 |
|
 |
RoMo |
 |

WORLD SPORT NEWS : Cristiano Ronaldo & Macalin Jose Mourinho oo ka baaqday Xaflada Abaalmarinta Xiddiga Sanadka 2011 (FIFA Ballon d'Or 2011),* Kooxda Ajax Amsterdam oo Kaarto cusub keentay,* Tababare Steve McClaren oo u wareegay halkii uu Nasiibkiisa yaalay + Warar kale. Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 9.1.2012 ayaa waxaa lagu wadaa in magaalda Zurich ee dalka Switzerland lagu qabto Xaflada Abaalmarinta Xiddiga Sanadkii tagay ugu wanaagsanaa Ciyaarta Kubada cagta ee Dunida FIFA Ballon d'Or 2011. Web-satyada FIFA iyo kan kooxda Real Madrid waxaa lagu soo daabaacay Cudurdaar ku socda Masuuliyiinta bixinaya abaalmarintaas kaas oo ka yimid Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo & Macalin Jose Mourinho oo sheegay ineeysan soo xaadiri doonin Xaflada FIFA Ballon d'Or 2011 . Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo & Macalin Jose Mourinho wexeey sheegeen in ka baaqashadooda Xafladaas qaaliga ah ay ugu wacan tahay Kulanka dhex maraya kooxaha Fc Malaga Vs Real Madrid (Koobka Spain, Copa Del Rey). Labadii sano ee ugu dambeeysay waxaa Abaalmarinta FIFA Ballon d'Or Jeebka dambe gashtay Leo Messi, Cristiano Ronaldo waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2008 xiligaas oo uu la soo qaaday Koobka The Uefa Champions League kooxda Manchester Utd oo Faro cidiyo leh kaga baxsatay Fc Chelsea ka dib martii uu John Terry dhulka ku taraaraxay kana Cunay Rigooradii Guusha kooxdiisa Fc Chelsea . Baaqashada ay ka baaqdeen Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo & Macalin Jose Mourinho Xafladaan qaaliga ah ka dib waxaa Booskooda buuxiyey oo u matali doona kooxda Real Madrid Masuuliyiin ay ka mid yihiin Emilio Butragueno iyo Rugcadaa Zinedine Zidane . Xaflada Jagada Xiddiga Sanadka FIFA Ballon d'Or waxaa u sharaxan Laacibiin aad u fara badan balse Qabiirada Sportiga wexeey qabaan ineey Abaalmarintaan dhaafi doonin gacanta Laacibiinta kala ah Leo Messi,Cristiano Ronaldo iyo Xavi Hernandez. Dhanka Tababaraha Sanadka waxaa u sharaxan oo si weeyn iskugu heeysta Macalinmiinta kala ah Jose Mourinho (real Madrid), Sir Alex Ferguson (Manchester United) iyo Pep Guardiola (FC Barcelona). >> ( Cristiano Ronaldo und Jose Mourinho von Real Madrid werden nicht bei der Gala FIFA Ballon d'Or am Montag in Zürich dabei sein. Bei der Veranstaltung küren die FIFA und das Magazin ?France Football" den Weltfußballer und den Trainer des Jahres 2011 - Ronaldo und Mourinho sind beide nominiert. Grund für ihre Abwesenheit sei Reals Anreise zum Achtelfinal-Rückspiel im spanischen Cup in Malaga. Kandidaten für die Wahl zum Weltfußballer des Jahres 2011 sind neben Ronaldo Titelverteidiger Lionel Messi und Xavi vom FC Barcelona. 2008 hatte der Portugiese Ronaldo die Auszeichnung bekommen. Seither hatte zweimal sein Rivale Messi die Nase vorn. Um den Titel Trainer des Jahres konkurriert Mourinho mit Alex Ferguson von Manchester United und Pep Guardiola vom FC Barcelona. Die Madrilenen werden bei der Gala dennoch prominent zugegen sein - sie werden von den Altstars Emilio Butragueno und Zinedine Zidane repräsentiert.