Didier Drogba iyo Frank Ribery Labo Saaxiib oo aan kala maarmin, Ku biiri Aqoontaada Sport !!
Weeraryahanka Qaranka Ivory Coast iyo Naadiga Fc Chelsea Didier Drogba & Laacibka weeyn ee Qaranka france iyo kooxda Fc Bayer münchen frank Ribery ayaa waxaa lagu tilmaamay saaxiibo aan waligood si fudud ku kala hari doonin.
Arbacadii11-kii bishaan Agoosto Canal Plus Sport waxa uu soo bandhigay iyaga oo si wada jir ah Xaflad weeyn uga qeeyb galay magaalada Marseille ee dalka France, isla Maalintii ku xigtay ee Qamiista aheeyd 12-kii bishaan Agoosto hadana Canal Plus Sport waxa uu soo bandhigay iyaga oo si wada jir ah uga qeeyb galay aas weeyn oo Magaalada Nantes ee Faransiiska loogu sameenayey Fanaan weeyn oo halkaas ku dhintay.
Maalinti ku sii xigtay ee jimcaha eheed 12-kii Agoosto waxa uu Diedier Drogba u soo raacay Franky Ribery Dalka Germany iyo Kooxda Bayer münchen oo Ciyaar la leheed Kooxda Real Madrid koob uu dhigay franz Backenbauer .
Intas ka dib Drogba waxa uu München ka duulay isla habeenkii isaga oo maalintii ku xigtay ee 14-kii bishaan ciyaar la lahaa Kooxda West bromwich taas oo uu 3-Gool ka dhalin doono.
Waxaa akhristoow la yaab eheed markii wariye u Shaqeeya Tv-ga ZDF la yiraahdo oo lagu magacaabo Thomas Hubert uu Drogba garoonka dhexdiisa su´aal ku weey diiyey isaga oo yiri sidan:
Waan ku salaamay Mr Drogba?
Drogba ayaa yiri waan kaa qaaday waana ku salaamay sidoo kale .
Wariyaha ayaa weeydiiyey waxa uu garoonka ka soo doonay iyo bal in uu Bayer München Gor gorton kula jiro?
Didier Drogba oo qolsol la dhacay ayaa yiri maya maya ee waxaan marti qaad ka helay Saaxiibkeey Frank Ribery.
Wariyihii ayaa ugu dambeentii weey diiyey bal in Drogba uu Frank Ribery Chelsea u qal qaalin lahaa iyo in kale??
Akhristoow Labadaan saaxiib ayaa meelo badan oo Caalamka ka tirsan lagu arkay iyaga oo Fasax ama Arimo kale oo muhiim ah u jooga.
Dhanka kale waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa Ciyaartooy sidaan oo kale Caan u ah oo hadana saaxiibo weeyn ah in kastoo eey u kala dheelaan Kooxo is neceb.
Ogeeysiin: filo goor dhaw barnaamishkii (La Laab) : oo Maanta ku saabsan 2 wiil oo 6 & 7 sano jiro ah oo la soo baxay wacdaraha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxaana isla markiiba saxaafada eey u kala bixisay Messi & Ronaaldaha Cusub ee mustaqbalka dhaw . war bixintaan ku saabsan ciyaalkaan Mustaqbalka ku leh Kubada cagta ayaa wadata Video aad si weeyn daawashadiisa ugu qanci doontaan sida eey ilmahaan kubada ula qabsadeen . Sidoo kalo filo Goor dhaw suuqa Kawaanka Ciyaartooyda oo meel wanaagsan maraya.