Old Ronaldo oo Cayil la socon la iyo Lugtiisa oo aan weli cayilin , Kaka iyo Fc Chelsea oo la shaaciyey ineey Xiriir hoose leeyihiin & Warar kale.þ
Luis Nazario de Lima Ronaldo waa xiddigii hore ee qaranka Brazil iyo Kooxaha PSV Eindhoven, Barcelona, Real Madrid, Inter Milan iyo AC Milan.
Ronaldo De Lima oo saaid u cayilay ayaa hadana waxaan cayilin qaabkiisa Weeraryahan oo Lugtiisa waxa uu ku dhaliyaa goolal aad u qurxoon. Ronaldo de lima ayaa hada waxa uu u ciyaaraa kooxda Corinthians Sao Paulo oo ciyaartii ugu dambeeysay ee Horyaalka Brazil shalay 4-0 ku suul daartay kooxda Fenomeno. Labo ka mid ah goolashas ayaa waxaa u saxiixay Ex-Laacib weeraryahan Ronaldo oo daqiiqadihii 38-aad iyo 44-aad Paasas qurxoon ka heelay saaxiibkiisii iyo Laacibkii hore ee shuutka badnaa waa Roberto Carlos oo eey isku koox u wada ciyaaraan halka labada gool ee kale eey sii raacsadeen Bruno Cesar & Elias.
Kooxada Corinthians Sao Paulo ayaa hada waxa eey qarka u saaran tahay ineey ku guuleeysato Horyaalka dalka Brazil in kastoo kooxo kale oo iyaguna rajo weeyn ka leh Horyaalkaas eey jiraan.
Ronaldo de Lima ayaa hada inta badan ciyaaro qaab eey soomaalidu u taqaan Fadhi ku dirir ama ii Paas aan Shuut ka geliyee halka waagii hore uu aad u orad badnaa balse markaan uu ku ciyaaro qaabkaas paasaska afka hore ee kooxdiisa loogu geeyo ah isaga oo aan dhexda ka soo shaqeeysan.
Ronaldo oo ah laacib si weeyn caan u ahaa ayaa waxaan macquul aheeyn in bulshada soomaaliyeed ee ciyaaraha jecel iska iloobaan Xiddigaas hada 34-sano jirka ah oo eey ku mashquulaan C.Ronaldo oo ah xiddig cusub balse markiisa uu duqoobi doono soona bixi doono Ronado 3-aad dalkuu doono ha ka yimaadee.
Xiriiriye.com ayaa waxaa ka go´an inuusan iloobin Xiddigaha nuucaas ah oo maslaxa kubada cagta qiimaha ka lahaa waana ku qasbanahay inaan bulshada u soo Xiriirino horyaalkeey doonaan ha ka dheelaane.
** Ciyaaryahan Ricardo Kaka ayaa waxaa la cadeeyey in xiriir hoose oo mudo soo jiitamaayey eey wada lahaayeen kooxda Fc Chelsea ee horyaalka Ingiriiska. Kaka iyo Chelsea oo heshiiskooda hoose is qarsaday ayaa hada waxaa soo shaac bixiyey Tv-ga Skysport oo Tababaraha kooxda FC Chelsea Carlo Ancelotti weeydiiyey sababta eey Kaka u qarsadeen heshiiskiisa?
Wuxuuna ku jawaabay Carlo Ancelotti sidan: " Kaka 100% waa wiil keeyga oo kale maalin kastana telfoon ayaan isku maqalnaa!!
Carlo Ancelotti ayaa ah macalinkii Kaka soo caan bixiyey xiligii uu ka yimid horyaalka dalka Brazil una yimid kooxda weeyn ee AC Milan. Lacagta ku baxeeyso Ricardo KaKa u soo wareegidiisa dhanka kooxda FC Chelsea ayaa lagu sheegay Adduun dhan 65-Milyan oo Euro halka kooxda Real madrid lacagtaas eey faaido ugu jirto kaliyah 5-Milyan oo Euro maadaama eey markii hore kala soo baxeen lacag gaareeysa 60-milyan oo Euro+Goolashii uu u dhaliyey inta uu la joogo.
** Koobka Europa League oo la ciyaaray ayaa waxaa la garaacay kooxda Man City oo lacagtii eey kala soo baxday ciyaaryahano caan ah la la yaaban yahay halkii eey martay. Kooxada Man City ayaa waxaa 3-1 ku tuntay naadiga Poznan oo ka dhisan dalka Poland.
Kooxda Liverpool ayaa waxaa gool uga naxsatay kooxda Napoli ee horyaalka Talyaaniga inkastoo goolkaas Napoli loogu badalay 3-gool oo xiriir ah . Goolasha Fc Liverpool ayaa waxa u wada saxiixay Xiddigooda ku caga beelay kooxda Liverpool Stefan Gerrard.
Juventus ayaa waxa eey 0-0 bareejo ah ku kala baxeen kooxda Salzbrug.
Kulamadii kale ee Koobka Europa League ,Ex-Jabhadii Uefa Cup ayaa kooxaha kale waxa eey isku macsalaameeyeen sidan:
| Poznan - Man City |
3:1 |
| Lausanne - Sparta |
1:3 |
| ZSKA - Palermo |
3:1 |
| Borisov - Tiraspol |
3:1 |
| Kiew - Alkmaar |
2:0 |
| Brügge - Zagreb |
0:2 |
| PAOK - Villarreal |
1:0 |
| Levski - OSC Lille |
2:2 |
| KAA Gent - Sporting |
3:1 |
| Leverkusen - Saloniki 1-0 |
|
| Rosenborg - Atl.Madrid |
1:2 |
| Juventus - Salzburg |
0:0 |
| FC Sevilla - Karp. Lviv |
4:0 |
| Liverpool - SSC Neapel |
3:1 |
| Steaua - FC Utrecht |
3:1 |
| FC Porto - Besiktas |
1:1 |
| Paris SG - Dortmund 0-0 |
|
| Eindhoven - Debrecen |
3:0 |
| Sampdoria - Kharkiv |
0:0 |
| Odense BK - YB Bern |
2:0 |
| Getafe - Stuttgart 0-3 |
|
| AEK Athen - Anderlecht |
1:1 |
| Haj. Split - Zenit |
2:3 |
| Rapid Wien - ZSKA Sofia |
1:2 |
|
La socodsiin: Barnaamishka La Yaab ayaa maanta waxa uu yahay mid aad u xiiso badan oo ku saabsan 2-ciyaaryahan oo caan ah weliba u kala ciyaaro kooxaha ugu awooda badan horyaalada Yurub oo noqday Rag is jeclaaday.....waxaan idiin heeynaa ciyaartooydaan oo aad si weeyn u garan doontaan Cadeeymo video & Sawiro ah iyo war bixinadii eey ka qoraeen dhamaan Jaraaidyada caalamka iyaga oo Isdhuuqaayo La Yaab !!!! iyo weliba waxa eey arinkaas ka yiraahdeen maadaama fadeexadaan lagu qabtay. ! Waxaan kaloo soo deeyn doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan Jawaabtii Hal xiraalaha Ciyaaryahanka Kelida laga badalay ah oo aanu maanta inaan soo saaro idiin balan qaadnay. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com