<< *** Kooxda Ajax Amsterdam oo heeysata Horyaalka dalka Holland ayaa waxaa ay soo bandhigtay Qorshe cusub oo ay Lacag iyo Taageere Codba ku heli karto. 21-kii bishii Dezembar kulan dhex maray kooxaha Ajax Amsterdam Vs Alkmaar oo ka tirsanaa koobka dalka Holland waxa uu ku dhamaaday Dagaal iyo qanad balse Xiriirka Kubada cagta ee dalka Holland (KNVB) oo Ciyaartaan go´aan ka gaaray wexeey isku raaceen in labada kooxood la isku celiyo 19-ka Bisha Janaayo sanadka 2012. Kooxda Ajax Amsterdam ayaa kulanka isku celiska ah waxaa lagu ganaaxay Lacag iyo ineey naadiga Alkmaar kula dheesho Garoonkeeda oo faaruq ah . Ajax oo arintaan u soo fakartay iminka wexeey la yimaadeen Qorshe cusub kaas oo ah in loo ogolaado Garoonkeeda sidii ay ku soo xaadiri lahaayeen Caruurta da´dooda ka yartahay 12 jirada iyo Haweenka (Dumarka oo iyagana soo xaadiri doona). Fikradaan cusub ayaa waxaa ogolaaday Xiriirka Kubada cagta ee dalka Holland (KNVB) balse Ajax Amsterdam waxaa lagu xujeeyey Cadeeymo ineey la yimaadaan sidii lagu aamini lahaa. Kooxda Ajax Amsterdam wexeey Kaartadaan cusub ka soo koobiyeeysay naadiga Fanerbahce oo ka dhisan horyaalka dalka Turkiga kaas oo bishii Septembar sanadkii 2011 loo ogolaaday ineey Garoonkooda soo xaadiri karaan Dumarka iyo Caruurta oo kaliyah waxaana intaas ka dib Garoonkii ka dhacday lama arag iyo lama maqal ka dib markii ay Ciyaartii soo buux dhaafiyeen 41.663 Caruur iyo Haween ah wexeeyna arintaan noqotay Iskoor Taariikhi ah oo ay jabisay kooxda Fenerbahce. Qosolka iyo Qeeylada Dumarka hiilo waa galaa hadii Ragii iyo Dhalinyaradii Garoonka loo diiday ha ogaadeen taas Xiriirka kooxaha ee dal kaste ? >>> Halkaan ka Daawo Yaabka dhacay http://www.youtube.com/watch?v=W79_xagopnI . Ajax Amsterdam will nach dem Vorbild Fenerbahce ein Geisterspiel mit einer ungewöhnlichen Maßnahme verhindern. Der Traditionsclub hat beim niederländischen Fußballverband (KNVB) angefragt, für das Cup-Achtelfinale gegen Alkmaar am 19. Jänner Frauen und Kinder zuzulassen. Die nach einem Fan-Angriff auf Alkmaars Torhüter Esteban Alvarado am 21. Dezember nach 37 Minuten abgebrochene Partie müsste nach einer Sanktion durch den KNVB eigentlich vor leeren Rängen wiederholt werden. ?Wir werden diesen Vorschlag in Betracht ziehen, aber Ajax muss einen Plan vorlegen, wie man das bewerkstelligen will", liegt der Verband in einem Statement verlautbaren. Im September 2011 war es Fenerbahce in einem ähnlichen Fall erlaubt worden, Frauen und Kinder unter zwölf Jahren ins Stadion zu lassen. *** Macalinkii hore ee Qaranka Ingiriiska Mr.Steve McClaren wuxuu si toos ah ula wareegay Shaqada Tababarnimo ee kooxda Twente Enschede oo heeysata Koobka dalka Holland. Macalin Steve McClaren wuxuu ka yimid dhanka Naadiga Nottingham Forest balse sanad ka hor waxa uu ahaa Macalinkii kooxda Wolfbrug ee horyaalka Bundesligaha dalka Germany. Mr.Steve McClaren wuxuu badalay Macalin Adriaanse balse sanadkii 2010-kii ayuu Steve McClaren la qaaday horyaalka Dalka Holland kooxda uu hada u yimid ee Twente Enschede oo ka yaabsatay kooxaha waa weeyn ee dalka Holland. Tababare Steve