Adrian Mutu oo laga ceeyriyey kooxda Fiorentina, Felipe Melo oo Juventus u soo jiiday Halaag aan horay loo arag, Weeraryahan Fabio Quagliarella oo Dhaawac xun Garoonka looga saaray iyo Kooxaha Ac Milan & As Roma oo guulo muhiim ah gaaray ( Halkaan ka Daawo)
Xiddiga Saaxafada Talyaaniga eey ugu yeerto Bad Boy Adrian Mutu oo u ciyaara kooxda Fiorentina ayaa waxaa laga raacdeeyey kooxda waxaana sidaas cadeeyey Boss-ka Fiorentina Andrea Della Valle. Adrian Mutu oo 31-sano jir ah ayaa weli waxaa dhibaato ku heeyso Daraagiska loo yaqaan Kokain oo dhoor jeer ciyaaraha caalamiga ah looga fariisiyey.
Adrian Mutu ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa loo jaray 9-Bilood oo ganaax ah ka dib markii lagu helay inuu isticmaalay Daawada awooda u kordhisa ciyaartooyda Tabardareeysay.
Weeraryahan Adrian Mutu oo u dhashay dalka Romania ayaa waxaa uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Parma, Juventus & Chelsea.
Boss-ka Fiorentina Andrea Della Valle ayaa yiri Mutu markuu doono ayuu iska dhaqaaqaa markuu doonana waa yimadaa xiliyada tababarka ee ciyaartooyda waxaasna wax loo dulqaadan karo ma ahan oo in badan ayaan u dulqaatay is dabaaliskiisa..!
Xiddiga Qaranka Brazil iyo kooxda Juventus Felipe Melo ayaa waxa uu ku kacay ficil dadweynaha caalamka eey la yaabeen ka dib markii la lagday isaga oo Faol loo dhigi rabana Wajiga ka haraantiyey ciyaaryahan Massimo Paci wuxuuna ficilkaas ku muteeystay Rooso looga saaray garoonka. Halkaan ka Daawo Aqlaaq xumadaan Sport >> http://www.youtube.com/watch?v=MX-CIxVz_Ro.
Mar alle iyo markii Juventus laga saaray Felipe Melo oo dhexda xamaali uga ahaa daqiiqadii 17-aad ayaa waxaa biloowday isku dhex yaac ku yimid kooxda Juventus oo si weeyn uga sii naxday halkii weeraryahan oo eey ku tashaneeysay xiliyadaan dambe oo Jilibka kala wareegay si deg deg ahna garoonka looga saaray waa Fabio Quagliarella.
Mucjisada ugu yaabka badneed ayaa eheed kooxda Juventus oo 2-gool uu ka dhaliyey Sebastian Giovinco oo ah Xiddigoodii ku soo caan baxay Ciyaalka Juunyerka Juve ee xiliyadii Ayuub Daud wuxuuna hada amaah ahaan ugu joogaa kooxda Parma. Kooxda Parma ayaa Juventus ku halaagtay gurigeeda 1-4 waxaana fursadaas ka faaideysatay Milan oo sii dhaqaajisay iyo Roma oo kor u soo dhaqaajisay kana kor martay Juventus. Halkaan ka Daawo Juventus Vs Parma 1-4 > http://www.youtube.com/watch?v=5s2-9WQzxkI.
Halkaan ka Daawo Roma oo Catania 4-2 ku suul daartay > http://www.youtube.com/watch?v=vWVUbKmO0nc
Milan iyo Xiddigeeda cusub ee Antonio Cassano ayaa 0-1 dirqi uga baxsaday kooxda Cagliari Halkaan ka Daawo > Goolka Milan waxaa dhaliyey Strasser waxaana soo dhigay Cassano > http://www.youtube.com/watch?v=Un0lxT9OEMc.
