La Yaab : Meesha Jarmal lama Joogo ee Mesut Ozil & Sami Khadira ha barteen Luuqada Isbaanish-ka ama ha ku hadleen English-ka : Sidaas waxaa yiri Jose Morinho oo la hadlayey Tv-ga RTL .
Barnaamishka La Yaab waxa uu soo aruuriyaa wararka Xasaasiyada xambaarsan ee ku cusub Maslaxa ama Garoomada kubada cagta.
Macalinka kooxda Real Madrid oo u waramayey Tv-ga caanka ah ee RTL oo laga leeyahay dalka Germany ayaa ka yaabsaday dadweynaha Jarmalka ka dib markii uu hadal Xasaasi ah hawada u soo mariyey.
Jose Morinho oo ah Macalin aan hadalada kulul la gamban oo si weeyn looga yaqaano wadamada Portugal ,England, Italy iyo Spain maadaama uu kooxaha ka kala dhisan wadamadaas uu Tababare u soo wada noqday sida kooxda Fc Porto, Fc Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid oo uu hada Macalin u yahay.
Shacabka dalka Jarmalka ayaa halmar afka wada qabsday ka dib marki uu jose Morinho Jawaab kulul ka bixiyey su´aal eheed sida uu u arko laacibiinta Qaranka Germany ee u ciyaarta kooxdiisa Real Madrid Mesut Ozil & Sami Khadira. Morinho ayaa yiri : " Waa ciyaartooy kooxda Real Madrid aad muhiim ugu ah Mesut Ozil & Sami Khadira taas badalkeeda ma ahan inaan ka aamuso ee meesha Jarmal lama joogo oo ha barteen Luuqada Isbaanishka ama ha ku hadleen luuqada English-ka mana ila wanaagsana ineey labadooda uun mar walba isku mashquulaan !! .
Mesut Ozil & Sami Khadira oo asal ahaan ka soo kala jeeda wadamada Turkiga & Tunisia ayaa waxa eey u saftaan xulka qaranka Germany wexeeyna xili ciyaareedkaan cusub ku biireen kooxda Real Madrid ee horyaalka Spain iyaga laga soo kala iibsaday kooxaha Bremen & Stuttgart oo ka wada dhisan horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka.
Ogeysiin bahda ku Xiran Xiriiriye.com: Filo wax yar ka dib Natiijadii Jawaabtii Hal xiraalaha oo lagu kala baxay & Faaqidaada Horyaalada oo kooxo badan eey wacdaro ka dhigeen halka kuwo kalena lagu dur duriyey.