Jose Morinho " Cid na celin karto ma jirto El Clasico Barca dhibcaha ha iska diyaariso,, World Sport News >> Waxaa la gaaray xiligii uu faani jiray Macalin Jose Morinho !!!
Waxaa soo laba kacleeyey Faankii Macalinka kooxda Real Madrid Mr. Jose Mario dos Santos Felix Mourinho oo mudooyinkaan laga nastay .
Morinho oo u waramayey Canal-Plus wuxuu si toos ah ugu jees jeesay kooxda Fc Barcelona oo uu ku sheegay in la gaaray xiligii ay Dhibcaha iska diyaarin lahaayeen kulanka dhex mari doona Kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona 2-Isbuuc ka dib (El Clasico) .
" Real Madrid sidii hore ma ahan oo dhinac kaste ayaan ka dhisay mana jirto xiligaan la joogo koox na celin karta, Horyaalka La Liga Fc Barcelona 6-Dhibcood ayaanu ka kor marnay waxaana la doonayaa in 2-isbuuc ka dib Barca dhibcaha iska diyaariso kulanka El Classico si Real Madrid 9-dhibcood ku gaarto ayuu yiri Morinho oo Qosol daba dhigay Wareeysigiisa.
Macalin Jose Morinho oo Qabiirnimo Sport loo qirsan yahay ayaa hadane waxaa lagu eedeeyaa mar kaste Salfudeed iyo faan tira badan oo mararka qaar sababa ineey ka faaideeystaan hadaldiisa Saxaafada Caalamka nuuceeda isku dirta kooxaha ama Tababarayaasha.
Hadalkaan cusub waxaa iska cad ineey Jawaab ka imaan doonto dhanka Catalonia Fc Barcelona oo looga bartay ineey Morinho eedeeyaan ama ku tilmaamaan Shaqsi qoorta isku galiyey Xiddigaha Real Madrid iyo Fc Barcelona.
Arinta ugu yaabka badan wexeey eheed Jose Morinho oo inkiray inuu horay u yiri Karim Benzema hadii uu booskiisa difaacan waayo waxaa inoo balan an Binji (Kursiga Keeydka) .
Morinho ayaa isku difaacay sidan " Been ayeey u tarjumaan Saxaafada Ciyaal suuqiinta ah warkii Benzema mana ka hadlin Binjiga Benzema waxaana iri oo kaliyah Karim Benzema waxaa laga doonayaa da´daal intaas ka badan hadane wuu i tusay awoodiisa Sport,,
Saxaafada Sportiga ayaa shaacisay in la gaaray Xiligii uu faani jiray Macalin Jose Morinho oo kooxda Real Madrid ka dhigay sidii ay ahaan jireen ama uu u tababari jiray Fc Chelsea & Inter Milan (Yacni Awood dhan walba ah)
FILO GOOR DHAW WARAR TARJUMAN OO HAWADA KU SOO JIRA !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)