Kicker-Sportmagazin " Frank Bilal Ribery oo qarka u saaran inuu Muslimiyo labo Xiddig oo Qaranka Jarmalka caan ka ah,,* Vitor Borba Ferreira Rivaldo iyo 3 ka tirsan Aqristayaasha Xiriiriye.com oo ku Guuleeystay Saadaashii El Clasico+ >> Labo ka tirsan Taageerayaasha Real Madrid & Fc Barcelona oo isku dhex dagaashay Studiyaha Xiriiriye oo dibada loo saaray (World Sport News).
Kicker-Sportmagazin " Helga Badstuber iyo Mario Gomez kama haraan maalin kasta Laacib Frank Bilal Ribery,wexeey dhoor jeer u raaceen Xaflado kala duwan, Goob Diinta lagu barto oo uu Imam Turki ah ku leeyahay Xaafada Otto-Neurath gaar ahaan aga gaarka Bahnhof München Ost ayeey 3 jeer la tageen Laacibiintaan Ciyaaryahan Frank Bilal Ribery wexeeyna qarka u saaran yihiin ineey Muslimaan ayuu qoray Jaraaidka 2-aad ee loogu aqriska badan yahay dalka Jarmalka waa (Kicker-Sportmagazin).
Helga Badstuber wuxuu dhanka Difaaca kaga ciyaaraa kooxda Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany. Mario Gomez wuxuu isna dhanka Weerarka kaga ciyaaraa kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Jarmalka.
Kicker-Sportmagazin wuxuu leeyahay Laacib Frank Bilal Ribery waa Xiddig Xariif ah oo inta badan soo jiita Laaciibiinta kooxda uu u ciyaaro wuxuuna si fudud ku helay Mario Gomez iyo Helga Badstuber oo aan leheeyn Diin qaas ah oo ay caabudaan.
*** Xiddigihii ugu caansanaa ee soo maray kooxaha Real Madrid iyo Fc Barcelona oo horay u saadaaliyey Natiijada ay ku dhamaan doonto Ciyaartii El Clasico Real Madrid Vs Fc Barcelona (1-3) ayaa waxaa Natiijadaas ku guuleeystay oo saxay Xiddigii hore ee kooxda Fc Barcelona Vitor Borba Ferreira Rivaldo.
Rivaldo oo Qabiir noqday kulankaas Isha ayuu ka tuuray wuxuuna sheegay ineey 1-3 ku badin doonto kooxda Catalonia Fc Barcelona. Dhanka Xiriiriye.com waxaa tartankaan ka qeeyn qaatay dhalinyaro fara badan balse waxaa Natiijadaas ku guuleeystay oo raacay Wadada Ciyaaryahan Rivaldo Akhristayaal lagu kala magacaabo >> 1-Haashim Yuusuf Rooble (Haam) 2-Yoonis Cusmaan Kheyre (Yoonis Barca) iyo Akhristaha 3-aad oo magaciisa ka soo iloobay Saadaasha wuxuuna Akhristahaan ku soo koobay magaciisa sidan (Abamiin) Dhamaan Qabiiradaan wexeey horay farta ugu fiiqeen inuu ku dhamaan doono kulankii El Clasico Real Madrid 1 Fc Barcelona 3.
*** Dhanka kale Studiyaha Xiriiriye.com oo lagu marti qaaday dhoor Taageerayaal oo ka kala socday Real Madrid iyo Fc Barcelona ayaa waxaa dibada looga saaray goobtii Ciyaarta lagu daawanayey Dhalinyaro lagu kala magacaabo Farxaan Jaamac Cabdi (Otto) iyo Ayuub Nuur Cilmi (Ayuub dheere).
Labadaan Taageere oo awalba buuqooda loo adkeeysan waayey waxa uu Dagaal dhex maray Ciyaarta mar ay mareeysay Daqiiqadii 74-aad.
Dagaalka ayaa biloowday ka dib markii uu Laacib Andres Iniesta Lujan Kubad si wanaagsan uga farsameeystay ama ka kor qaatay xiddiga Qaranka Germany Sami khedira (Daqiiqadii 74-aad).
Ayuub oo Taageera Barca ah buuqiisana loo adkeeysan waayey waxa uu ka xanaajiyey Farxaan oo awalba ka xumaa Shaxda Qaldan ee uu Macalin Morinho u isticmaalay Xiddigihiisa ama Laacibiintiisa.