CRistiano Ronaldo: Waan qaadi doonaa sanadkaan Koobab badan, Xitaa Messi ima celin karo. Wareeysi Cajiib ah CANALPLUS !!.( Akhri 5-Ciyaaryahan oo Isbuucyadaan aad u kacsan kuna sheegan CANALPLUS Cel Celis)
Xiddiga kubada cagta ee Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa wax yar ka hor isaga oo u waramayey Tv-ga caanka ah ee CANALPLUS oo laga leeyahay dalka France waxa uu wareeysi la la yeeshay uga baxay Qosol iyo Kaftan.
CRistiano Ronaldo oo la wareystay ka dib ciyaartii eey kooxdiisa Real Madrid 1-3 ku soo garaacday kooxda Hercules oo uu hogaaminaayey Xiddigii hore ee kooxda Juventus David Trezeguet ayaa waxaa uu yiri sidan:
CANALPLUS : Mr. C.Ronaldo xagee ka keentay awoodaan cusub ee dhanka Goolasha ah?
C.Ronaldo: Awalba waan lahaa ee waxaan wax weeyn ka badalay qaab ciyaareedkii hore.
CANALPLUS : Ma laga yaabaa inuu Mr.Jose Morinho Xirfadaada Sport wax ka badalay?
C.Ronaldo: Dabcan haa si weeyn. (Qosol kkkk)
CANALPLUS: Imisa koob ayaad rajeeneysaa inaad qaado sanadkaan?
C.Ronaldo: Champions League, Horyaalka, Gooldhalinta, iyo Best Player.
CANALPLUS: Soo lagama yaabo inuu Lionel Messi kugu qabsado Koobabkaas maadaama uu isagana intoo kale doonaayo??
C.Ronaldo: Taas waa shaqsiyadiisa, Xitaa Messi cid i celin karto sanadkaan ma jirto marka laga reebo hadii aanan dhaawacmin. (mar labaad ayuu qosol uga baxay wareysiga).
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku jiro Riyadii xiligii uu Man Utd Hogaamiye kooxeedka & Qabqablaha ka ahaa xiligaas oo uu ku wada guuleeystay inta badan koobabkii muhiimka ahaa.
Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu caawa dhaliyey goolkiisii 11-aad ee Horyaalka Spain oo weli biloow ah waxaana ilaa iyo hada la ciyaaray 9 kulan oo kaliyah (Yaab?)
Goolasha Caawa kooxda Real Madrid 1-3 uga soo badisay kooxda Hercules oo ku ciyaareeysay gurigeeda ayaa waxaa kala saxiixay Angel De Maria oo hal gool dhaliyey iyo labada kale oo mudo 5-daqiiqo gudaheed ah uu kala dhaliyey dhamaadkii ciyaarta CRistiano Ronaldo. Goolka kooxda Hercules waxaa u saxiixay ciyaaryahan David Trezeguet.
Dhanka Kale Kooxda Barcelona ayaa 5-0 ku suul daartay naadiga FC Seville waxaana Barcelona goolasha u kala saxiixay Lionel Messi oo 2-gool dhaliyey, David Villa oo isna sidoo kale 2-gool sii raacsaday iyo Dani Alves oo goolka 5-aad ku darsaday.
Laacib Lionel Messi ayaa labadaan gool Neef weeyn ka soo fujisay ka dib markii uu Goolal badan ka hor maray C.Ronaldo.
Messi ayaa ilaa iyo hada waxa uu leeyahay 7-Goal oo Nadiif ah in kastoo uu Cristiano Ronaldo u eg yahay nin tagay sanadkaan oo eey adagtahay sidii lagu celin lahaa maadaama ciyaar kasta uu ugu yaraan 2-gool ku tuuranaayo.
5-ta Ciyaaryahan ee CANALPLUS uu ku sheegay ineey kacsan yihiin oo kooxaha eey u dhelaan faaido weeyn ku qabaan ayaa kala ah sidan:
1-Cristiano Ronaldo.Real Madrid
2-Florent Malouda.fc Chelsea
3-Alexandre Song, Arsenal.
4-Samuel Eto´o, Inter
5-Milo Krasic,Juventus.
Filo goor dhaw Faaqidaada Horyaalada oo Isbuucaan aad u xiiso badneed: !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com