Mid ka mid ah Xiddigaha ugu caansan Ciyaarta kubada Cagta oo Sanad kasta taga Xajka & Xiddigaan oo dhawaan Islaamay ayaa waxa uu dhibsaday xiliga uu Tukanaayo Dadka Xajka dhexdiisa Sawirada la daba kaca (Halkaan ka Daawo)
Xiddiga Qaranka France iyo kooxda Fc Bayern Munchen ee horyaalka dalka Germany Frank Bilal Ribery ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu Sanad kasta iska xaadiriyo gudashada Xajka.
Xiddigaan oo dhawaan iska badalay magaciisa ah Frank Ribery ayaa waxa uu warbaahinta ka codsaday ineey ugu yeeraan Bilal Yuusuf Maxamed. Laacibkaan oo islaamay Sanadkii 2002 wuxuu sidoo kale guursaday Haweeneey u dhalatay dalka Aljeeriya oo lagu magacaabo Wahiba Belhami.
Wahiba Belhami wexeey u dhashay Laacib Bilal Ribery labo Gabdhood iyo hal Wiil wexeeyna ku wada nool yihiin magaalada Munchen ee dalka Germany halkaas oo eey ka dhisan tahay kooxda uu u ciyaararo Ciyaaryahan Frank Bilal Ribery (Fc Bayern Munchen) .
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Laacibkaan xiliga uu ku sugan yahay Xajka ama uu gudanaayo waajibaadka Xajka ma jeclo in la Sawirto balse waxaa taas ku qanci waayey Xujeey fara badan oo xiliga uu Laacib Frank Bilal Ribery Tukanaayo la daba kacay Sawiro iyo duubista Kaamerada loo adeegsado Taleefoonada gacanta .
Halkaan ka Daawo Bilal Ribery oo Xajka ku Tukanaayo iyo Laacibkaan oo quus ka tagaan Xujeey Video ka duubato ama Sawiro ka qaado xiliga uu Tukanaayo >>> http://www.youtube.com/watch?v=NpkKMyyHj68