LA YAAB : Ivan Gennaro Gattuso oo Wareeysi uu dhiibay ku qariyey Qaladaadkiisa faraha badan, Yuu caayey Yuuse Amaanay?;* Qaranka Brazil oo Taladii Robinho laga diiday ka shalaayey & Warar Sport kuwii Caalamka ugu xiisaha badnaa.þ!!
Xiddiga Qaranka Talyaaniga & kooxda Ac Milan Mr. Ivan Gennaro Gattuso oo hada ku sugan ama Fasax ku jooga halkii uu ku dhashay kana yimid waa magaalada Corigliano Calabro ee dalka Talyaaniga ayaa wareeysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyey Barnaamishka (Italy I quiz di Sky Sport Calcio) .
Gennaro Ivan Gattuso oo dalka Talyaaniga ama guud ahaan Horyaalka Serie A-ga looga yaqaan (Rino) waa Ciyaaryahan aad u kulul oo inta badan looga bartay hadalo kulul oo mararka qaar dadka ka yaabiya amaba ka qosolsiiya.
Wareeysiga Gennaro Ivan Gattuso oo aad u dheeraa hadaanu Su´aalihii ugu muhiimsanaa ka soo qaadano waxaa ka mid ahaa sidan:
Di Sky Sport Calcio" Yeey kula tahay inuu qaadi doono xili ciyaareedka soo socda Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga?
Ivan Gennaro Gattuso" Ac Milan, Anaga ayaa qaadi doono,,
Di Sky Sport Calcio" Waxaa jira kooxo yar yar iyo kuwo waa weeyn oo sanadkaan Horyaalka Talyaaniga isa soo qalabeeyey miyaayney Ac Milan ciriiri gelin karin?
Ivan Gennaro Gattuso" Dabcan kubadi waa cad iyo madoow laakiin ha iloobin in sanadkii la soo dhaafay Ac Milan aan lagu darin saadaasha hanashada Horyaalkii la soo dhaafay,,
Di Sky Sport Calcio" Horyaalkii la soo dhaafay waxaa uu iska horimaad idin dhex maray Tababarayaal, Ciyaartooy iyo Jaraaidyaal dhoor ah oo dhanka Saxaafada aad hadalo kulul isku dhaafsateen, ma laga yaabaa inaan Xili ciyaareedkaan cusub ee soo socda mar kale qoorta isla gashaan Shaqsiyaadkaas??
Ivan Gennaro Gattuso" Dhanka Ciyaartooyda hadaan jawaab kaa siiyo Xiddigaha aan isku dhacno waa kuwo Maslaxa ciyaaraha laga yaqaan oo inta badan fawdo iyo Majaxaabis la soo gala garoomada, Dhanka Tababarayaasha kuwaan is galnay waa Macalimiin caaytanta oo taasna waxaa kuu cadeeneeyso isma raadsano inta badan Tababarayaasha kale. Waxaa kuu soo haray Dhanka Jaraaidyada, Waxaa jiro oo ilaa iyo hada aan hayaa Qoraaladii Wargeeyso is ceebeeyey oo weliba cadawtinimada eey ii qabaan qarsan waayey. Qaar ka mid ah Jaraaidyadaan wexeey qoreen in aniga, Zlatan Ibrahimovic, Mark van Bommel iyo Kevin-Prince Boateng si nabad ah iskula joogi doonin ama ugu heshiin doonin Naadiga Ac Milan, Markaan Horyaalkii Talyaaniga qaadnayna Wargeeysyadii maalaayacnigaas qoray warkoodii waa la waayey,, !!
Ivan Gennaro Gattuso oo hadalkiisa sii wata waxa uu markii 3-aad eedeeyn kulul u soo jeediyey Jaraaidka ugu caansan dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo La Gazzetta dello Sport kaas oo uu ku sheegay inuu yahay Taageere kooxda Juventus ah oo aan inta badan is qarin mar kastana daba dhigta Ciyaartooyda Ac Milan soona ban dhiga Qilaaf aan jirin iyo Been abuur la soo qorsheeyey.
Bahda Sportiga ee daawatay Wareeysiga Gattuso ayaa wexeey ka bogteen ama u fahmeen in Su´aalihii la weeydiiyey Gennaro Gattuso uu dhamaantood ka dhigay inuu isla saxnaa mar kasta isaga laga gardarnaa waxaase macquul aheeyn mar uu yiri Ciyaartooyda iyaga ayaa dhibaatada igu bilaabo oo i Qalo ama Sabaaxad ii kaca. Gennaro Gattuso weey yar tahay cid sabaaxad u kacda waxaana hubaal ah inuu inta badan isaga yahay Xiddiga Laacibiinta Dhulka la sima ka dibna garoonka laga dhex qaado iyaga oo cabaadaayo ama Gacmaha kor u taagaayo.
