Hal Xiraalaha Todobaadka & Xiriiriye.com : Waxaad sheegtaa Ciyaaryahan Ronaldo Luis Nazario de Lima Xiligii uu bilaabay inuu Fooda Timaha ku reebto iskana dhigo waxa eey Soomaalida u taqaan Cali Foodka?? (Daawo Sawirka Guadaha hana ku Deg Degin Jawaabta adoon ka Fiirsan)
Su´aasha Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weeydaarsiga Todobaadkaan ee Xiriiriye.com waxa eey maanta ku saabsan tahay Qaabkaan !
Waxaad Sheegtaa Xiligii uu Weeraryahan Ronaldo Luis Nazario de Lima bilaabay inuu Timaha iska wada Xiiro hadane Fooda hore oo kaliyah ku reebto Timo yar oo aan looga baran dhamaan ciyaartooyda Caalamka waxaana Xiddigas xiligii uu Ficilkaas sameeyey inta badan Soomalida eey ugu yeeri Jireen Cali Food oo loo la jeedo Shimbir Madaxa sare Timo yar ku leh sida Ronaldo Luis Nazario de Lima !!
Waxaa laga doonayaa Xiligaas uu Fashionkaas cusub bilaabay ma waxa uu ciyaaraayey The Uefa Champions League? Koobka Latin America? Uefa Cup? Koobka Adduunka ? Mise Horyaal. .... Hadaad Masuul Sport tahay Miisaankaagana culus yahay adoo Miyirkaaga Taam yahay halkaan noogu soo dir Jawaabtaada oo sax ah Si aan kuugu Saxiixno in aad Sarkaal Sport tahay Somaalidana Sidaas kuu aqoon. xiriiriyesports@hotmail.com . Waxaan kaloo Jawaabta soo raacin doonaa Mucjisooyinkii uu xiligaas Ronaldo9 Maslaxa kubada cagta ku soo kor dhiyey sida Will isku ekeeysiiyey sidiisa camalna food reebtay ayaa waxaa tintii ka xiiray isaga oo jiifo Waalidkiis ka dibna willkii markii uu Hurdada ka soo kacay ee uu waayey Foodii Ronaldo 8-Dabaq dushooda ayuu iska soo tuuray wuxuuna u dhashay wiilkaas 17-jirka ahaa Dalka Irland. Fadlan soo raaci magacaaga iyo hadii aad Neenaas leedahay, Jawaabta Halgameyaasha Sport ee guuleeysta waxaanu soo saari doonaa haduu alle raali ka noqdo maalinta Sabtida ah 25.12.10 (Mahadsanidiin intii Sportiga ku xiran ee Nabada la Jaan qaaday)