La Yaab : Saxaafada oo ka Faaideeysatay Dagaalka u dhexeeya Gerard Piqué Vs Sergio Ramos,*Pique oo sheegay inuu Telfoon ku soo wacay Sergio Ramos oo Cabsan ka dibna Caayey Iyo Sergio Ramos oo ku adkeeystay sidan " Pique wuxuu sheego ayuu waayey ee Cadeen ha keensado iyo Ramos oo la sheegay inuu Xiliyada uu sarqaamo inuu Ciyaartooyda kale telfoonka Gacanta ku caayo & David Villa oo arintaan qiray + War Bixin Tarjuman) .
(La Yaab Sport War Bixin Tarjuman): Waxaa soo noq noqday oo Saxaafada dalka Spain intooda badan Shaqo ka dhigteen kiiska Difaaca kooxda Real Madrid iyo Qaranka Spain Ciyaaryahan Sergio Ramos oo lagu soo eedeeyey inuu Xiliyada uu Sarqaamo Telfoonkiisa Gacanta ku waco Ciyaartooyda eey Saaxiibaha yihiin ka dibna si fudud ku aflagaadeeyo.
Fadeexada arintaan iyo Cadeenteeda waxaa banaanka soo dhigay Ciyaaryahan Gerard Pique oo sheegay xiliyada uu sarqaansan yahay Sergio Ramos inta badan inuusan ogeeyn waxa uu ku hadlaayo iyo halka uu ku sugan yahay.
Gerard Pique wuxuu kaloo war bixintiisa sii raaciyey in xiliyada Qaranka Spain Safarka dibada ah ugu bixi jireen uu Sergio Ramos sidoo kale horay ugu aflagadeeyey mar uu sarqaansanaa Laacibiinta kala ah David Villa iyo Andreas Iniesta.
Iniesta oo Arintaan Jaraaidka wax ka weeydiiyeen ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo halka David Villa oo sarbeeyey uu yiri sidan: " Sergio Ramos waa Shaqsi kaftan badan waxaana laga yaabaa inuu Kaftan kala jeedo hadaladaas aan habooneeyn in qof kasta lagu yiraahdo.
Sergio Ramos oo difaacay kiiska ayaa waxa uu yiri sidan "ma wanaagsana in Saxaafada waxa beenta ah oo eey qoraan in la waqti la siiyo laakiin aniga shaqsi ahaan waxaan leeyahay Gerard Pique waxa uu sheegay waxaan u aqaanaa iska hadal haduu cadeen hayana ha keeno ee yuusan umada ku Jahwareerin waxa eey ka beec mushtaraan Jaraaidyada dalka Spain.
Ugu dambeeyntii kiiska labadaan Ciyaartooy oo noqday midkii ugu hadal heeynta badnaa ayaa waxaa la wareegay Xiriirka dalka Spain oo sheegay in Ciidamada Amniga dalka Spain eey dhageeysan doonaan Saacadii iyo Maalintii uu soo wacay Ramos Pique.
Wargeeysyada qaar ayaa qoray waxa uu ka xanaaqay Gerard Pique ineey eheed Sergio Ramos oo wacay Pique ka dibna ku yiri Doonooyin ku yaqaan ayaa ila joogo oo Baashaal raba waa hadii aad waqti heeysid. Akhristoow waxaas caay ama Aflagaado saas u weeyn ma ahan laakiin Jaraaidyada wexeey sheegeen in Xiligaas eey Pique la joogtay Xaaskiisa cusub ama Lamaanihiisa Shakira oo Fanaanad caan ah hadana u leh Uur sida eey soo bandhigeen Telefishinada.