" Xaaskeeyga aan Jeclahay ee Caroline Celico ayaa ii Sheegtay inaan Sanadkaan Horyaalka Spain ku Guuleeysan doono, Wexeey ii Saadaaliso inta badan weey dhacaan 80% : Sidaas waxaa yiri Ricardo Kaka oo Wareeysi Muhiim ah siiyey Tv-ga Spain ETB Sat (Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu Wanaagsanaa iyo Taariikhda Kaka oo Kooban) !
Kubad Qeeybiyaha Qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Ricardo Kaka oo Wareeysi dheer siiyey Tv-ga Spain ETB Sat ayaa waxa uu sheegay in sanadkaan cid ka xigta kooxda Real Madrid Qaadista Horyaalka Spain eeysan jirin marka laga reebo Nasiibka oo diida iwm. Wareeysiga Ricardo Kaka oo aad u dheeraa ayaa waxaa ugu xiiso badnaa mar uu yiri sidan:
" Xaaskeeyga marna Jaceeylkeeyga Caroline Celico waxa eey ii Ishaarto inta badan weey dhacaan weliba waan hubaa Saadaasha eey dhiibto ineey tahay 80% wax dib ka dhaca.
Sanadkii 2007 wexeey ii Ishaartay inaan Mustaqbalka u ciyaari doono kooxda Real Madrid waana u jeedaan weey dhacday Riyadaas wax ku oolka ah waxaana inta lagu soo koobi karin Ishaarooyinka kale ee aan Jaceeylkeeyga Caroline Celico ka muteeystay kuwaas oo u badnaa kuwo dhacay.
Riyada uu ku jiro Ricardo Kaka ayaa wexeey noqon doontaa mid eeysan ku farxin kooxda Fc Barcelona oo sanadkaan dhinac walba ka dhisan waxaana la arki doonaa Saadaasha Xaaska Kaka Mss Caroline Celico halka eey Jaan iyo Cirib dhigto marka la soo gaba gabeeyo Horyaalka La Liga oo sanadkaan eey si weeyn iskugu Kooleeysan yihiin kooxaha Real Madrid iyo Fc Barcelona oo wata Laacibiinta caalamka kuwooda ugu Tayada wanagsan iyo weliba Macalimiin aan la dhaleeysan karin Awoodooda Ciyaareed.
Ricardo Kaka oo garoomada caalamiga ah mudo dheer dhaawac uga maqnaa ayaa waxa uu garoomada ku soo laabtay maalmihii ugu dambeeyey Wuxuuna guursaday Xaaskiisa Caroline Celico Sanadkii 2005-kii . Halkaan ka Daawo Goolasha Kaka kuwiisii ugu Wanaagsanaa : http://www.youtube.com/watch?v=RQAjMTC58Xw&feature=related.
Qeybta 2-aad Kaka Goolashiisa Halkaan ka Daawo: http://www.youtube.com/watch?v=0XP5C6sLd8A&feature=related.
Ogeeysiin iyo Wargelin : Warka hadii eey afka hore uga qoran tahay sidan Coming soon La soco Shaqo iyo Tarjumis ayaa ku socoto.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com