Xiddiga Qaranka Talyaaniga & kooxda Fc Villarreal Giuseppe Rossi oo Garoomada ka maqnaan doono mudo 6 Bilood ah,* Fc Chelsea Vs Fc Arsenal oo isku dhaarsan maalinta beri ah ee Sabtida , Yaa Cagaha laga tumi doono? ,* Difaaca Inter Lucio & Weeraryahanka Juventus Alessandro Matri oo isku badalay labo Afhayeen & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
*** Weeraryahanka Da´da yar ee Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Fc Villarreal Giuseppe Rossi ayaa waxaa soo gaaray Dhaawac xun oo sababay in mudo 6 bilood ah loo jaro.
Giuseppe Rossi wuxuu ku Dhaawacmay kulankii Real Madrid Vs Fc Villarreal (3-0) wuxuuna Dhaawacan daran ka soo gaaray dhanka Jilibka Midig.
Saxaafada dalka Spain oo maalmihii ugu dambeeyey daba dhigatay kooxda Fc Villarreal oo eey ku sheegeen ineey Boolo noqotay weliba ceebeeysay magaca reer Spain maadaama kulamadii koobka Champions League dhamaan laga tirsaday Dhibcaha. Dhaawaca Weeraryahan Giuseppe Rossi wuxuu kooxda Fc Villarreal u noqday mid eey aad uga nexeen waxaana horay uga dhaawacmay oo Garoomada laga saaray Ciyaaryahan Nilmar oo u safta Qaranka Brazil.
*** Beri oo Sabdi ah Saacadu markeey tahay 13.45 Duhurnimo ayaa lagu wadaa inuu Magaalada London ku dhex maro kulan aad u adag kooxaha Fc Chelsea Vs FC Arsenal. Dhanka Fc Chelsea waxaa ka maqnaan doona weeraryahankooda Didier Drogba oo kulankii ugu dambeeyey ee QPR Vs Fc Chelsea (1-0) Rooso qaatay waxaana isla kulankaan Rooso loo taagay isna Ciyaaryahan Jose Bosingwa.
Weeraryahan Didier Drogba kulamadii ugu dambeeyey ee dhex mara kooxaha Fc Chelsea Vs Arsenal wuxuu Laf dhuun gashay ku noqon jiray kooxda The Gunners. Maqnaanshaha Drogba ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka faaideeysto Weeraryahan Robin Van Persie oo kulamadii ugu dambeeyey daris la noqday Gooalal fara badan kuwaas oo aad u qurxoonaa.
Horyaalka England oo la ciyaaray 9-kulan Fc Chelsea wexeey leedahay 19-dhibcood halka Arsenal eey ka leedahay 13-Dhibcood. Dhanka Man Utd wexeey isla Duhurnimada Sabtida ah saacadu markeey tahay 13 Duhurnimo la ciyaari doontaa kooxda Fc Everton (Gurigii hore ee Rooney & halkii uu ku dhashay).
*** Difaaca Inter Lucio & Weeraryahanka Juventus Alessandro Matri ayaa hawada isku mariyey hadal lagu sheegay Hanjabaad iyo faan. Kooxaha Inter Vs Juventus wexeey wada Ciyaari doonaan Habeenka Sabtida ah waxaana aad u xanaaqsan Inter Milan oo xili Ciyaareedkaan beerta ku jirta.
Horyaalka Talyaaniga oo la Ciyaaray 8-kulan Juventus wexeey hogaanka Serie A ku heeysaa 16-Dhibcood halka Inter oo Boolo noqotay eey ka leedahay 8-dhibcood. Weeraryahanka Juventus Alessandro Matri wuxuu war baahinta horteeda ka sheegay in loo baahan yahay Inter oo iska diyaariso sadexda dhibcood.
Ciyaaryahan Lucio oo u jawaabay Matri waxa uu leeyahay Sadexda Dhibcood ee Inter gurigeeda looga tirsadaa wexeey noqon doontaa mid eey Juventus iyo Matri dhib badan u mari doonaan. Ciyaarta Inter Vs Juventus weexey dhici doontaa Habeenka Sabtida Saacadu markeey tahay 20 :45 Fiidnimo.
Isla beri Maqribadii waxaa lagu wadaa inuu kulan adag dhex maro kooxaha As Roma Vs Ac Milan. (18:00).
*** Macalinka Real Madrid Mr.Jose Morinho wuxuu markii ugu horeeysay si toos ah u amaanay Weeraryahanka Qaranka France Karim Benzema oo uu ku sheegay inuu la soo baxay Mucjisooyin cusub iyo Ciyaar qancisay Mr.Morinho.
Macalin Morinho ayaa dhoor jeer oo hore waxa uu isku dayey inuu Binji galiyo Weeraryahan Karim Benzema balse Laacibkaan ayaa booskiisa Difaacday.
Karim Benzema kulamadii ugu dambeeyey Goolal dhalis kama baxo wuxuuna la soo baxay Basas kulul oo uu ka dhex dhiibay ama Baasay Difaacyada Real Madrid ka soo hor jeeday . Halkaan ka Daawo Mucjisadiisa cusub kulankii ugu dambeeyey ee dhex mara kooxaha Real Madrid Vs Fc Villarreal >>> http://www.youtube.com/watch?v=tIdj_1WC6Nc .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!