Ramjeet " Dadka ma dhale ayeey igu tilmaami jireen hadana waxaa ii dhashay Wiil anoo 94 jir ah,* Xaaskeeyga 3 jeer ayaan maalintii u tagaa ,, (Daawo Mucjisada uu soo bandhigay Jaraaidka The Sun ee dalka Ingiriiska)
Hadal heeynta ugu badan dhanka Saxaafada Dunida ayaa noqotay Oday Wayeel ah oo u dhashay dalka Hindiya kaas oo uu Wiil ugu dhashay isaga oo 94 jir ah. Ramjeet Raghav oo hada galay da´diisii 95-aad waxaa Wiil u dhashay Xaaskiisa oo 58 jir ah laguna magacaabo Shakuntala. Wiilka u dhashay Ramjeet Raghav waxaa loogu magac daray Vikramjeet. Odaygaan Waayeelka ah isaga oo aad u Faraxsan wuxuu warbaahinta Caalamka u sheegay inuusan marnaba ka Niyad jabin Awlaad/Caruur uu helo balse wuxuu qirtay inuu mudo aad u fog sugayey Nasiibka iyo Calafka hada soo raadsaday. " Dad badan ayaa igu xaman jiray inaan ma Dhale ahay laakiin hada Calafkeeyga ayaa i soo raadsaday anoo da´dii 100-aad ay iiga harsan tahay 5 sano oo kaliyah ayuu yiri Mr.Ramjeet Raghav oo aad u faraxsanaa. Arinta Caalamka ka yaabsatay wexeey eheed Odaygaan Waayeelka ah oo sheegay inuu Xaaskiisa u tago maalintii 3 jeer !! Halkaan ka Akhriso Jaraaidka The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo sidoo kale wareeystay Ramjeet Raghav : http://www.thesun.co.uk/sol/homepage/features/3945859/Ive-stopped-having-sex-three-times-a-night-now-Im-a-dad.html