Kaka oo Jilib laga qalay & Morinho oo sheegay inuusan jecleyn Ciyaartoyda dhaawaca qabta kuna dheesha.
Laacibka kooxda Real Madrid iyo Qaranka Brazil Ricardo Kaka ayaa waxaa laga qalay jilibka waxaana uu Garoomada ka maqnaanayaa mudo 4-Bilood ah.
Kaka ayaa waxa uu dhaawacan ka sheeganayey mudo dheer inkastoo uu uga sii daray Koobkii Addunka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyey dalka South Africa.
Jose morinho oo ah Macalinka cusub ee Kooxda Real madrid ayaa is baray oo ugu hanjabay dhamaan Ciyaartooyda kooxda Real Madrid in eeysan qarsan wax yar oo dhaawac ah maadaama uu dhaawacaas sii balaaran karo.
Jose Morinho oo ah Tababare Qibrad badan oo hadana aan ka gamban ciyaartooyda ayaa waxa uu Canal plus u sheegay xili laga wareeysaney dhaawaca Laacib kaka in uusan jecleeyn Ciyaartooyda qarsata ama ku dheesha dhaawaca taas oo hadii eey dhacdo eey muteysan doonaan Kursiga -Keeydka ayuu yiri Morinho.
Morinho oo sii wata hadal kiisa ayaa waxa uu yiri sidan: (Waan la socdaa in eey jiraan Ciyaartooy badan oo qarsata dhaawacooda si eeysan booskooda u seegin laakiin waxaan leeyahay taasi waa qalad weeyn iyo Masuuliyad daro maxaa yeelay dhaawaca waa uu sii soconayaa ilaa heer aan la daaweyn karin uu gaaro sida Ciyaartooy badan horay ugu dhacday ka gadaal markeey Dhaawacooda qarsadeen )
Jose Morinho ayaa sheegay oo farta ku fiiqay ineey jireen Laacibiin badan oo Garoomada kubada cagta laga waayey iyaga oo weli sii dheeli karay sida Mark Van Basten.