Jarmalka oo Bilaabay Calaacal ka dib markii eey sheegeen ineey Xaq u lahaayeen Laacib Kevin-Prince Boateng oo Qarankooda laga Bililiqeeystay iyo Qooyska Reer Boateng oo hal Maalin gudaheed Farxad & Muurugo kala qeeybsaday 23.10.2011 (Halkaan ka Daawo Qiso Taariikh mudan iyo La yaabka Kubada) !!!
Dalka Jarmalka waxa uu ka mid yahay wadamada ku Waalan ama sida weeyn u jecel Ciyaarta kubada cagta wexeeyna inta badan ku Mintidaan Ciyaartooyda dalkooda ku dhalato hadii eey isku dayaan ineey Qaran kale u weecdaan. Jarmalka wexeey kor ka waardiyeestaan Xiddigaha dalkooda ku dhasha inta eey Juunyarka yihiin wexeeyna Qaranka ku soo daraan marka eey arkaan inuu Xiddigaas ama Ciyaaryahankaas saan saan Laacibnimo soo wato.
Xiriirka kubada Cagta ee dalka Germany oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (DFB) Deutscher Football Bund wexeey si weeyn kaga duwan yihiin Xiriirka FFF ee Qaranka France oo inta badan Laacibiinta ku dhalata dalka Faransiiska oo u badan kuwa ka soo jeeda wadamada Carabta iyo Qaarada Africa wexeey Free u yihiin ineey ku biiri karaan Qarankeey doonaan taas oo dhalisay ineey Xiddigo badan oo caan ahaa u hayaamaan dalalkoodii Hooyo. (Africa & Carabta).
Jarmalka Laacibiintii ugu dambeeysay ee uu Bililiqeeystay iyaga oo aad looga baahnaa dalalkii eey asal ahaan ka soo jeedeen waxaa ka mid ahaa Laacib Mesut Mustafa Özil oo Turki ah iyo Sami Khedira oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia.
Hadaba maxaad kala socotaa Qisada Qooyska Reer Boateng? . Jaraaidka loogu Akhriska badan yahay dalka Germany ee Bild Sport waxa uu daba dhigtay Macalinka Qaranka Germany Mr.Joachim Löw wuxuuna leeyahay isaga ayaa masuul ka ahaa Laacibka kooxda Ac Milan Kevin-Prince Boateng inuu ku biiro Qaranka Ghana isaga oo ku dhashay kuna soo bar baaray Magaalada Berlin. Jarmalka oo Calaacal iyo is qab qabsi bilaabay markaan ayuu la Macaaday Ciyaaryahan Kevin-Prince Boateng oo bilihii ugu dambeeyey wacdaro ka dhigayey Maslaxa ciyaaraha kubada Cagta ka dib markii uu la soo baxay Darbooyin kulul oo eey ka Qeeyliyeen Boortayaasha Horyaalka Serie A-ga Talyaaniga iyo Koobka Uefa Champions League. Kevin-Prince Boateng wuxuu 6 Bishii Maarso Sanadkii 1987-ka ku dhashay magaalada Berlin ee Caasimada dalka Germany wexeeyna Walaalo isku Aabo iyo isku Hooyo ah yihiin Laacibka Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen waa Jerome Prince Boateng oo isna sidoo kale ku dhashay isla Magaalada Berlin 3 Bishii Septembar Sanadkii 1988-kii. Xiddigahaan Walaalaha ah midna hada waxa uu u Ciyaaraa Qaranka Germany halka kan kale uu dooqiisa ku sheegay ineey la wacnaatay sidii uu ugu safan lahaa Qaranka Ghaana. Kevin-Prince Boateng iyo Jerome Prince Boateng Aabahood asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Ghana halka Hooyadooda eey tahay ama u dhalatay dalka Germany. Kevin iyo Jerome ilaa yaraantoodii labadaba wexeey ka mid ahaayeen Juunyarka Qaranka Germany inkastoo Xiddiga Ac Milan Kevin-Prince Boateng uu doortay Qaranka Aabihiis waa reer Ghaana Halka walalkiis ka yar uu ku adkeeystay inuu ku ekaado Qaranka reer Abtigiis ee Germany. Kevin-Prince Boateng wuxuu Taariikh ahaan u soo ciyaaray kooxaha kala ah Hertha Berlin,Borussia Dortmund,Tottenham, Fc Portsmouth iyo Ac Milan. Walaal kiis Jerome Boateng wuxuu isna Taariikh ahaan u soo ciyaaray kooxaha kala ah Hertha Berlin, Hambrug, Manchester City iyo Fc Bayern Munchen oo soo iibsatay xili Ciyaareedkaan. Qisada ugu yaabka badan wexeey noqotay Qooyska Reer Boateng maalintii Axada eheed kuna beegneed Taariikhda 23.10.2011 wexeey u eheed Maalin Farxadeed iyo Maalin Murugo labadaba sida uu Abahood Boateng u sheegay Jaraaidka Bild Sport. Aabaha dhalay Wiilashaan Mr.Boateng wuxuu yiri sidan " Maalin xun iyo maalin Wanaagsan labadaba weey eheed waxaana ku qortay Buugeeyga Xasuus qorka,, Maalinta Wanaagsan waxaa lagu sheegay Kevin-Prince Boateng oo Iskoor jabshay ka dib markii uu Garoonka soo galay kooxdiisa Ac Milan oo naadiga Lecce 3-Gool ku leheed wuxuuna Lecce ka xareeyey 3-Gool oo deg deg ah taas oo ugu dambeeytii sababtay ineey kooxdiisa Ac Milan 3-4 ku badiyaan kulankaas Muhiimka ahaa . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=wk88ablpUTU . Oday Boateng wuxuu yiri 5-saacadood markii eey ka soo wareegtay Farxadii iyo Iskoorkii cusbaa ee uu dhigay wiilkeeyga Kevin Boateng waxaa dhanka kooxda Fc Bayern Munchen oo mudo aad u fog aan laga badin weliba heeysatay Iskoor cusub oo ahaa Difaaceeda oo 8-kulan aan Gool laga dhalin Horyaalka Bundesliga waxaa kulankii isla galabtaan dhacay Rooso loo taagay oo kooxdiisa qasaariyey Jerome Boateng oo la sheegay inuu sabab u noqday in Bayern Munchen Iskoorkii laga jabsho weliba looga badiyo 2-1 . Halkaan ka Daawo Qasaaraha Boateng-ka kale qabsatay >>> http://www.youtube.com/watch?v=9UMGZnYSWWE . FIIRO GAAR AH : Boga hore ee Xiriiriye.com Xiddiga wata Maaliyada Qaranka Germany ee xiran Diyeeshaha (10) waa Kevin Boateng xiligii uu Qaranka Junyerka Germany u safan jiray hadana Ghana ayuu u ciyaaraa. SAWIRADA LAACIBIINTAAN WALAALAHA AH OO FARA BADAN KA DAAWO BOGA HORE EE XIRIIRIYE.COM !! OGEEYSIIN : Waxaa hawada ku soo jiro oo soo socdo Liiska 25- Ciyaartooy oo lagu sheegay Xiddigaha ugu Dabeecada kulul maslaxa Ciyaaraha kubada cagta weliba ugu Xanaaqa dhaw (Qaramada eey u ciyaaraan iyo kooxaha eey u saftaan Filo Goor dhaw hadii uu alle idmo). !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha ee Dhalinyarada Soomaaliyeed) !!