*** Xiddiga Qaranka Reer Brazil & Kooxda Ac Milan Robson de Souza Robinho ayaa war sir ah waxa uu gadaal ka faafiyey markii eey dhacday arintii uu ku baaqay ama kala taliyey Maamulka Qaranka Brazil in laga fiirsado Taladiisa balse la yareeysatay.
Xulka Qaranka Brazil oo difaacan lahaa sanadkaan Koobka Qaarada America ayaa waxaa Rigooreyaal nuuca Sixirka iyo iga tuf loo yaqaan ku reebay Qaranka Paraguay oo aan sanadkaan sidaas u adkeen marka la fiirsho awooda Ciyaartooyda Brazil iyo Qaranka kale ee Uruguay oo Argentina sidoo kale Rigooreyaal gurigooda daaqada kaga saaray.
Robson de Souza Robinho wuxuu sheegay in markii uu arkay Laacibiinta Qaranka Brazil oo dhanka Tababarka xooga saaray Gambiska, taktikada dhexda , Weerarka Afka hore ,adkeeynta Difaaca iyo Gamista Koornada uu kula taliyey in waqti loo helo sidii Ciyaartooyda Qarankiisa fursad loo siin lahaa si eey u ciyaaraan ama u sii bartaan Gamista Rigoorada wuxuuna Robinho si la la yaabay Fadeexo Kashifan Saxaafada horteeda ku yiri sidan :
Robson de Souza Robinho " Aniga Ciyaartii Ecuador iyo midii Paraguay ka hor intii eeysan dhicin ayaan dhamaan Qaranka iyo Maamulka Brazil u soo jeediyey ineey xooga saaraan sii wadista ama barashada sida Habeeysan ee loo gamo Rigoorada wexeeyna dhamaan Ciyaartooyda Qaranka Brazil mid kasta iigu jawaabay arin aan u gartay (Waan dhameeyey wax kasta) !!
Robinho ayaa hadaalkaas kala jeeday in Xiddig walba uu isku mooday inaan si sahal ah looga qaban doonin Rigoore uu gamo.
Qaranka Brazil oo kulankaan dhanka Gamista Camoolayaal noqday waxaa mar qura Qarankooda ka qasaarisay ama ka cunay Laacibiinta kala ah Elano, Thiago Silva, Santos, & Fred. Halkaan ka Daawo Qasaarada dhacday >>>
http://www.youtube.com/watch?v=AXtq0lL-RSU
*** Xiddiga da´da yar ee Qaranka Brazil iyo Kooxda Fc Santos Neymar oo ebid kooxihii ugu waa weeynaa qaarada Yurub eey isku heysteen markaan waxa uu qarka u saaran yahay inuu 45-Milyan oo Euro ugu wareego kooxda Kooxda Hala Galakticos Real Madrid.
*** Difaaca dhirirka badan ee kooxaha caalamka eey isku heeystaan una Ciyaara Qaranka Serbia iyo kooxda heeysata Horyaalka dalka Germany ee Brossia Dortmund waa ciyaaryahan Neven Subotic ayaa waxaa loo la caray Isbitaalka ka dib markii uu gafay Magaciisa. Ciyaaryahan Neven Subotic waxaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Kulankii koobka Liga Total oo kooxdiisa Brossia Dortmund eey la yeelatay Naadiga Mainz ee isla horyaalka Germany xiligaas oo Neven Subotic uu garoonka ku dhex dhacay dhaawac soo gaaray dartiis.
*** kooxda Manchester City wexeey nafta u keentay oo Laf Dhuun gashay ku noqotay Naadiga eey ifka iskugu neceb yihiin oo ah Man Utd. Man City wexeey Shukaansi la la yaabay ku biloowday kooxda Inter wexeeyna soo bandhigtay Man City ineey si deg deg ah ku dooneeyso Laacibka Qaranka Holland iyo kooxda Inter Wesley Sneijder oo eey Badal Carlos Tevez ah iyo Lacag iskugu dari doonto Inter.
Kooxda Inter waxaa mudo 2-Isbuuc ah ka ag dhamaan la kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee (The Red Devils) Manchester United oo Laacibka & Ciyaar sameeyaha Qadka Dhexe Mr. Wesley Sneijder Xanjo ku noqday waxaana sidoo kale maamulka Man Utd u sheegay inuu gacantooda shumin lahaa hadii eey soo xero galiyaan Laacib Wesley Sneijder rugcadaaga kooxdaas Tababaraha u ah waa Macalin Sir Alex Ferguson.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com