 |
Ribery7 |
 |

" Wiilkeeyga iska dhaafee xitaa Gabdhaheeyga/Inamadeeyda ayaan rabaa inaan Laacibiin ka dhigo,, Sidaas waxaa yiri Laacibka kooxda Fc Bayern Munchen & Qaranka Diiqa Reer France Frank Bilal Ribery (Halkaan ka Akhriso War Bixinta oo Tarjuman kana Daawo Goolashiisa kuwii ugu Wanaagsanaa) !!
Matoorka Qaadka dhexe ee kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Faransiiska Frank Bilal Ribery ayaa Wareeysi xiiso badan waxa uu kaga yaabsaday Saxaafada dalka Jarmalka. Ribery waa Xiddigaha qaaska ah ee mar kaste Jecel ineey la fara Ciyaaraan xaasaskooda ama Caruurta eey dhaleen. Laacibiinta jecel ineey mar kasta Waqtigooda ku dhameeyeen Ilmaha eey dhaleen ama Xaasaska eey qabaan waxaa ka mid ah Steven George Gerrard Fc Liverpool & Qaranka England, Alessandro Del Piero Juventus & Qaranka Italy, Frank James Lampard Fc Chelsea iyo Qaranka England, Andrea Pirlo Juventus & Qaranka Talyaaniga, Andres Iniesta Lujan FC Barcelona & Qaranka Spain. Frank Bilal Ribery oo horay u dhalay ama loo hayey 2-Gabdhood ayaa iminka waxaa mar kale loo dhalay Wiil lagu sheegay miisaanka culuubtiisa ineey tahay 3300-Gramm. Xaaska Frank Ribery wexeey u dhalatay dalka Aljeeriya waxaana lagu magacaabaa Wahiba Belhami. Gabdhaha ya yar ee uu Laacib Ribery dhalay ayaa iyagana waxaa lagu kala magacaabaa Hiziya iyo Shahinez. Frank Bilal Ribery mar la weeydiiyey in Wiilkiisa yar uu noqon doono Laacib isaga la mid ah waxa uu yiri sidan : " Wiilkeeyga iska daayee Xitaa Gabadhihii aan dhalay ayaan Laacibiin ka dhigay waxaana jeclahay in Familkeeyga oo dhan eey noqdaan Qoom Sport ama Qooys looga dambeeyo dhanka Ciyaaraha kubada Cagta,, Frank Ribery waxa uu sheegay inuu ka faraxsan yahay Joogitaakiisa Magaalada Munich/Munchen wuxuuna farta ku fiiqay inuu Waqtiiga ku dhameeysan doono kooxda Fc Bayern Munchen (Beejkaan barta ugu hooseeyso ka Aqri War bixinta oo Af German ah). Frank Bilal Ribery waxa uu Xaaskiisa Wahiba Belhami guursaday Sanadkii 2002 wuxuuna isla Sanadkaas si deg deg ah ku qaatay Diinta Islaamka. Frank Ribery oo amaan u soo jeediyey Macalinkooda cusub waxa uu yiri sidan : " Mar alle marka uu yimaado Macalin Jupp Heynckes Kooxda Fc Bayern Munchen cel celis ayeey noqotaa anigana waxaa korka iiga soo degto Awood gooni ah waxaana yaraada Dhaawacyadii faraha badnaa ee aan horay ula yaabay,, Laacib Ribery ayaa hadalkaas kala jeeday Macalinka cusub ee kooxda Fc Bayern Munchen ayaa 3-sano ka hor waxaa uu u wareegay kooxda Bayer leverkusen hadana mar labaad ayuu Tababare u noqday kooxda Fc Bayern Munchen taas oo sababtay inuu Ribery mar kale Garoomada dhexdooda Cel celis noqda weliba dhaliyo Isbuuc kasta Goolal aad u qurux badan. Arinta ugu Yaabka badan wexeey tahay Xiliga eey Tababaranayaan Juunyarka kooxda Fc Bayern Munchen wuxuu Frank Ribery dhankiisa ka Tababaraa oo Garoonka Tababarka keenaa Gabdhihiisa ama Inamadiisa Hiziya iyo Shahinez. Mar arintaan sababteeda la weey diiyey waxa uu yiri sidatan : " Caruurteeyda Madaxa & Xiska ayaan rabaa inaan kaga Qufulo Ciyaaraha Kubada cagta mana rabo ineey iga yeeshaan Balwad kale oo aan ka aheeyn Ciyaaraha Kubada Cagta,, Frank Bilal Ribery wuxuu ku dhashay 7. Apriil 1983 Magaalada Boulogne-sur-Mer oo ku taal dalka France waana Xiddigaha Dhaladka ah ee u ciyaara Qaranka reer France marka laga reebo Laacibiinta u Ciyaarta dalkaas oo asal ahaan ka soo wada jeeda Qaarada Africa ama dalalka Carabta. Frank Bilal Ribery wuxuu ku soo biiray kooxda Fc bayern Munchen ee horyaalka Germany Sanadkii 2007 wuxuuna 103-kulan oo uu Ciyaaray u dhaliyey 34-Gool. (Fiiro Gaar ah war bixinta oo Tarjuman hoos ka Aqri Sawirada Familka Ribery ka Daawo Xiriiriye.com bogiisa hore) Halkaan ka Daawo Goolashii frank Ribery kuwii ugu wanaagsanaa Qeeybtii 1-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=TsAOx77atWs . Halkaan ka Daawo Goolashii frank Ribery kuwii ugu wanaagsanaa Qeeybtii 2-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=4KbCrkVrIqs&feature=related .
QAAR KA MID AH WAREEYSIGII DHEERAA EE LAACIB FRANK RIBERY OO AANU SOO KOOBIYEENAY INTA KA AQRISO:
Franck Ribery kann sich einen Verbleib beim deutschen Rekordmeister FC Bayern München sogar bis zu seinem Karriereende vorstellen. ?Natürlich, wieso nicht? Ich bin sehr glücklich in München, meine Familie fühlt sich hier total wohl - und mein Sohn ist ja jetzt auch ein richtiger Bayer", sagte der Franzose am Donnerstag in einem Interview auf der Website des Vereins.
Vor allem nach der Geburt seines Sohnes vor einer Woche sei derzeit ?alles bestens", sagte Ribery: ?Ich bin wirklich rundum glücklich. Es ist schon eine ganz Zeit her, dass ich mich so gefühlt habe wie jetzt." Unter dem neuen Bayern-Coach Jupp Heynckes laufe es für ihn sehr gut, sagte der Franzose. ?Jetzt fühle ich mich wieder frei und habe Riesenspaß am Fußball. Ich bin sehr glücklich darüber, dass Jupp Heynckes wieder gekommen ist - wir haben ein tolles Verhältnis." Außerdem habe er nun wieder ?viel von meinem alten Selbstbewusstsein, das ich in den vergangenen zwei Jahren verloren hatte. Ich bin willensstark und habe mit dem FC Bayern große Ziele."
französischer Superstar ist Vater eines Sohnes geworden. Die frohe Nachricht gab der Verein während einer Pressekonferenz bekannt. Papa Ribéry: Für ihn und seine Frau Wahiba Belhami ist es bereits das dritte Kind nach den Töchtern Hiziya und Shahinez. Der Junge war bei der Entbindung 53 Zentimeter groß und wog 3300 Gramm. Über seinen Namen ist noch nichts bekannt. Seit 2002 ist der französische Nationalspieler (52 Länderspiele) mit Wahiba verheiratet, die aus Algerien stammt. Für sie konvertierte er zum Islam.
|