Mucjisooyinka Caalamka: Rifca Stefanescu oo ku guuleeysatay Ayeeyada Dunida ugu DaŽda yar, Imisa sano ayeey jirtaa? Gabadheeda waa imisa jir? Dalkee ayeey u dhasheen? ( War bixinta Jaraaidka Caalamka)
8-Maarso oo ah Maalinta Hooyada ee Adduunka ayaa waxaa la qiimeeyaa Maalintaan xushmada iyo qadarinta mudan Hooyada & Ayeeyada Dunida ugu daŽda yar. Sanadkii 2009 waxaa Ayeeyada & Hooyada dunida ugu daŽda yar ku guuleeystay Haweeneey iyo gabar eey dhashay oo ku nool kana soo jeeday dalka Aljeeriya. Isla Sanadkii xigay ee 2010 ayaa Qiimeeyntaan sida weeyn looga qadariya Caalamka oo dhan waxaa iyana Iskoorkaan heeystay Haweeneey u dhalatay USA.
Hadaba Qiimeeyntii 8-Maarso ee Sanadkaan 2011 oo Maanta lagu dhawaaqay Hooyada & Ayeeyada ugu daŽda yar Caalamka ayaa wexeey noqdeen Rifca Stefanescu iyo Gabadheeda Maria oo u dhashay dalka Romania. Rifca Stefanescu oo ah Ayeeyada Caalamka ugu daŽda yar ayaa waxaa DaŽdeeda lagu sheegay 23 sano jir.
Maria oo ah gabadha eey dhashay Rifca Stefanescu waa 11-sano jir wexeeyna dhawaan dhashay Wiil lagu magacaabo Enkel Lon. Ayeeyada Dunida ugu daŽda yar ayaa xiligii eey gabadheeda Maria dhashay wexeey eheed 12-sano jir waxaana 11-sano ka dib iyana wiilkaan yar (Enkel Lon) Dunida ku soo biirisay gabadheeda Maria.
Qisadaan oo Dunida Dacaladeeda ka yaabsatay ayaa waxaa si weeyn ugu mashquulay Telefishinada caanka ah sida CNN, NBC, ABC, BBC, ESPN Qeeybtooda 24-hour World Latest News. Sidoo kale waxaa dhankooda War bixino iyo wareeysiyo dheer ka qoray Jaraaid caan ah sida Sun oo ka soo baxa dalka England iyo Spiegel-Online oo laga leeyahay Jarmalka.
Ugu dambeentii Familkaan isku darsaday Ayeeyada & Hooyada Dunida ugu daŽda yar ayaa lagu wadaa ineey dhaqaale xoogan ka helaan Telefishinada iyo Jaraaidyada doonaya ineey wareeystaan wexeeyna qaar ka mid ah Tv-yada soo bandhigeen Qooyskaan oo ku noolaa Nolol aad u liidata balse hada Nasiib u yeeshay ineey Lacag xoogan ku dhuftaan.