Xulka Qaranka Boqortooyda Saudi Arabia oo Fadeexo ebid Taariikhda tii ugu xumeed dusha laga saaray, Qaranka oo halis ug jiro in lakala diro (Halkaan ka Daawo Ceebta dhacday) warka Jirada ama xanuunka Laacib Messi oo Tarjuman ka aqri halka ugu hooseeyso Beejkaan !
Xulka Qaranka boqortooyda Saudi Arabia ayaa waxaa la soo gud boonaatay Fadeexo Ebid tii Taariikhda ugu xumeed dhan Sport iyo dhanka dhaqaalahaba.
Qaranka Saudi Arabia oo ka mid ahaa waligiis kooxaha ugu Tunka weeyn dhanka ciyaaraha Kubada cagta ee Qaarada Asia ayaa mudooyinkii uu dambeeysay waxaa qabsatay lama arag iyo lama maqal ka dib markii eey dhibcihii ka wada xayuubsadeen kooxo ama Dalal aad u yar yar oo aan wax awood sidaas ah ku sii laheeyn ciyaaraha kubada cagta.
Xulka Saudi Arabia oo xiligaan ka tirsan wadamada ka qeeyb galaya koobka Qaramada Asia 2011 oo si xiiso leh uga socda dalka Qadar ayaa waxaa qabsatay ceeb eeysan waligood horay u soo arag ka dib markii la garaacay dhamaan 3-dii is arag oo eey garoonka soo xaadireen sida kulankii 1-aad oo 9.1.11 dalka Syria uu ku garaacay 2-1 waxaa u sii xigtay kulankii 2-aad oo xulka Jordan 13.1.11 kaga badiyey 1-0 ugu dambeentiina dalka eey sida weeyn isku neceb yihiin dhan Sport iyo dhanka dhaqaalahaba waa Japanee uu ku suul daaray 5-0.
Qaranka Sucuudiga oo loo saadaaliyey ineey qaadi doonaan sanadkaan koobka Qaramada Asia ee ka socda dalka Qadar ayaa waxeey Saadaashaas isku badashay mid riyo ah oo xitaa hal dhibic ka heli waayeen xili ciyaareedkaan. Sacuudiga oo japan kala tartama Dhanka ciyaaraha kubaa cagta ayaa rajadaas wexeey noqotay mid meel cidlo ah taagaan maxaa yeelay ciyaartooyda Qaranka Japan inta badan wexeey ka ciyaaraan ama u ciyaaaan kooxaha Qaarada yurub balse Saudi Arabia lagama haayo laacib uga ciyaara kooxaha waa weeyn ee Yurub wexeeyna taas kuu cadeeneeysaa in Awoodii iyo Rajadii ciyaareed ee Saudi Arabia daaqada ka sii baxeeyso.
Ciyaartii uu xulka Japan Qaranka Saudi Arabia dharka kaga dhigay ayaa 3-gool waxaa ka dhaliyey daqiiqadihii 8-aad, 13-aad, iyo 80-aad ciyaaryahan Shinji Okazaki waxaana labada gool ee kale raasaday ciyaaryahan Ryoichi Maeda Daqiiqadihii 19-aad & 51-aad. Isku dhax yaaca Qaranka Saudi Arabia ayaa waxaa uu sababay in Wariyihii ciyaartaas Tv-ga Sacuudiga ka soo tabinaayey inuu ciyaarta u badalo Barnaamishyo kale wuxuuna qadka ka baxay isaga oo leh " Bas Bas Bas Mush Macquul !!
Bulshada Soomaaliyeed ee Ciyaaraha sida weeyn u jecel ayaa inta badan neceb ama mucaarad ku ah Qaranka Sacuudiga waxaana taas lagu macneeyey dalka Saudi Arabia oo inta badan Qaxootiga dhibaateeysan ee dalkooda u soo qaxo inta eey qoorta qabteen u tarxiila dalkoodii Hooyo oo Qiiq iyo Holac in mudo ah uu ka taagan yahay.
Halkaan ka Daawo Ceebtii dhacday: http://www.youtube.com/watch?v=05DexX3ccMg.
Dhanka kale Koobka Qaramada Asia ee ka socda Dalka Qadar ayaa waxaa ilaa iyo hada u soo gudbay wareega 2-aad Dalalka Iiraan,Qadar, Jordan,Uzbekistan ,Japan & Xulka Australia oo sanadkaan Fifa eey ku dartay inuu ka ciyaaro Qaarada Asia waxaa kaloo soo bixi taankeeda uusan xumeeny oo rajo weeyn leh Xulka Ciraaq oo ah dalka Difaacanaayo koobkaan Qaramada Asia.
***Jaraaidyada ayaa inta badan wexeey qoreen Xanuun & Qandho laga soo sheegay Xiddiga Qaranka Arjentina iyo kooxda Fc Barcelona Lionel Andreas Messi .
Erayga Fieber oo ah qandho iyo xanuun qofka soo food saaro ayaa Soomaalidu wexeey u yaqaaniin inta badan Feebaro. Jirada Messi ayaa waxaa lagu soo qoray xitaa Home-Pige-kiisa inkastoo lagu sheegay Qandho iyo madax xanuun ilaa xalay hayey.
Leo Messi ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado Kooxda Fc Barcelona ciyaarta eey maalinta Arbacada ah la yeelan doonaan Naadiga Betis oo ka dhici doonta magaalada Seville. Ciyaartaan oo ah Koobka dalka Spain ayaa isbuucii la soo dhaafay wajigeedii hore waxaa 5-0 ku soo badisay Fc Barcelona waxaana 3 ka mid ah goolashaas u saxiixay Leo Messi.
Messi oo Tababarka kooxdiisa isaga oo ka qeeyb qaadanaayo xanuunka Qandhada iska dareemay ayeey war bixintu wexeey leedahay Dhaqtarkiisa ayaa u diray ama ku qasbay inuusan soo dhaafin sariirtiisa inta uu ka caafimaadaayo (Hoostaan ka aqri war bixinta oo Tarjuman)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Weltfußballer Lionel Messi ist erkrankt. Der 23-jährige Argentinier versäumte am Montag wegen Fiebers das Training, bestätigte der FC Barcelona auf seiner Website.
Messi dürfte damit im Viertelfinal-Rückspiel des spanischen Cups am Mittwoch beim Zweitligisten Betis Sevilla geschont werden. Barca hatte das Hinspiel vergangene Woche auch dank dreier Messi-Tore mit 5:0 für sich entschieden.