|
Ronaldo de Assís Moreira Ronaldinho oo Wacad ku maray inuu Wiilkiisa Yar noqon doono Laacib Weeyn oo Dunida laga dambeeyo (War Bixin Tarjuman )) |
Tv-ga caanka ah ee SPORT1 live.de ayaa waxa uu war bixin Cajaaib ah ka soo diyaariyey Ciyaaryahankii hore ee kooxaha PSG , Fc Barcelona & Ac Milan Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho iyo wiilkiisa yar oo Tababar balaaran ku qaadanaya magaalo xeebeed ku taal dalka Brazil.
Ronaldinho oo hada ah soccer player u ciyaaro kooxda weeyn ee Flamengo Rio de Janeiro oo ka dhisan dalka Brazil ayaa wareeysigiisa oo aad u dheeraa waxaanu ka soo qaadan karnaa hadaladii ugu muhiimsanaa ee uu hawada u soo mariyey Taageerayaashiisa Sidan: hoos ku qoran
SPORT1 live.de : Mr. Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho malaga yaabaa in magacaagii weeynaa iyo Xushmadii aad ku leheed garoomada Caalamka eey sidaan ugu dhamaatay?
Ronaldinho " Maya, Waxaas wax dhici kara ma ahan , aniga waxaan ka soo jeedaa qooys Dhiigooda uu ku shaqeeyo Ciyaarta kubada Cagta sahalna ugama hari doono Ciyaaraha "
SPORT1 live.de : sidee u aragtaa qoraalkii ahaa ABSOLUT VODKA & Ronaldinho oo qaar ka tirsan Taageerayaashada eey ku soo direen ciwaanka home page-kaaga?
Ronaldinho " Dadka waxaas soo qoray waa kuwo ka been abuurtay Taageerayaasheeda mana laga yaabo inaan u Jawaabo dad sidaas oo dhan shaqo la´aantii eey uga badatay"
SPORT1 live.de : Ku soo laabashada dalkaagii Hooyo & iyo kooxdaada Cusub maxaad dareemeeysaa oo eey kaga duwan tahay kooxihii aad Qaarada Yurub u ciyaari jirtay?
Ronaldinho " Qof kasta marka uu ku soo laabto dalkiisa Hooyo oo uu mudo dheer ka maqnaa waa Qasab inuu dareemaa Farxad & Reeyn Reeyn xad dhaaf ah"
SPORT1 live.de : Wiilkaan yar ee kula aalamiiteenaya malaga yaabaa inuu ciyaaraha kubada cagta Magac & Mustaqbal ku yeesho?
Ronaldinho " Haa, 100% waa hubaal inuu Laacib weeyn oo Dunida caan ka ah noqon doono weliba isaga iska daayee xitaa wiilka uu sii dhalo ayaa ku ciyaari doona Magaca Ronaldinho oo ahaan doono xili dheer mid sii jira oo weliba dhagaha inta Ciyaaraha jecel ka sii dhex dhawaaqi doona !! "
SPORT1 live.de : Wiilkaaga Magaciis ?
Ronaldinho " Waxaa la yiraahdaa Joao Ronaldinho "
SPORT1 live.de : Hooyadiis Magaceed ?
Ronaldinho " Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Janaina "
SPORT1 live.de : Ma is Qabtaan oo ma isla degan tihiin ?
Ronaldinho " Maya isma qabno oo labo meel ayaan kala deganahay laakiin wiilkeeyga Joao Ronaldinho hada aniga ayuu ila joogaa "
SPORT1 live.de : Booskee Jeceshahay inuu Wiilkaaga Mustaqbalka dhaw ka ciyaaro?
Ronaldinho " Dabcan, of course, Dhexda oo Weerar ah ayaan la doonayaa "
Filo Goor Dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ! iyo Barnaamishka La Yaab oo eey Tarjumis balaaran ku socoto.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com