YAAB: ii Carfi ii Carfi Kubada >> " Ninkii Carafsado Kubada ayaa Laacib noqda,, Barnaamish iyo Show uu baray Ciyaaryahan Robinho Ciyaalka dalka Brazil oo noqday mid Caan ka ah dalkaas,* Somalia Caruurta waxaa lagu Qeeyliyaa marka eey u Gambiyaan Dugsiga Quraanka laakiin Dalka Brazil Waalidka Caay iyo Qeeylo ayeey la daba kacaan Cunuga hadii uusan Kubada soo Ciyaarin !!!
Dunida qolo kasta meel ayeey ku Mashquulsan tahay. Somalia Xabad ,Qarax iyo Qiiq ayeey Daris la noqotay . Dalalka Yurub wexeey ku mashquulsan yihiin soo saarista Gawaari Raaxo iyo kor u qaadista Ciyaaraha kubada Cagta. Dalka Brazil wuxuu ku mashquulsan yahay Dhoofinta Sonkor aan cadad laheeyn iyo soo saarista Laacibiin aan weli horay loo maqal.
Shacabka dalka Brazil wexeey ku waalan yihiin oo eey si weeyn u Caabudaan Ciyaarta Kubada Cagta waxaana taas cadeen u ah sababo badan oo is biirsaday.
1-Qofkii aan Kubada cagta aqoon ama dheelin dalka Brazil waxaa lagu caayaa ama loogu yeeraa 2 eray oo Somaali ahaan u dhigma sidan (Xamaali & Indhoole).
2-Caruurta waxaa lagu canaantaa ama mararka qaar Waalidka ku Dilaan Bax soo Ciyaar Kubada cagta Guriga ha noo dhex fadhin Qandho ha ku dishee.
3-Qofka Sharciyada Kubada yaqaan ama Ciyaara dalka Brazil Shaqooyin badan ayuu ka helaa.
4-Dunida oo idil dalka Brazil wexeey ugu yeertaa Warshada Ciyaartooyda soo saarta.
5-Xiddigaha ugu badan Caalamka ee ka Shaqeeysta Horyaalada Yurub wexeey ka yimaadaan ama ka soo haajireen dalka Brazil.
6-Ciyaartooyda Brazil marka ugu horeeyso ee la keeno Yurub waa Raqiis balse gadaal ayeey Qaali ka noqdaan .
7-Weli ma dhicin Brazil oo laga waayey Laacib magac leh .
8-Dhaqaalaha ugu xoogan dalka Brazil waxa uu ka soo galaa Ciyaarta Kubada Cagta, Geedaha Alwaaxda laga sameeyo iyo Sonkorta ugu badan oo eey u soo dhoofiyaan dalalka Yurub.
9-Wadamada Laatiin America wexeey Brazil ka qabaan Cuqdad nafsi maxaa yeelay marka eey maqlaan ineey isku dheceen ama isku Guruub yihiin waxaa ka yimaada Dhidid waa weeyn.
10-Maaliyada Qaranka Brazil waxaa Koobiyeeyo oo Lacago badan ku helay Warshado ama Wadamo dhoor ah oo ku kala yaal Qaarada Asia iyo Africa sida : Shiinaha, South Africa ,Indonesia ,Masar, India, Tunesia, Pakistaan, Senegal iyo North Korea.
Hadaba maxaad kala socotaa arinta ugu Yaabka badan ee hada ka taagan dalka Brazil? . Xiddiga kubada cagta ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka Brazil Robson de Souza Robinho ayaa wuxuu Xayeeysiin u sameeyey Shirkada Caanka ah ee Nike waxaana Xayeeysiintaas mar kasta laga soo daayaa Telefishinka Qaranka Brazil balse Xayeeysiintaan Quraafaadka ah waxaa horay ka aaminay oo la qabsaday Caruurta dalka Brazil gaar ahaan Ciyaal lagu sheegay ineey da´dooda ka hooseeyso 12-jirka.
Xayeeysiintaan wuxuu Robinho kala jeeday Kubada NIKE Ninkaan 5-Daqiiqo carafsan Never Laacib ma noqodo laakiin Caruurta dalka Brazil waxaa uu sheegay Tv-ga RTL ineey u fasirteen qofkaan Kubada loo carfin Laacib ma noqdo oo waxa uu dhex fadhin doonaa Boolo weligiisna Laacib ma noqon doono (yaab)
War Gelin ku socoto bahda ku xiran www.xiriiriye.com , Goor dhaw waxaa soo bixi doona oo hawada ku soo jira 10 Ciyaartooy oo Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta caan ka ah kuwaas oo 5 ka mid ah eey Magacyadood Caay xun yihiin halka Shanta kale Magacyadooda eey Amaan wanaagsan yihiin.
Dhalinta Soomaaliyeed ee Sportiga xiiseeysa Ciyaaraha weey iska daawadaan laakiin ma oga oo lama socdaan in Xiddigaha caanka ah qaar magacyadooda eey amaan tahay halka qaar kale Magacyadooda eey caay qaab daran tahay oo weliba laga xishoodo marka lagu dhawaaqo. (Coming Soon) !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka