Weeraryahan Wayne Rooney oo Dagaal xoogan ugu jiro sidii uu kooxda Manchester United ugu soo biirin lahaa Ciyaaryahanka uu ugu Jecel yahay Ciyaartooyda & Maamulka Man Utd oo arinkaan soo dhaweeyey. (MirrorFootball & War Bixin Tarjuman)
Jaraaidka dhanka Sportiga ugu caansan dalka Ingiriiska looguna jecel yahay marka laga soo tago Sun-Sport waa Sport Mirror ayaa waxa uu Wareeysi dhinacyo badan taabtay la yeeshay weeraryahanka Qaranka England iyo Kooxda The Red Devils Man Utd Wayne Mark Rooney .
Wargeeyskaan ayaa Arbaco kasta waxa uu Martiqaad u sameeyaa ciyaaryahanada Horyaalka Ingiriiska ugu firfircoon kuwooda ugu caansan waxaana Barnaamishkaan lagu magacaabaa The New Double Take Mirror.
Wayne Mark Rooney ayaa Su´aalihii ugu xiisaha badnaa ee la weeydiiyey waxa ka mid ahaa sababta uu ku jeclaaday ugana dhamaan waayey isbuucyadii la soo dhaafay Xafiisyada kooxda Man Utd isaga oo doonaayo sidii uu xili qaboobahaan ama ugu dambeeys Xili ciyaareedka soo socdo uu kooxda Shayaadiinta Cas Cas (ManU) ugu soo biirin lahaa Weeraryahanka Qaranka England iyo Kooxda Tottenham Jermain Colin Defoe .
Jawaabta oo uu qaatay Ciyaaryahan Wayne Mark Rooney ayaa waxa uu yiri sidan:" >> Run ahaantii Jermain Colin Defoe waxaa jecel oo afkiisa wada fiiriya dhamaan Qaranka England waana nin aad u Shactiro & Kaftan badan wuxuuna inta badan Xaraarad u yeelaa kubada oo uu Deeqsi ka yahay soo dhiibisteeda mana arag weli Xiddig kale oo ka tirsan Qarankeena oo Defoe eey is heestaan ama dhibaato ka sheeganaayo ! .
Jaraaidka Mirror Sport ayaa weey diiyey Rooney sidan: >> Qaranka England & Kooxda ManU kuma jiraan miyaa sida Jermain Colin Defoe Ciyaaryahan kuu Shactireen karo xiliyada aad kaftanka rabtit??
Rooney ayaa Yiri Yes Yes dabcan haa Sida Frank Lampard oo Qaranka ah iyo Paul Scholes oo Man Utd ah laakiin Shaqsi ahaan dhankeeyga Defoe waxa uu ka yahay Axsan nin aadan hadalkiisa ka daaleeyn weliba waxaan ku sii jeclaaday Hees alle Heestii cusub oo New ah korka ayuu ku hayaa wuuna ku luuqeeyaa sidii inuu isaga soo Alifay mana u baahdi inaan Heesahaan Tv-yada ka dhageeysto inta uu isaga i ag joogo waxaana xooga saari doonaa ugu dambeeysta sidaan ku keeni lahaa Garoonka Old Trafford si uu iiga bar bar ciyaaro.
Wareeysiga Mirror Sport oo aad u dheeraa ayaa hadaanu Muhiimadiisa ka soo qaadano waxaa kaloo Wayne Rooney la weeydiiyey bal Xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Luis Nani ama isaga iyo Dimitar Ivanov Berbatov?
Wayne Mark Rooney ayaa waxa uu ku jawaabay Sidan: " >> Dabcan Nani kalama harno waana Saaxiib kale oo wanaagsan laakiin xiriirka aniga iyo Berbatov naga dhaxeeyo aad ayuu u yar yahay maxaa yeelay Xiddigaas waxaa aad ugu adag Luuqada Englishka wuuna bartaa hada oo wuxuu wadaa barashadeeda mararka qaarna run ahaantii isma fahano maadaama uu ku hadllo Bulgaariyaan & Ruush oo kaliyah.
Wararka Jaraaidyada Sportiga ee ugu caansan Caalamka kala soco Saacad walba Xiriiriye Breaking Sport News and the latest Sports Headlines. FILO GOOR DHAW: Barnaamishka La Yaab oo Maanta ku saabsan Dhibaato dhanka Iloowshaha ah oo heeysta ciyaaryahan caan ah una ciyaaro koox sidoo kale si weeyn dunida caan uga ah. Xiddigaan ayaa Kooxdiisa ka wada yaabsaday ka dib markii uu Jabiyey Iskoorka Hilmaamida ama Iloowshaha loo yaqaan waxaana Maalin kasta laga daba qaadaa Telfoonadiisa gacanta & Qalab kale oo uu ku hilmaamo Meesha eey Ciyaartooyda kooxdiisa ku tababarato wuxuuna Laacibkaan Qirtay inuu ilaa Yaraantiisii qabay Xis-Iloobidaan uu Alaabaha badan uga tagay meelaha uu ku caweeyo ama fadhiisto qaasatan sida Diyaaradaha iyo Tareemada dhexdooda. Filo wax yar ka dib War Bixintaan oo Sawiro wadato !