Jawaabta Hal Xiraalihii ugu dambeeyey iyo Magacyada Masuuliyiintii Sport ee sida saxda ah uga Soo Jawaabtay, SuŽaasha Hal Xiraalaha cusub oo la iska doonaayo in la Sheego Magaca Wiilka la Sawiran Ex-Player Roberto Baggio oo hada ah Laacib si weeyn Dunida oo dhan looga yaqaano (Soo sheeg Magaca Wiilka hada la sawiran Roberto Baggio oo Ciyaaryahan weeyn ah !! )
SuŽaashii Halxiraalihii ugu dambeeyey ayaa eheed Sidan > Yaa garan kara ama soo sheegi kara xiligi uu ciyaaryahan Ronaldo Luis Nazario de Lima timaha u Jartay Qaabka eey Soomaalida u Taqaan Cali foodka Ama Dhoorka ??. Xiligaas waxa eey eheed waqtigii uu ugu nasiibka badnaa Nolashiisa maadaama uu isku xaabsaday dhamaan koobabkii muhiimka ahaa ee World Cup 2002 in South Korea And Japan.
Ronaldo Luis Nazario de Lima waxaa uu dhashay 22. Septembar 1976 wuxuuna ku dhashay magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil. Dhirirkiisu waa 183 cm, Kooxaha uu u soo kala ciyaaray ayaa wexeey kala yihiin Cruzeiro oo Brazil ah Psv Eindhofen oo Holland ah , FC Barcelona, Inter Milan, Real Madrid, Ac Milan iyo ilaa hada oo uu u ciyaaro kooxda Corinthians Sao Paulo ee horyaalka Brazil. Ronaldo de Lima wuxuu Qarankiisa Brazil u soo saftay laga soo bilaabo 1994 ilaa 2006 wuxuuna 97-kulan oo uu saftay u saxiiay 62-Gool.
Kooxaha waa weeyn ee Caalamka ama xulalka qaranka weey yar yihiin kooxo uusan Goolal ka soo dhalin balse waxa uu dhoor jeer ku cel celiyey in kooxda uu ifka ugu Necbanaa ee Xanjada iyo Dheg Dhega ku noqon jirtay eey eheed juventus Torino wuxuuna yiri xiliyada aan Juventus la ciyaari jirnay anoo kooxo badan u soo saftay weey na reebi jirtay.
Halkaan ka Daawo xiligii uu Ronaldo Tinta u Jartay Qaabka Cali Foodka iyo Ciyaartii Finaalka World Cup 2002 isaga oo Xulka Germany isku dhex yaaciyey : > http://www.youtube.com/watch?v=LIVpYZ8oehQ.
Mucjisooyinkii uu xiligaas Ronaldo9 Maslaxa kubada cagta ku soo kor dhiyey ee lagu soo xasuusan doono World Cup 2002 ayaa waxaa ka mid ah sida Will isku ekeeysiiyey sidiisa camalna food reebtay ayaa waxaa tintii ka xiiray isaga oo jiifo Waalidkiis ka dibna willkii markii uu Hurdada ka soo kacay ee uu waayey Foodii Ronaldo 8-Dabaq dushooda ayuu iska soo tuuray wuxuuna u dhashay wiilkaas 17-jirka ahaa Dalka Irland. Aabihii dhalay Wiilka is dilay ayaa ka shalaayey inuu Tinta ka xiiro wiilkiisa oo Jiifo wuxuuna Ficilka isdilida & Talo xumada fikradaas dusha ka saaray Xaaskiisa oo kula talisay ineey ficilkaas sameeyaan maadaama Wiilka is dilay uu diiday inuu Timahiisa is la ekeeysiiyo iskana Jaro.
Mucjisada kale ee 2-aad ayaa eheed 2-Taageerayaal u dhashay dalka Poland oo iyagana Tinta u soo jartay sida Ronaldo oo kale ayaa waxaa iyagana ku qara baxay oo Wadada tareemada ee dhulka hoostiisa ku tuuray Taageerayaal careeysan oo u dhashay dalka Germany. Labadaan Taageere ayaa midna uu dhitay midkii kalena waxa uu masiibadaas ku waayey qaar ka mid ah Xubnaha Jirkiisa. !!
Hadaba Masuuliyiintii Sport ee Sida saxda ah uga soo Jawaabay Halxiraalaha ayaa waxa eey Magacyadooda kala yihiin sidan:
1-Abdulahi Mahamoud Ahmed{mombasa Raha} 2-Daadir Mahamed Ahmed (Makis) 3-Mohamed Abdirashid (Rashka) 4-Bashir salad (Bashkey) 5-Cabdi Rashiid Samiir 6-Mr Abdirisaak Hassan Ugaas (Duceeysane) 7-Yuusuf Maxamud Cunaye (Azuri) 8-ABDALLA SHEIKH ALI (DHAGNAAS) 9-Mohamed Deeq Shuute Mohamed (Shuute Yare) 10-Saadaq Cabdi Cawaale (Robinho) 11-Fitaax Baashi Ciire (Ozil) 12-Deeq C/raxmaan Jeesoow (Juve) 13-Yaasmiin Nuur Macalin (United) 14-Yacquub Cabdi Geeseey (Isma Dhaanto) 15-Waris Nuur Ayaanle (Wariseey) 16-Sugaal Abdi Sahal (Essien) 17-Duraan Xasan Shidane (Fabrigas) 18-Warsame Saalax Cabdi (Ribery) 19-Ayuub Muumin Xussen (Iniesta) SuŽaasha iyo Aqoon is weeydaarsiga Isbuucaan ayaa wexeey tahay sidan: >>> Waxaad sheegtaa Magaca Wiilka la Sawiran Ex-Player Roberto Baggio oo hada ah Laacib si weeyn Dunida oo dhan looga yaqaano, Bal isku day hadaad qabiir Sport tahay inaad kala garan karto Ciyaaryahan kasta xiligii uu Caruurta ahaa ama yaraa iyo Xiliga uu weeynaado qaabka uu u egyahay...Soo sheeg Magaca Wiilka hada la sawiran Roberto Baggio oo Ciyaaryahan weeyn ah kana fiiri Sawirka Boga hore ee Xiriiriye.com. Wiilkaan yar oo hada Laacib ah una dheelo Qaran caan ah ayaa xiligaas waxa uu Roberto Baggio ka doonayey inuu u siibo Funaanadiisa maadaama eey dhamaatay Ciyaarta. Hadii Dhiigaaga uu Sport ku Shaqeeyo Idhahaagana Macalin Yihiin oo aad garato cida uu yahay ama magaca aad u maleeneeyso Wiilkaas yar ee Roberto Baggio la sawiran inta noogu soo dir Jawaabtaada > xiriiriyesports@hotmail.com. Jawaabta Qabiirada Guuleeysta waxaanu soo deeyn doonaa haduu Alle Raali ka noqdo Sabdi 1.1.2011 waa Maalinta Sanadka cusub iyo Nasiib Wanaagsan !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com