WORLD SPORT NEWS : Rivaldo Vitor Borba Ferreira oo Maquuste isku badalay,* Waa maxay sababta? Akhri War bixinta iyo Warar kale oo Sport News.
*** Xiddigii hore ee Qaranka Brazil iyo kooxaha Fc Barcelona iyo Ac Milan Rivaldo Vitor Borba Ferreira ayaa ka yaabsaday Bahda Ciyaaraha kubada Cagta ee Caalamka. Rivaldo oo hada 39-Jir ah wuxuu weli diidan yahay inuu ka fadhiisto Ciyaaraha Caalamiga .
Rivaldo Vitor Borba Ferreira ayaa hada u Ciyaara kooxda reer Brazil ee FC Sao Paulo waxaana ka dhamaaday ama loo kordhin waayey Qandaraaskii uu kula joogay kooxdaas balse wuxuu sheegay inuusan ciyaaraha Caalamiga ah ka fadhisaneeyn hada iyo wax u dhaw.
Ex-Player Laacib Rivaldo ayaa hada ku jira koox Raadis mana jirto weli koox la soo xiriirtay ama soo dalbatay maadaama inta badan Ficiis ama Laacibiintii ay isku xiliga ahaayeen dhamaantood xili hore Ciyaaraha caalamiga ah iskaga fadhiisteen amaba isku badaleen rag Tababarayaal ah.
Sanadkii 2002 ayuu Rivaldo la soo qaaday Qaranka Brazil Koobkii Addunka oo xiligaas ka dhacay dalalka Japan iyo South Korea. Rivaldo Vitor Borba Ferreira Abaalmarinta ugu qaalisan ee Laacibka ugu wanaagsan Caalamka wuxuu qaaday Sanadkii 1999-kii. Kooxaha uu horay ugu soo ciyaaray Ex-Laacib Rivaldo wexeey kala yihiin FC Barcelona, AC Milan, Cruzeiro Belo Horizonte, Olympiakos , AEK Athen iyo Bunyodkor Taschkent oo ka dhisan dalka Usbekistan.
*** Kooxda Ac Milan ee Horyaalka Talyaaniga wexeey si kumeel gaar ah hogaanka ugu Qabatay Serie A ka dib markii ay 0-2 ku soo garaacday kooxda Genoa.
Kooxda Juventus oo Hogaanka heeysay waxaa u harsan kulanka beri oo axad ah ay Garoonkeeda kula balan santahay kooxda Cesena. Isla Horyaalka Talyaaniga Caawa waxa uu kulan adag dhex mari doonaa kooxaha Inter Milan Vs Udinese (20:45) . Halkaan ka Daawo Genao Vs Milan 0-2 >>> http://www.youtube.com/watch?v=lnzEq5Whaws
*** Dhanka Horyaalka Ingiriiska waxaa lagu wadaa kulan aad u adag inuu Duhurnimada maanta ah dhex maro kooxaha Newcastle Vs Fc Chelsea (13:45).
*** Horyaalka Bundesligaha dalka Germany waxaa aad u xanaaqsan kooxda Fc Bayern Munchen oo Isbuuc la soo dhaafay laga Bililiqeeystay hogaaminta Horyaalka Germany waxaana kala wareegtay kooxda difaacaneeysa Bundesligaha waa Dortmund.
Kulanka ugu adag Horyaalka Germany ee Bundesliga waxa uu Galabta (15:30) dhex mari doonaa kooxaha Fc Bayern Munchen Vs Werder Bremen.
Horyaalka Germany oo la ciyaaray 14-kulan kooxaha wexeey u kala horeeyaan sidan :
| 1. |
Borussia Dortmund |
14 |
9 |
2 |
3 |
29:9 |
29 |
| 2. |
Borussia Mönchengladbach |
14 |
9 |
2 |
3 |
23:9 |
29 |
| 3. |
FC Bayern München |
14 |
9 |
1 |
4 |
34:8 |
28 |
| 4. |
Werder Bremen |
14 |
8 |
2 |
4 |
25:21 |
26 |
| 5. |
FC Schalke 04 |
14 |
8 |
1 |
5 |
28:20 |
25 |
| 6. |
Bayer 04 Leverkusen |
15 |
7 |
4 |
4 |
22:19 |
25 |
| 7. |
VfB Stuttgart |
14 |
6 |
3 |
5 |
20:15 |
21 |
| 8. |
Hannover 96 |
14 |
5 |
5 |
4 |
18:22 |
20 |
| 9. |
1899 Hoffenheim |
15 |
5 |
3 |
7 |
16:18 |
18 |
| 10. |
Hertha BSC Berlin |
14 |
4 |
6 |
4 |
21:22 |
18 |
| 11. |
1. FC Köln |
13 |
5 |
1 |
7 |
20:29 |
16 |
| 12. |
VfL Wolfsburg |
14 |
5 |
1 |
8 |
19:28 |
16 |
| 13. |
1. FSV Mainz 05 |
13 |
4 |
3 |
6 |
19:25 |
15 |
| 14. |
1. FC Nürnberg |
14 |
4 |
3 |
7 |
14:24 |
15 |
| 15. |
Hamburger SV |
14 |
3 |
5 |
6 |
18:26 |
14 |
| 16. |
1. FC Kaiserslautern |
14 |
3 |
4 |
7 |
10:18 |
13 |
| 17. |
SC Freiburg |
14 |
3 |
3 |
8 |
19:30 |
12 |
| 18. |
FC Augsburg |
14 |
2 |
5 |
7 |
12:24 |
11 |