Maxaa kala heeysta Horyaalada Yurub & Turumbadii Koobka Addunka ee Vuvuzela (halkaan ka daawo Ciyaartii Man Utd vs Chelsea iyada oo dadka dhagaha Jebisay)
Turumbada dhawaaqa dheer ee Vuvuzelas oo inta badan qaarada Yurub looga yaqaan ( Shinida Dhagaha) ayaa sidii la filayey waxaa horay u soo qaatay oo Boorsooyinka ku soo qarsaday Taageerayaashii Koobka Adunka ee wadamada Germany, England, Spain iyo Holland.
Vuvuzela ayaa qaar ka mid ah Xiriirka kubada cagta ee wadamadooda eey mamnuuceen iyga oo ku sheegay in dhagaha wixii ka weeyn 40-sano eeysan Caafimaad u aheeyn Ciyaarahana si wanaagsan u daawan karin.
4-da Dal ee Turumbada Vuvuzuelas soo xaabsatay ama Kartoono eey ka buuxdo horay u soo gatay ayaa waxaa ka mid ah Wadamada England, Germany ,Holland iyo Spain iyo qaar ka tirsan Laatiin America.
Taageerayasha Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa si weeyn u soo iibsaday ka dib Ciyaartii fiinaalka oo eey Holland la yeesheen, xiligaas oo Taageerayasha labada Koox isla jereen ayaa hada waxa eey sheekada isku bashay in Dhagaha la iskaga yeerin doono.
Vuvuzelas ayaa waxaa soo saartay oo farsameysay Shirkad laga leeyahay Dalka South Afrika balse ku noqotay Taajir ka dib markeey Dunida dacaladeeda Vuvuzela caan ka noqotay.
Mucjisada ugu weeyn ayaa waxeey noqotay markii Vuvuzuela lagu dhex arkay Horyaalka dalka Uruguay oo uu soo tabinayey Canal Plus ciyaar eey dhagaha iskaga yeerinayeen Taageeryaal Jalbeeysan oo ka soo laabtay Koobkii Aduunka xiligaas oo Uruguay Kaalinta 4-aad soo cariirsatay.
Vuvuzuela ayaa waxaa laga mamnuucay Xaflado fara badan oo ka dhacay Qaarada Yurub sida wadamada Germany, Belguim, Holland Austria, Swezerland, iyo france maxaa yeelay Gudigii xafladahaas ayaa ku dooday in eeysan wax shuqul ah ku leheen Ciyaaraha Vavuzuela-na halkaan aan la keeni karin.
Shirkadii soo saartay Vuvuzela ayaa waxeey cabasho iyo eedeeyn weeyn u soo jeedisay Dalka Shiinaha oo lagu eedeyey ineey koobiyeeyen ka dibna si raqiis ah uga iibiyeen dalal badan oo dunida ka tirsan.
Ugu dambeentii Vuvuzela ayaa waxaa lagu arkay Dhawaaqeeda Shinida ah 3-Ciyaar oo Finaal ahaa sida Man Utd vs Chelsea 3-1 , Bayer München vs Schalke 2-0, iyo Ciyaartii eey ugu dhawaaqa dheereed oo eey Dadka Magaalada Amsterddam dhegaha jebisay waa Ajax Vs FC Twente Enschede 0-1
Ciyaartaan oo uu Luis Suarez Rooso ama Gaduud qaatay ayaa waxaa Saxaafada la micneeyeen inuu ka xanaaqay Dhawaaqa dheer ee vuvuzuela balse taas ayaa sax aheeyn oo Luis Suarez ayaa ah laacib Rooso badan waxaana lagu soo xasuusan doonaa waligiis Ciyaartii uu bad baadiyey xulka Uruguay ka dib markii uu Darbadii Xulka Ghana qiyaameeyey oo u dhigay gacan si eey mar uun u noqoto Rigoore ka dibna Nasiib ugu helaan ineey qabtaan taas oo dhacday sidii uu doonayey.
Man Utd vs Chelsea oo Vuvuzela dhagaha isaga garaacay. Bal aqristoow halkaan ka Daawo Ciyaartii Fiinalka eheed ee Man Utd Vs Chelsea 3-1 oo Biloowgeedii uu Garoonka qabsaday Codka Shinida ah ee Vuvuzuelas balse ka dib uu wariyihii Ciyaarata soo tabinayey Codkiisa ku xiray si aan Codka Vuvuzuelas Dadka u sii mashquulin.
Inta ka daawo Filo Goor dhaw Kala iibsiga Ciyaartooyda oo hada Shaqo iyo qoraal uu ku socdo: The FA Community Shield 2010 - Manchester United v Chelsea 3-1