La Yaab : Xiddiga Kooxda Arsenal & Qaranka Holland Robin van Persie oo loo qiray inuu yahay Farsama yaqaan aad ugu wanaagsan sameeynta Gawaarida . Yaa ka faaideeystay Xirfadiisa ? ( Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa)
Jaraaidka Bild-Sport ayaa waxaa uu war bixin dheer ka qoray Laacibka kooxda Arsenal & Qaranka Holland Robin van Persie oo uu ku sheegay Xirfad ahaan inuu leeyahay 2-Farsamadood . Jaraaidka ayaa sheegay Farsamada koowaad ineey tahay ciyaarta kubada cagta halka Farsamada 2-aad eey tahay Sanceeynta gawaarida oo ilaa yaraantiisii uu si wanaagsan u soo bartay. Robin Van Persie ayaa waxaa la sheegay in xiliyada uu firaaqada leeyahay inta badan uu isku mashquuliyo Gawaarida inuu Bool ilaa Bool fur furo kamana daalo shaqadaas maadaama Hoppy-giisa eey tahay.
Robin Van Persie oo 6-dii Agoosto 1983 ku dhashay magaalada Rotterdam ayaa Jaraidku waxa uu leeyahay dhanka waalidka isaga dhalay shuqul kuma lahan xirfadna uma lahan Farsameeynta gawaarida balse Robin Van Persie ayaa Aqoontaan waxaa uu ka bartay oo xiliyada Firaaqadiisa la shaqeeyn jiray Adeerkiis oo lahaa Geerish/Garaash weeyn oo lagu iibin jiray gawaarida cusub iwm. Ciyaaryahan Van Persie ayaa aqoontiisa guud waxaa ka faaideystay Xiddiga Reer France & kooxda Arsenal Gael Clichy .