Ka Qeeyb Qaado Saadaasha Kulanka adag ee Finaalka Uefa Champions League 2010/11 Manchester United Vs FC Barcelona,*Tijaabi Awoodaada Sport heerka eey gaarsiisantahay,* Dhamaan Bahda Xiriiriye.com oo Safaaradaha kala qaatay ka dib markii eey isku mari waayeen Saadaasha Ciyaarta,* Maxaad kala socotaa Kooxihii ad adkaa ee Labada kooxood eey soo kala reebeen? (Halkaan ka Daawo Falaqeeynta Labada kooxood oo aad iskugu dhaarsan kuna soo dir Bartaan Fikradaada Cida uu Koobka Gacanta u geli doono & Natiijada Goolasha la iska dhalin doono ) !!
Beri oo Sabdi ah 28.5.2011 ayaa hadii uu alle idmo waxaa lagu wadaa ineey si ka fool ka fool ah u kala baxaan kooxaha waa weeyn ee kala heeysta Horyaalada England iyo kan Spain waa FC Barcelona vs Manchester United oo mid kood loo caleemo saari doono Horyaalnimada Qaarada Yurub. Dadka ama Jaraaidyada Ciyaaraha kubada Cagta saadaaliya ayaa wexeey u bateen ama Koobka The Uefa Champions League ee Xili Ciyaareedkaan 2010/2011 ku sheegeen ineey la hoyan doonto kooxda Fc Barcelona oo Sanadkaan dhinac walba ka dhisan.
Qaar kale oo Qabiiro Sport ah ayaa wexeey qabaan in Kooxda Man Utd eey si weeyn uga yaabsan doonto Ciyaartooyda Fc Barcelona maadaama kooxda Man Utd eey ku dheeleeyso Dalkeeda hooyo Ciil hore oo baaxad weeyna u qabto kooxda Fc Barcelona.
Labada kooxood hadii la isku dheela tiro kala yareeystaan in kastoo kooxda Man Utd eeysan u adkeen sidii eey u adkeed xiligii uu u ciyaarayey Cristiano Ronaldo Ciyaartii Fiinaalaha koobkii Champions League ee sanadkii 2009 oo Fiinalkiisa lagu qabtay Magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga waxaana xiligaas si sahlan 2-0 koobkii Champions League looga xayuubsaday kooxda Man Utd.
Dhanka kooxda Fc Barcelona waxaa la oran karaa waxaa Fiinaalkaan ka maqan oo Fiinaalkii 2009-kii Fak faktooda la celin waayey Ex-players Laacibiinta kala ah Thierry Henry iyo Samuel Eto'o . Kooxahaan oo si aad ah iskugu kulul ayaa waxaa kulankooda sii qasay ama Xasaasiyad ku soo kordhiyey Macalinka kooxda Real Madrid Mr Jose Morinho oo Shax ama Kaarto nuuc cusub ah farta ka saaray Macalinka kooxda ManU Mr Sir Alex Ferguson waxaana wada shaqeeyntaas oo dhamaan Jaraiidyada Caalamka eey si Live ah u soo bandhigeen u cuntami weeysay Tababaraha da´da yar Fc Barcelona Josep Guardiola .
Kooxaha Manchester United Vs FC Barcelona ayaa wexeey xili Ciyaareedkaan ama Champions League-haan soo kala reebeen kooxaha kala ah sidan: Fc Barcelona wexeey halkii eey ka yimaadeen sharuud la aan dib ugu celisay :
Panathiniakos
Kasan
Kopenhagen
Fc Arsenal
S.Donezk
iyo Real Madrid.
Man Utd wexeey reebtay ama Riyadoodii dhulka ku jiiday kooxaha kala ah :
Fc Rangers
Valencia
Bursa
Marseille
Fc Chelsea
iyo Fc Schalke.
Finaalka Ciyaartaan waxaa loo doortay inuu Alabiitaro ka noqdo Garsoore Kassai oo u dhashay dalka Hungary.
Fiiro Gaar ah: Labada kooxoodba wexeey si weeyn u kala qarsadeen ama sir ma dhaafto ah ka dhigteen Ciyaaryahano dhaawac uga maqnaan doono wexeeyna wanaag u arkaan ineeysan sheegin cida ama Laacibka ka dhaawacan si aanan Xiddigaas booskiisa looga dhabar jebin. !! Halkaan ka Daawo Real Vs Barca:
http://www.youtube.com/watch?v=K03cgHJCMeA .
*** Ka qeeyb qaado Tartanka Saadaasha
www.xiriiriye.com >>> . Waxaa lagaa doonayaa inaad sheegto ciyaartaan Qiimaha leh ee Fc Barcelona Vs Man Utd inta gool oo eey ku dhamaan doonto? Bahda Xiriiriye.com oo is mari waayey ayaa sidan u kala saadaaliyey:
1-Hassan express waxa uu yiri Rigooreyaal Man Utd ayaa ku qaadaneeyso Sanadkaan.
2-Kaafi Deeq waxa uu yiri 1-0 Man Utd ayaa ku qaadaneeyso.
3-Qadar shirwac waxa uu yiri 3-0 Fc Barcelona ayaa ku badineeyso
4-Cumar Sii Sii waxa uu yiri 2-1 Fc Barcelona ayaa ku badineeyso Koobkana Jeebka gashan doonto !!
Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada iyo saadaashaada iyo sida eey shaqsi ahaan kula tahay: Fadlan Magacaaga oo sadexen
xiriiriyesports@hotmail.com