray Magaca Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic ayuu Qosol intii barnaamishka daawaneeysay ka yaabsaday la dhacay wuxuuna yiri sidan ,, Jawaabta Laacib Zlatan Ibrahimovic Afkeeyga sooma qaban karo maadaama uu yahay Xiddig horay ugu soo ciyaaray kooxda Fc Barcelona.
Zlatan Ibrahimovic ayaa yiri 4-0 ayaa lagu tumi doonaa Fc Barcelona wexeeyna sidoo kale Naatiijadaas cuqdad Nafsiga xambaarsan ka qosolsiisay Macalinka Qaranka France Laurent Blanc iyo Macalinka kooxda Marseille Didier Deschamps oo labaduba marti ku ahaa Studiyaha Canal-Plus.
Zlatan Ibrahimovic wuxuu noqday xiddiga kaliyah ee dhulka ku jiiday kooxdiisii hore waxaana Jawaabtaas ka muuqato Naceeyb daran oo uu weli u qabo Macalinka kooxda Fc Barcelona Josep Pep Guardiola oo ay dhoor jeer is dagaaleen ama hadalo kulul hawada isku mariyeen.