Taageerayasha kooxda As Roma kulanka caawa dhex mari doona kooxaha SS Lazio Vs As Roma wexeey Boorar ku diyaarsadeen ama ku qorteen inuu kulankaan muhiimka ah u yahay mid maalin Madoow ah maadaama uu Ciyaartaan kulul dhaawac uga maqnaan doono Laacibkooda Francesco Totti oo eey ku tilmaameen Dilaaga Lazio ama Toogtaha Goosha Lazio.
Taariikh ahaan Francesco Totti Garoomada kama bixi jirin isaga oo Gool ka dhalin SS Lazio waana Xiddiga kaliyah ee ka adag Lazio ama marka uu arko ku kacsada. Kaptan Francesco Totti oo sheegay inuu Garoonka soo xaadiri doono Ciyaarta Caawa isaga oo dhaawac ah ayaa mar eey Wareeysi la daba keceen Saxaafada Caalamka waxa uu yiri oo ugu muhiimsaneed sidan :
Francesco Totti " Waan la socdaa ineey Taageerayaasha Lazio kulanka Caawa ku faraxsan yihiin Dhaawaceeyga laakiin waxaan u sheegayaa ha la socdeen inaan Ciyaaraha sii wadi doono ilaa aan ka gaaro 40-sano Jir, Kulanka Caawa inaan Roma ka maqnaado aad ayaan uga xumahay laakiin wax qoran ayeey eheed,, ayuu yiri Qabiir Totti.
Baaqaan cusub wuxuu Kaptan Totti ku dhawaaqy markiisii 2-aad waxaana halkaas kaaga cad inuusan xili dhaw ka fariisan doonin Ciyaaraha kubada Cagta. Francesco Totti hada waa 35-jir waxaana u sii harsan 5 sano oo kale inuu sii ciyaaro taas oo halis gelin doonta Iskoorada eey kala heeystaan Paulo Maldini iyo Silvio Piola.
Kulanka Caawa oo ka dhici doona Garoonka Stadium Olimpico ee magaalada Roma waxaa uu noqon doonaa mid aad u adag maadaama Labada kooxood (SS Lazio Vs As Roma 20:45) Sanadkaan si weeyn isku soo qalabeeyeen weliba eey hada wada leeyihiin min 8-Dhibcood.
Dhanka SS Lazio waxaa faanay oo sheegay inuu As Roma Goolal ka xareeyn doono Weeraryahanka Qaranka Germany Miroslav Klose oo lagu waday inuu kooxdiisa Lazio kaga maqnaado kulanka Caawa Dhaawac dhanka Jilibka ah. Miroslav Klose oo u saftay SS Lazio 7 kulan wuxuu horyaalkaan cusub u saxiixay 5-Gool.
Halkaan ka Daawo Goolashii ugu wanaagsanaa ee Kaptan Francesco Totti http://www.youtube.com/watch?v=aPeJprUFiyc . Halkaan ka Daawo Totti oo dhaliyey Goolashiisii 200-aad iyo 201-aad ka soo biloow ilaa kiisii 1-aad ee Serie A >>> http://www.youtube.com/watch?v=FxV7Ni5eFRU . !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
WARKA OO TARJUMAN :
Lazio gegen schwarze Derby-Serie
#Erst am Sonntagabend stehen sich im Römer Derby Lazio und AS Roma gegenüber. Im Stadio Olimpico treffen nicht nur zwei Stadtrivalen, sondern auch Tabellennachbarn aufeinander. Nach fünf Spielen rangieren sie mit acht Zählern im oberen Mittelfeld.
Roma muss allerdings auf seinen verletzten Kapitän Francesco Totti verzichten. ?Ich bin sehr traurig, dass ich nicht spielen kann", sagte der 35-Jährige. Behält Totti recht, werden ihn seine Fans aber noch oft im Derby sehen. ?Ich werde noch bis 40 spielen."
Bei Lazio, das vier Derby-Niederlagen in Serie kassiert hat, ist der Einsatz von DFB-Teamstürmer Miroslav Klose, der in den jüngsten sieben Pflichtspielen fünfmal getroffen hat, fraglich. ?Ich werde sicher spielen", beruhigte Klose, der mit Knieproblemen zu kämpfen hat#