Kooxda Inter ayaa guul 3-1 ah ku soo dhaweeysay Macalinkooda cusub ee Leanardo , Inter wexeey 3-1 uga badisay kooxda Napoli waxaana labo ka mid ah goolasha u saxiixay Tiago Motta iyo goolka kale oo uu raacsaday Cambiasso. Horyaalka Serie A-ga Talyaaniga ayaa wexeey kooxaha ku kala beaxeen qaabkaan hoos ku qoran:
| 06.01. |
12:30 |
Juventus |
1:4 |
FC Parma |
| 06.01. |
15:00 |
AS Roma |
4:2 |
Catania Calcio |
| 06.01. |
15:00 |
Udinese Calcio |
2:0 |
AC Chievo |
| 06.01. |
15:00 |
US Palermo |
3:0 |
Sampdoria Genua |
| 06.01. |
15:00 |
FC Bologna |
1:1 |
AC Fiorentina |
| 06.01. |
15:00 |
US Lecce |
0:1 |
AS Bari |
| 06.01. |
15:00 |
Brescia Calcio |
1:2 |
AC Cesena |
| 06.01. |
15:00 |
Cagliari Calcio |
0:1 |
AC Milan |
| 06.01. |
15:00 |
CFC Genua |
0:0 |
Lazio Rom |
| 06.01. |
20:45 |
Inter Milan |
3:1 |
SSC Napoli |
Kooxaha ayaa sidaan u kala horeeya:
| 1 |
AC Milan |
18 |
12 |
3 |
3 |
30:13 |
17 |
39 |
| 2 |
Lazio Roma |
18 |
10 |
4 |
4 |
24:16 |
8 |
34 |
| 3 |
SSC Napoli |
18 |
10 |
3 |
5 |
27:20 |
7 |
33 |
| 4 |
AS Roma |
18 |
9 |
5 |
4 |
26:22 |
4 |
32 |
| 5 |
Juventus |
18 |
8 |
7 |
3 |
33:21 |
12 |
31 |
| 6 |
US Palermo |
18 |
9 |
3 |
6 |
32:22 |
10 |
30 |
| 7 |
Inter Milan |
16 |
7 |
5 |
4 |
23:15 |
8 |
26 |
| 8 |
Udinese Calcio |
18 |
8 |
2 |
8 |
23:21 |
2 |
26 |
| 9 |
Sampdoria Genua |
17 |
5 |
8 |
4 |
18:16 |
2 |
23 |
| 10 |
CFC Genua |
17 |
6 |
4 |
7 |
13:15 |
-2 |
22 |
| 11 |
FC Parma |
18 |
5 |
7 |
6 |
18:21 |
-3 |
22 |
| 12 |
AC Chievo |
18 |
5 |
6 |
7 |
19:21 |
-2 |
21 |
| 13 |
Catania Calcio |
18 |
5 |
6 |
7 |
16:22 |
-6 |
21 |
| 14 |
FC Bologna |
18 |
5 |
7 |
6 |
17:24 |
-7 |
21 |
| 15 |
Cagliari Calcio |
18 |
5 |
5 |
8 |
19:17 |
2 |
20 |
| 16 |
AC Fiorentina |
17 |
5 |
5 |
7 |
17:18 |
-1 |
20 |
| 17 |
AC Cesena |
17 |
5 |
3 |
9 |
13:21 |
-8 |
18 |
| 18 |
Brescia Calcio |
18 |
4 |
3 |
11 |
13:23 |
-10 |
15 |
| 19 |
US Lecce |
18 |
4 |
3 |
11 |
16:35 |
-19 |
15 |
| 20 |
AS Bari |
18 |
3 |
5 |
10 |
12:26 |
-14 |
14 |
Koobka dalka Spain ayaa waxaa soo baxay oo wada badiyey kooxaha Fc Barcelona & Villareall, Real Madrid waxaa looga badiyey 2-0 laakiin weey soo baxaan maadaama gurigooda eey 8-0 ku soo badiyeen.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com