Xiddiga Qaranka Portugal Ricardo Quaresma oo Dhac xoogan loo geeystay iyo Laacibkaan oo sas iyo naxdin ka qaaday Bistoolado Madaxa looga qabtay (Akhri Cadeenta War Bixinta & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News).
*** Xiddiga Gambiska badan ee Qaranka Portugal iyo kooxda Besiktas ee Horyaalka Turkiga Ricardo Quaresma ayaa waxaa loo geeystay dhac xoogan oo ugu dambeeyntii sababay inuu Laacibkaan qaado Sas iyo Naxdin uusan Nolashaiisa horay u soo arag.
Ricardo Quaresma oo doonayey inuu Gaarigiisa qaaliga ah ee Luxusauto kaxeeysto ayaa waxaa goobtaas ku sugeeysay Labo Nin oo gaariga ka soo daba fuushay kuwaas oo si deg deg ah Bistoolado Madaxa kaga qabtay waxeeyna ka qaateen Lacag uu watay iyo Saacad Qaali ah oo u xirneed taas oo nuuceeda lagu sheegay (Designeruhr) waxaana isku dar Dhacii loo geeystay Ciyaaryahan Ricardo Quaresma Booliisku ku sheegeen Aduun gaaraya 80.000 oo Euro.
Ricardo Quaresma oo 28 jir ah ayaa wexeey warbixintu leedahay dhibkaan ama Bililiqadaan loo geeystay wexeey ku qabsatay Xaafad ka tirsan magaalada Lisbon ee Caasimada dalka Portugal.
Laacib Ricardo Quaresma oo dhanka Gambiska iyo qadka dhexe aad ugu wanaagsan wuxuu u soo Ciyaaray kooxaha kala ah Fc Porto, Fc Barcelona, Inter Milan iyo Fc Chelsea. >> (Portugals Teamspieler Ricardo Quaresma ist Opfer von Räubern geworden. Wie portugiesische Medien am Freitag berichteten, wurde der 28-Jährige zu Wochenbeginn in Lissabon in seinem Luxusauto sitzend mit vorgehaltener Waffe bedroht. Die Diebe erleichterten den Offensivspieler um Bargeld, Schmuck und seine Designeruhr. Die Polizei bezifferte den Wert der gestohlenen Ware mit 80.000 Euro.Zuvor stand er bereits beim FC Barcelona, FC Porto, Chelsea und Inter Mailand unter Vertrag).<<
*** Avram Grant waa Macalinkii hore ee kooxda Fc Chelsea keenay Fiinaalaha koobka Champions League sanadkii 2008 wuxuuna hada ku biiray ama Tababare loogu magacaabay kooxda Partizan Belgrad oo heeysata horyaalka dalka Serbia wuxuuna badalay Macalin Aleksandar Stanojevic oo shaqada laga ceeyriyey.
Tababare Avram Grant oo u dhashay dalka Israel wuxuu Macalin u soo noqday kooxaha kala ah Fc Chelsea, Portsmouth, Westham Utd iyo Qaranka dalkiisa hooyo ee Israel waana 56-jir.
*** Kooxda Kubada cagta ee Shayaadiinta Cas Cas The Red Devils Manchester United wexeey iska iibiyeen Laacibkoodii Darron Gibson oo u wareegay dhanka kooxda Fc Everton oo ka dhisan magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska.
*** Goolhayaha Qaranka Ukraine iyo kooxda heeysta Horyaalka dalkaas ee Shachtjor Donezk waa Ciyaaryahan Olexandr Rybka waxaa lagu helay inuu is ticmaalay Daraagiska jirka dhisa ee Ciyaartooyda ka dhiga mid aan daalin (Doping).
Xiriirka Uefa oo Xiddigaan baaritaan ku sameeyey wexeey durbadiiba ka mabnuuceen Ciyaaraha Caalamiga ah wuuxuna hada Xiddigaan oo 24 jir ah halis ugu jiraa in gebi ahaanba loo diido tartanka koobka Qaramada Yurub oo Biasha Juun ka furmi doona dalkiisa Hooyo ee Ukraine oo la marti galisay Wadanka Poland. >> ( Die europäische Fußball-Union (UEFA) hat Schachtjor-Donezk-Goalie Olexandr Rybka wegen Dopings bis auf weiteres gesperrt. Beim 24-Jährigen wurde laut Schachtjor-Generaldirektor Sergej Palkin in einer Kontrolle im November ein harntreibendes Mittel gefunden.
Rybka nahm ohne Wissen des Vereins die Substanz ein, um abzunehmen, so Palkin. Wie lange der Keeper gesperrt wird, steht noch nicht fest. Möglicherweise versäumt Rybka, der im vergangenen Jahr im ukrainischen Nationalteam debütiert hat, die Heim-Europameisterschaft 2012.)<<