La Yaab : Cristiano Ronaldo & Jaraaidka Marca Sport oo Maxkamad isku dacweeyey iyo isaga oo diiday in mar dambe RAMBO-RONALDO loogu yeero+Wararkii ugu dambeeyey ee Sport.
Laacibka Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Dacwad qarsoon ka gud biyey Jaraaidka dhanka Sportiga ugu magaca iyo Qiimaha weeyn dalka Spain oo lagu magacaabo Marca Sport.
Cristiano Ronaldo oo ka helay Jawaab cad Maxkamada dhanka Ganaaxa ugu sareeysa magaalada Madrid ayaa waxaa dacwadiisii laga soo qaaday mid aan wax dambi ah lagu soo oogi karin Wargeeyska Marca Sport.
Laacib Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu la yaabay markuu arkay Marca Sport oo la daba taagan warkii uu ka qoraba RAMBO-RONALDO !
Akhristoow waxaa la yiri qofba meel ayey uga dhegtaa ama meel ayuu cuqdad ka qaadaa maxaa yeelay Laacib Cristinao Ronaldo waxa uu af buuxa ku yiri isaga oo u waramayey Spain ETB Sat sidan: Aniga waxaan ciyaaraa kubada cagta mana ihi nin Jilo Filimaanta, RAMBO-RONALDO ayuu ila daba taagan yahay Marca Sport waxaana u arkaa Xumeeyn iyo inuu magaca iiga dheelo, Maxaa yeelay Kubada ninka ciyaara waa sax waxa uu qabanayo ama ku shaqeeysanaayo balse ninka filimka jila waa jilaa uun iyo wax aan sax aheeyn wuxuuna u bartay wargeeyskaan edebta daran ee marca-Sport inuu soo qaato Sawiradeeyda oo aan feero qaawanahay isaga oo har iyo habeenba ciwaan uga dhigta RAMBO-RONALDO ayaa gool dhaliyey, RAMBO-RONALDO ayaa dhaawacmay iwm. Mana u dul qaadan doono wixii hada ka dambeeya ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Cristiano Ronaldo oo aan u bogin Jaraidka Marca-Sport.
Dhanka kale warar kii ugu dambeeyey ee sport ayaa sheegaya sidan:
** Xiriirka kubada cagta ee Portugal oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanFPF ayaa shaaciyey in maalinta beri ah eey iska fasixi doonaan oo eey ceeyrin doonaan tababaraha Qaranka Portugal Carlos Queiroz oo hada 6-bilood oo ganaax ah ku maqan.
Portugal ayaa beerta ku jirto waxaana kulankii eey xalay Xulka qaranka Norge Norway la yeesheen looga badiyey 1-0, kii ugu dambeeyey ee isna ahaa is reeb reebka koobka Qarama yurub oo eey ku ciyaarayeen gurigooda Magaalada Lisbon ayaa waxa eey bareejo 4-4 ah la dhaafi waayeen Jasiirada Qubrus.
** Kooxaha AC Milan iyo Inter oo ka wada dhisan Magaalada Milaano ee Cariga Talyaaniga ayaa waxa eey isku hayaan dagaal dhanka Saxaafada ah oo ebid kii ugu darnaa noqday.
Adriano Galliani oo ah ninka ciyaartooyda u soo iibiya kooxda AC Milan oo weliba ka mid ah Maamulka ugu sareeya ee Milan ayaa Galabta ka dhawaajiyey ineey kooxda ku soo biirin doonaan Mario Bolotelli oo mudo yar ka hor Man city kala soo wareegtay kooxda Inter.
Inter ayaa iyagana sheegay in Laacib Kaka u ogol yihiin lacag kasta oo eey Kooxda Real Madrid dooneyso.
Ibrahimovic oo Inter eey ku Ciqaabi jirtay ama hubkii eey Milan kula dagaali jirtay ahaa ayaa hada waxa uu noqday Rasaasta Milan ku Ciqaabo doonto sanadkaan kooxda Inter.
labadaan Kooxood ayaa waxa eey la soo baxeen Wajiyaal cusub oo aan horay loogu arag Maslaxa kubada Cagta kaas oo ah in dib loola soo wareego laacib markii hore ka tirsanaan jiray ama ka soo hor jeedi jiray Milan & Inter kuu doono ha ahaadee.