La Yaab : Ronaldo de Lima oo ciyaaraha ka fariistay isaga oo ilmeenaya, Waa maxay sababta? iyo Saxafi Sawir la la yaabay ka sameeyey oo muteeystay lacag ganaax ah sheegayna inuusan Lacag sidaas u tira badan dhiibi karin mushaarka uu qaatana 5-jibaarkiis eey ka badan tahay !!
Barnaamishka La Yaab oo soo aruuriya mucjisooyinkii ugu dambeeyey ee ciyaartooyda Caalamka la soo gudboonada ama ku kacaan ayaan waxaan maanta idiinkugu heeyna Xogta hoose ee Ex Player Ronaldo de Lima oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah sababo jiro aawgood.
Ronaldo Luiz Nazario de Lima ayaa waxa uu si toos ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah Maadaama uu soo fuulay culeeys uga yimid dhanka qaab dhismeedka jirkiisa. " Waxaan doonayey oo maskaxda iigu Qufulneed inaan ciyaaraha kubada cagta sii dheelo ilaa aan ka gaaraayo 38-jir balse riyadaas weey ii rumoobi weeysay maadaaama aan hada ciyaaraha ka fariisanaayo anoo 34-jir ah ayuu yiri Ronaldo De Lima oo Taageerayaashiisa Caalamka daafihiisa ku kala nool raali gelin hawada u soo mariyey.
Ronaldo Luiz Nazario de Lima oo iska helay jirada ama cudurka loo yaqaan (Fenomenon) oo inta badan abaarta ciyaartooyda kala duwan ee isticmaasha Daawooyinka kordhiya Murqaha jirka balse dhibaateeyo Ciyaartooydaas marka eey gaaraan ama kor u dhaafaan da´da 30-ka sano jirka .
Ex Weeraryahan Ronaldo Luiz Nazario de Lima ayaa isaga oo 17-jir ah waxa uu markiisii ugu horeeysay ee uu Qaarada Yurub ka ciyaaro u yimid kooxda PSV Eindhofen oo ka dhisan horyaalka dalka Holland wuxuuna sida uu war bixintaan ku sheegay isaga oo ooynaya ku yiri sidan : " Xiligii aan PSV Eindhofen u imid Daawooyinkii aan Jirkeeyga ku bilaabay ayaa maanta qasaaro ii geeystay oo Mustaqbalkeeyga Sport ka hor istaagay inaan sii wato ciyaaraha Caalamiga ah ayuu yiri Ronaldo de Lima.
Ronaldo Luiz Nazario de Lima ayaa waxaa la sheegay inuu si xad dhaaf ah u isticmaalay kaniiniga cirbadaha ka sameeysan ee loo yaqaan (Anabolika) kaas oo ugu dambeentii ku sababay cayil deg deg ah iyo culeeys uusan waligiis horay u soo arag oo soo da dajiyey ka fadhiisashada Ciyaaraha caalamiga ah ee Xiddigaas.
Dhanka kale Wariye u shaqeeya Jaraaidka Brazil Post oo ka faalooda ciyaaraha kubada cagta ayaa waxaa la laqsiiyey Ganaax gaaraya 7.500 oo Us $ Dolar ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu u gafay oo shaqsiyada Ciyaaryahan Ronaldo De Lima ku dheelay maadaama uu Sawir been abuur ah ka sameeyey kaas oo Sharciyada Sportiga ka baxsan in Ciyaartooyda si qaas ama Shaqsiyan ah wax looga sheego iyada oo aan la hubin ama cadeen loo heeyn .
Wariyahaan oo lagu magacaabo Nicola Aurelio ayaa waxa uu soo sawiray Ronaldo de Lima oo aad u bararay kuna fadhiya 2-kursi oo qaadi weeysay cayil kiisa faraha badan oo uu ula jeeday Daawada uu is ticmaalay Ciyaaryahan Ronaldo Luiz Nazario de Lima .
Wariyahaan ayaa ka cabanaya lacagtaan tirada badan ee la ganaaxay wuxuuna sheegay isaga oo u waramayey skysport in lacagta la ganaxaay eeysanba mushaar ahaan u soo galin uuna ka doodi doono arinkaas.
Ronaldo De Lima ayaa lagu wadaa in loo qabto ama lagu sagootiyo kulan weeyn oo Caalami ah laguna wado in uu dhex maro dalalka Brazil Vs Portugal ama Brazil Vs Uruguay sida uu sheegay xiriirka kubada cagta ee dalka Brazil.
Filo Goor Dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com