McClaren oo 50 sano jir ah waxa uu iminka kooxdiisa cusub ee Twente Enschede u saxiixay Qandaraas cusub oo ku kacaayo ilaa sanadka 2014-ka. >> (Bei Twente Enschede heißt wie erwartet Steve McClaren. Das gab der niederländische Vizemeister und Cupsieger am Donnerstag auf seiner Website bekannt. McClaren tritt die Nachfolge des ehemaligen Salzburg-Trainers Co Adriaanse an, von dem sich der Janko-Club diese Woche getrennt hatte. McClaren unterschrieb laut Clubangaben einen Vertrag bis Sommer 2014. Der englische Ex-Teamchef hatte Twente 2010 zum Meistertitel geführt. Zuletzt war der 50-jährige Engländer beim VfL Wolfsburg und bei Nottingham Forest tätig. *** Kooxda Juventus oo aaday Guriga Naadiga Al Hilal wexeey ku soo Qararamsatay 1-7 waxaana Goolasha u kala saxiixay Juventus oo mudooyinkaan dambe kacsan Laacibiinta kala ah Jakatoore Alessandro Del Piero oo 2 Gool u saxiixay kooxdiisa waxaana Goolasha kale sii kala raacsaday Ciyaartooyda kala ah Xiddiga Qaranka Holland Eljero Ellia, Laacibka Qaranka reer Chile Arturo Vidal,iyo Xiddigaha Qaranka Azzuri ee dalka Talyaaniga Georg Chiellini,Semone Pepe iyo Fabio Quagliarella oo dhaawac halis ah ka soo kacay. *** Mucjisadii hore ee Qaranka Bulgaria iyo kooxda Fc Barcelona Hristo Stoitschkov waxaa loo magacaabay Macalinka cusub ee kooxda heeysata horyaalka dalka Bulgaria waa Litex Lowetsch. Hristo Stoitschkov wuxuu shaqadaan cusub kala wareegay Macalin Atanas Dzhambazki oo lagu eedeeyey inuu kooxda Litex Lowetsch oo Ciyaartay Horyaalka Bulgaria 15 kulan uu ka riday kaalinta 7-aad waxaana 11-dhibcood ka hor martay kooxda Hogaanka u heeysa horyaalka Bulgaria ee lagu magacaabo Razgrad. Hristo Stoitschkov wuxuu 76 Gool u soo dhaliyey xiligii uu u Ciyaari jiray kooxda Fc Barcelona wuxuuna Sanadihii 2004 ilaa 2007 soo noqday Macalinka Qaranka Bulgaria ka dibna wuxuu u wareegay dhanka kooxda Celta Vigo. Macalin Hristo Stoitschkov ayaa iminka ka yimid dhanka kooxda Mamelodi Sundowns oo ka dhisan horyaalka dalka South Africa wuxuuna kooxdaas Tababare u soo ahaa ilaa Sanadihii 2009 iyo 2010. >> (Hristo Stoitschkow wird neuer Trainer beim bulgarischen Meister Litex Lowetsch. Die Stürmerlegende beerbt damit den bisherigen Coach Atanas Dzhambazki, der wegen anhaltender Erfolglosigkeit gefeuert wurde. Der vierfache Meister liegt in der Tabelle nach 15 Spielrunden nur auf Platz sieben und hat bereits elf Punkte Rückstand auf Leader Razgrad. Für Stoitschkow, der in seiner aktiven Spielerkarriere unter anderem 76 Tore für den FC Barcelona erzielte, ist es die vierte Station als Trainer. Von 2004 bis 2007 betreute er die Nationalmannschaft Bulgariens, danach für einige Monate den spanischen Verein Celta Vigo. In der Saison 2009/10 verschlug es ihn nach Südafrika, wo er bei Mamelodi Sundowns anheuerte. *** Kulamo ka tirsan Koobka Boqortooyda dalka Spain ee Copa Del Rey oo la Ciyaaray ayaa kooxaha wexeey ku kala bexeen Natiijadaan : Fc Valencia 1-0 ayeey ku garaacday kooxda Fc Sevilla. Cordoba 2-1 ayeey iskaga reebtay Naadiga Espanyol oo ka dhisan magaalada Barcelona.
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|