Alessandro del Piero oo Isbitaalka loo la cararay,* Kaptankii hore ee Qaranka Brazil oo Geeriyooday,*Manchester City Vs Manchester United oo isku dhacay Qori tuurka FA-Cup,* Corinthians oo qaaday markeedii 5-aad Horyaalka Brazil iyo Vasco da Gama oo Nasiibdaro la kulantay,* Kooxaha Juventus & Fc Bayern Munchen oo si Sharaf leh dib ugu soo laabtay Hogaanka Horyaalada Dalalkooda (Halkaan ka Daawo World Sport News)
*** Rug cadaaga ku ag Ciroobay kooxda Juventus Alessandro del Piero ayaa Isbitaalka loo la cararay isaga oo Dhiig badan ka baxayey Wajiga.
Alex Del Piero oo 37-jir ah waxaa madaxa ka dhaawacay oo haraanti kala helay difaaca kooxda Cesena Marco Rossi wuxuuna dhaawacaas halista ah sababay in Laacib Del Piero garoonka laga saaro daqiiqadii 62-aad Ciyaartii dhex martay kooxaha Juventus Vs Cesena (2-0) .
Kooxda Juventus ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka Horyaalka Talyaaniga oo mudo maalmo ah u gacan galay kooxda Rossaneri (Ac Milan).
Juventus oo 2-0 ku garaacday kooxda Cesena waxaa Goolasha u kala saxiixay Claudio Marchisio 72 iyo Arturo Vidal 83. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=YAeXDXiFJjg .
Kooxda Juventus wexeey Horyaalka Talyaaniga ku hogaamineeysaa 29-dhibcood, Ac Milan iyo Udinese wexeey wada leeyihiin min 27-dhibcood halka Lazio oo u harsan kulanka Novara ay ka leedahay 22-dhibcood.
Kooxda As Roma oo xili Ciyaareedkaan Laacibiin badan soo aruursatay wexeey noqotay boolo waxaana kulankii ugu dambeeyey 3-0 jooga kaga riday Fiorentina.
*** Kaptankii hore ee Qaranka Brazil Socrates oo 57-jir ahaa ayaa waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka lagu magacaabo Albert-Einstein-Hospital oo ku yaalo magaalada Sao Paulo. Socrates oo labo Isbuuc ku xanuunsanayey Isbitaalkaas waxa uu Qaranka Brazil Kaptan u soo ahaa Koobkii Adduunka 1982-dii oo lagu qabtay dalka Spain iyo sidoo kale World Cup 1986-kii oo isna lagu qabtay wadanka Mexico.
*** Qori tuurkii Koobka FA-ga dalka Ingiriiska oo la sameeyey mar quraa waxaa Qosol iyo Farxad la dhacay dhamaan bahda ciyaaraha Kubada cagta gaar ahaan intii daawaneeysay Qorituurkaas ama isku aadkaas.
Dadka ayaa durbadiiba wexeey sawirteen ineey dhici doonto Ciyaar aad u xiiso badan maadaama Man Utd si weeyn ugu ciil qabto dariskeeda Man City oo mudooyinkaan dambe Awood cusub is biday soona iibsatay Laacibiin tayo wanaagsan.
Man City 2 Bilood ka hor Man Utd oo ku ciyaareeysa Garoonkeeda wexeey ku soo Qararamsatay 1-6 waxaana xusin mudan Koobkaan loo tartamaayo waxaa heeysata Man City.
Labadaan kooxood ee Dunida iskugu neceb waxaa lagu wadaa ineey si toos ah ugu kulmaan garoonka Etihad Stadium 7-bisha Janaayo ama 8-Bisha Janaayo sanadka 2012-ka waa maalmaha la ciyaari doono wareega 3-aad ee koobka FA-ga (Meel ku qoro Taariikhdaas & kulaankaas oo Cagaha la iska tumi doono).
*** Laacibiinta kala ah Frank Bilal Ribery iyo Arjen Robben ayaa Hadiyad qaali ah wexeey farta ka saareen Macalinka kooxda Fc Bayern Munchen Mr.Jupp Heynckes.
Tababare Jupp Heynckes mudo 24-sanadood ah inta Taariikhda la ogyahay weli kama uusan badin kooxda Werder Bremen balse kulankaan 4-1 ayuu ku garaacay Bremen waxaana goolashaas muhiimka ah Macalin Jupp Heynckes uga farxiyey una suurto galiyey inuu bood boodo Laacibiinta kala ah Frank Bilal Ribery iyo Arjen Robben oo min 2-gool kala dhaliyey. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=17rqLDfNjHs .
Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany maalmo cayiman ka dib waxaa hogaamintiisa dib ugu soo laabatay kooxda Fc Bayern Münchenoo Isbuucii la soo dhaafay ay kala wareegtay Borussia Drtmund.
Bayern München wexeey Horyaalka Germany ku hogaamineeysaa 31-dhibcood 15-kulan oo la ciyaaray . B.Dortmund oo ku soo xigto wexeey leedahay 30-Dhibcood halka Monchengaladbach iyana sidoo kale 30-Dhibcood ku xiratay kaalinta 3-aad. Fc Schalke iyo Raul Gonzalez 28-Dhibcood ayeey Isbaaro ku dhigteen kaalinta 4-aad waxaana kaalinta 5-aad Bundesligaha Jarmalka 26-dhibcood ku xiratay Werder Bremen.
*** Horyaalka dalka Brazil waxaa markeedii 5-aad hanatay kooxda Corinthians oo ka dhisan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.
Kooxda Corinthians ayaa kulankii ugu dambeeyey wexeey 0-0 dhamaadkii Horyaalka Brazil ku kala bexeen kooxda Palmeiras. Vasco da Gama oo rabtay in la garaaco Corinthians si ay u qaadaan Horyaalka Brazil ayaa waxaa qabsatay Nasiibdaro ka dib markii Goroonkeeda 1 & 1 ay la dhaafi waayeen kooxda eey isku magaalada yihiin ee Flamengo Rio de Janeiro. Halkaan ka Daawo Qaabkii Horyaalka Brazil lagu qaaday oo ahaa ooyin, farxad iyo dagaal is bar bar socday >>> http://www.youtube.com/watch?v=dAJZ8eESexA .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)