 |
|
 |
RooneyQasaaro |
 |

WORLD SPORT NEWS : Qabiir Lampard oo Sharaftii Fc Chelsea dib u soo celiyey,* Johan Djourou oo Fc Arsenal ka Inkaarsaday,* & Maamulka Manchester United oo Ciilkii ay ka qaadeen Xasuuqii Blackburn Rovers kula dhacay Weeraryahan Wayne Mark Rooney oo Qalad sameeyey (Akhri Cadeeynta) *** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier-League oo la Ciyaaray kulankiisii 20-aad waxaa sharafta Kooxdiisa Fc Chelsea bad baadiyey Qabiirka Qadka dhexe ee Qaranka England Frank James Lampard oo Goolkii Guusha ka xareeyey kooxda Wolverhampton. Frank Lampard wuxuu sidoo kale sabab u noqday ineey kooxdiisa Fc Chelsea dhanka dhibcaha ka kor marto Fc Arsenal oo ay si ba´an iskugu heeysteen maalmahaan kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska halka Guushaan uu keenay Frank Lampard ay Badbaado u noqotay Macalinka Fc Cheslsea Mr. Andres Villas-Boas oo 4-Kulan aan wax Guul ah gaarin. Chelsea oo 1-2 ku soo tuntay Wolverhampton waxaa Goolka koowaad u saxiixay Xiddiga Reer Brazil Ramires Daqiiqadii 54-aad balse waxaa Goolka Bareejada Dhamaadkii Ciyaarta Fc Chelsea kaga naxsaday Xiddiga Wolverhampton Stephen Ward Daqiiqadii 84-aad. Intaas ka dib Qabiir Frank Lampad oo boorka iska jafay ayaa 1-2 ku quusiyey Naadiga Wolverhampton Daqiiqadii 89-aad. *** Xiddiga Qaranka Switzeland balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Ivory Coast Johan Djourou wuxuu ka inkaarsaday naadigiisa Fc Arsenal oo uu Guuldaro u soo jiiday. Kulan aad u adag oo dhex maray kooxaha Dariska ah ee Fulham iyo Fc Arsenal ayaa waxaa kooxda The Gunners Gool muhiim ah Ciyaarta qeeybteedii hore Daqiiqadii 21-aad u saxiixay Laacib Laurent Koscielny . Ilaa dhamaadkii Ciyaarta waxaa Kubada maamuleeysay Fc Arsenal balse Daqiiqadii 78-aad ayuu kooxdiisa Rooso/Casaan u soo jiiday Ciyaaryahan Johan Djourou taas oo sababtay ineey Fulham soo kacsato weliba booskii laga saaray Ciyaaryahan Johan Djourou soo buux dhaafiyaan . Dhamaadkii Ciyaarta ayaa waxaa la boobsiiyey Fc Arsenal oo Goolkii ay laheed loogu badalay hal jar labo (1-2). Labada Gool Fc Arsenal waxaa ka xareeyey Ciyaartooyda kala ah Steve Sidwell Daqiiqadii 85-aad iyo Bobby Zamora Daqiiqadii 92-aad. Kooxaha Aston Villa iyo Blackburn Rovers oo Isbuucaan soo kala garaacay Fc Chelsea iyo Man Utd ayaa sheekadooda wexeey noqotay qawda maqashii waxna ha u qaban ka dib markii labadoodaba lagu Tumay Garoomadooda. Blackburn Rover waxaa 1-2 ku tuntay Stoke City oo uu labada Goolba u wada saxiixay Weeraryahan Peter Crouch Daqiiqadihii 17-aad iyo 45-aad. Aston Villa Gurigeeda waxaa ku Qararamsatay kooxda Swansea (0-2). KOOXAHA HORYAALKA INGIRIISKA AYAA QAABKAAN ISKU ARKAY :
| ISNIIN : |
| Wolverhampton |
Chelsea |
1:2 |
| Aston Villa |
Swansea |
0:2 |
| Blackburn |
Stoke |
1:2 |
| Queens Park Rangers |
Norwich |
1:2 |
| Fulham |
Arsenal |
2:1 |
|
TALADO, 3. Janaayo waxa kulma kooxahaan :
|
| Tottenham |
West Bromwich |
20.45 |
| Wigan |
Sunderland |
20.45 |
| Manchester City |
Liverpool |
21.00 |
| ARBACO, 4. Janaayo: |
| Newcastle |
Manchester United |
21.00 |
| Everton |
Bolton |
21.00 |
FIIRO GAAR AH : Man City Caawa waxeey kulan adag kala hor tagi doontaa Fc Liverpool oo Garoonkeeda ugu imaan doonto. Beri Man Utd wexeey u safri doontaa Newcastle oo ka xanaaqsan kulankii ugu dambeeyey oo ay Fc Liverpool 3-1 Cagaha uga soo tuntay . Xanaaq ma dhaamo xanaaq maxaa yeelay Man City iyo ManU iyagaba waa la soo garaacay Isbuucaan. HORYAALKA INGIRIISKA KOOXAHA WEXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN :
| 1. |
Manchester City |
19 |
14 |
3 |
2 |
53:16 |
45 |
| 2. |
Manchester United |
19 |
14 |
3 |
2 |
49:17 |
45 |
| 3. |
Tottenham Hotspur |
18 |
12 |
3 |
3 |
35:20 |
39 |
| 4. |
Chelsea |
20 |
11 |
4 |
5 |
39:25 |
37 |
| 5. |
Arsenal |
20 |
11 |
3 |
6 |
36:28 |
36 |
| 6. |
Liverpool |
19 |
9 |
7 |
3 |
24:15 |
34 |
| 7. |
Newcastle United |
19 |
8 |
6 |
5 |
26:25 |
30 |
| 8. |
Stoke City |
20 |
8 |
5 |
7 |
22:31 |
29 |
| 9. |
Norwich City |
20 |
6 |
7 |
7 |
30:35 |
25 |
| 10. |
Everton |
18 |
7 |
3 |
8 |
19:20 |
24 |
| 11. |
Swansea City |
20 |
5 |
8 |
7 |
20:23 |
23 |
| 12. |
Fulham |
20 |
5 |
8 |
7 |
22:26 |
23 |
| . |
Aston Villa |
20 |
5 |
8 |
7 |
22:26 |
23 |
| 14. |
West Bromwich Albion |
19 |
6 |
4 |
9 |
19:27 |
22 |
| 15. |
Sunderland |
19 |
5 |
6 |
8 |
23:22 |
21 |
| 16. |
Wolverhampton Wanderers |
20 |
4 |
5 |
11 |
22:36 |
17 |
| 17. |
Queens Park Rangers |
20 |
4 |
5 |
11 |
19:35 |
17 |
| 18. |
Wigan Athletic |
19 |
3 |
6 |
10 |
17:37 |
15 |
| 19. |
Blackburn Rovers |
20 |
3 |
5 |
12 |
29:43 |
14 |
| 20. |
Bolton Wanderers |
19 |
4 |
1 |
14 |
23:42 |
13 | *** Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Manchester Utd Wayne Mark Rooney ayaa waxaa la laqsiiyey Ganaax Lacageed lagu sheegay 300.000 oo Euro. Rooney ayaa Habeenkii Kirismiska ka hor kulankii Man Utd Vs Blackburn Rovers (2:3) waxa uu ku soo daahay goob lagu tumanayey Party oo Maqaaxi eheed (Restaurant ). Weeraryahan Rooney ayaa waxaa la sheegay ineey Xafladaas Partiga ah ay ku wehliyeen Xaaskiisa Haweeneeyda lagu magacaabo Colleen iyo qaar ka tirsan Xiddigaha kooxdaas oo ay ka mid yihiin Darron Gibson iyo Johnny Evans . Macalinka Man Utd Mr.Sir Alex Ferguson wuxuu Wayne Mark Rooney ku eedeeyey inuu daal fara badan ka soo qaaday Xafladii uu sida Sharci darada eheed ugu soo daahay .Lacagtaan la Ganaaxay Weeraryahan Rooney waxaa la sheegay ineeysan waxba ka dhimi doonin sababtoo ah Qiimaha la ganaaxay ee 300.000 Wuxuu Mushaar ahaan uga qaataa kooxa Man Utd Isbuuc walba. (Filo Maanta hadii uu alle idmo Warar Top ah oo Tarjumistooda la dhameeystiray)
Partyausflug kostet Rooney Wochenlohn
### Für Wayne Rooney wird sein nächtlicher Partyausflug zu Weihnachten teuer. Trainer Sir Alex Ferguson verdonnerte den Stürmerstar von Manchester United britischen Medien zufolge zu einer Geldstrafe von rund 300.000 Euro. Das entspricht einem Wochenlohn des englischen Fußball-Nationalspielers. Zudem musste der 26-Jährige ein Sondertraining absolvieren. Ferguson war verärgert, weil Rooney am zweiten Weihnachtsfeiertag zu später Stunde mit seiner Frau Colleen und den Teamkollegen Darron Gibson und Johnny Evans in einem Restaurant gesichtet worden war. Am folgenden Tag missfielen dann Rooneys Trainingsleistungen dem United-Coach. Ferguson strich den Torjäger daraufhin aus dem Kader für die Partie gegen die Blackburn Rovers (2:3). Beide Seiten bemühten sich aber inzwischen, den Vorfall herunterzuspielen. Der immer wieder wegen Disziplinproblemen in die Schlagzeilen geratene Rooney soll am Mittwoch gegen Newcastle ins Team des Rekordmeisters zurückkehren.###
MANCHESTER UNITED remain tight-lipped on reports that Wayne Rooney was dropped yesterday. ### Speaking before the shock 3-2 home defeat to Blackburn, boss Alex Ferguson revealed the striker had been left out of the squad due to niggly injury problems. And United are standing by the statement ? despite one newspaper claiming 26-year-old Rooney did not feature for disciplinary reasons. The Mail on Sunday reported that Rooney had been dropped from the game and ordered to pay a six-figure fine after a row erupted with Ferguson when he and wife Coleen went out for dinner with team-mates on Boxing Day. Before the match Fergie said: "Wayne hasn't trained well this week, he's missed a few days and we're hoping that he trains today, tomorrow and, by Wednesday, he should be OK. It's little strains here and there." Manchester United have not responded to the report.###
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|