Ex-Juve Star Edgar Davids oo Ingiriiska looga yeeray,Nasri oo Arsenal ka dhaawacmay, Kevin Boateng oo AC Milan ku biiray iyo Wararkii ugu dambeeyey ee Kawaanka Ciyaartooyda. (Daawo)
Laacibkii hore ee Qaranka Holland iyo Kooxda weeyn ee Juventus Edgar Davids ayaa waxaa Maanta dalbatay Kooxda ka dhisan Magaalada London ee Crystal Palace oo ka ciyaarta Heerka 2-aad ee Horyaalka Ingiriiska.
Edgar Davids oo Ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiistay 2008 ayaa aqbalay inuu u dheelo kooxdaan oo si aad ah u dooneeyso.
Davids oo hada 37-sano Jir ah ayaa magaalada London meel ku cusub aheeyn maxaa yeelay 2-sano ayuu Kooxda Tottenham oo iyana ka dhisan London u ciyaarayey.
Engar Davids ayaa lagu wadaa maalinta Jimcaha ah inuu la kulmo Boss-ka kooxda Crystal Palace Mr.Eagles-Boss George Burley oo sheegay ineey ka goantahay soo xero gelinta Davids.
Martin Long und Steve Parish oo ah Labada nin ee dhaqaalaha ku taageeray kooxdaan ayaa dhankooda soo dhaweeyey soo xero gelinda Engar Davids.
Kevin-Prince Boateng oo AC Milan Calaf u noqday.
Xiddiga Qaranka Ghana iyo Kooxda Portsmouth ayaa waxa isaga oo u wareegay Kooxda Genoa kala sii wareegtay AC Milan oo maalintii isniinta ee doraad Tababar eey tijaabo ahaan uga qaaday ka heshay qaab ciyaareedkiisa iyo aalamiitada uu oradka u leeyahay.
Genoa ayaa 6-Milyan ka soo siisatay Kooxda hada u laabatay Horyaalka Ingiriiska qeeybtiisa 2-aad ee Portsmoth waxaana lagu wadaa in lacagtaas mid aad uga badan Genoa ka hesho AC Milan oo ka caashaqday Ciyaaryahan aanan hal isbuuc u joogin Kooxda Genao. Keevin Boateng ayaa waxa uu u soo saftay Kooxaha kala ah Hertha Berlin, Brossia Dortmond, Tottenham iyo Portsmouth.
Wargeeyska El Mundo Deportivo oo sheegay in Milan eey Barcelona ka dooneyso Ibrahimovic Waxaa ayataan soo shaac baxayey Qilaaf weeyn oo u dhaxeeya Zlatan Ibrahimovic iyo Macalinka Fc Barcelona Pep Guardiola oo doonaya in David Villa oo eey dhawaan ka soo iibsadeen Kooxda Valencia uu weerarka Tutulaare noqdo halka Ibrahimovic uu la doonayo Kursiga Keedka ( Binjiga)
Zlatan Ibrahimovic oo ka dhimanaya in Binji la geliyo ayaa waxa uu hada fursad weeyn u arkaa Kooxda AC Milan oo iska direeysa weeraryahanka Xulka Holland Klaas-Jan Huntelaar oo eey iska cadahay ineey Milan iib ku dooneyso.
Samir Nasri oo Mudo Bil ah garoomada iyo Kooxda Arsenal ka maqnaanayo
Laacib Nasri oo ku dhaawacmay Ciyaartii axadii la soo dhaafay kooxda Arsenal 1-1 kula soo gashay Naadiga Liverpool ayaa waxa uu toos garoomada uga maqnaan doona 4-week oo bil ah maadama uu Jilib ka midig ka dhaawacmay. Dhanka kale Arsenal (The Gunners) ayaa waxaa dhaawac uga soo kacay oo soo bogsaday Ciyaaryahan Johann Djourou.
Fc Liverpool oo heshay nin kii eey ku badali leheed Mascherano
Xiddiga Kooxda West Ham Utd Scott Parker ayaa waxaa doonaya oo shiishka saaray Macalinka cusub ee Kooxda liverpool Roy Hodgson oo raba in uu buuxiyo booska uu baneenayo Javier Mascherano oo Inter & Macalinkii hore ee Liverpoo Rafael Penetez Xanjo ku noqdeen.
Dhanka kale Xiriirka kubada cagta ee France oo loo yaqaan (Diiqa) ayaa ganaaxay 4-Ciyaartooy oo u dheela xulkaas.
Nicolas Anelka ayey seefta qaaday oo waxaa la ganaaxay 18-kulan, Patrick Evra oo Man Utd difaaca uga dheela ayaa la ganaaxay 5-Kulan, Frank Ribery ayaa la ganaaxay 3-kulan halka Jeremy Toulalan laga ganaaxay Qaranka 1-Ciyaar.
Ogeeysiin: filo goor dhaw barnaamishkii (La Laab) : oo Maanta ku saabsan 2 wiil oo 6 & 7 sano jiro ah oo la soo baxay wacdaraha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxaana isla markiiba saxaafada eey u kala bixisay Messi & Ronaaldaha Cusub ee mustaqbalka dhaw . war bixintaan ku saabsan ciyaalkaan Mustaqbalka ku leh Kubada cagta ayaa wadata Video aad si weeyn daawashadiisa ugu qanci doontaan sida eey ilmahaan kubada ula qabsadeen .