*** Tv-ga caanka ah ee Skysport qeeybtiisa dalka Ingiriiska ayaa wareeysi dheer oo uu la yeeshay Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Man Utd Wayne Mark Rooney waxa uu ka keenay Qosol aad u tira badan oo nuuciisa aan mudooyinkaan dambe looga baran Ciyaaryahan Rooney.
Ciyaaryahan Rooney oo inta badan aan qoslin kuna dhameeysta Ciyaaraha caalamiga ah isaga oo xanaaqsan ayaa waxaa markaan Qosol la la yaabay ka keenay Wariye u shaqeeya SkySport oo Wayne Rooney ku tilmaamay isbuucii la soo dhaafay Nin aad u Nasiib badan oo Dhibaato ku soo fool leheed ka bad baaday.
Wariyaha Wareesanayey Wayne Rooney ayaa waxa uu soo duubay soona bandhigay Darsin Ukumo ah oo Taageerayaasha Man City u diyaarsadeen ineey Wayne Rooney madaxa kala dhacaan hadii uu kooxdooda gool ka dhaliyo una dhaqaaqo dhanka Taageerayaasha kooxda Man City. Sida caadada eheed Weeraryahan Rooney ayaa xiliyada uu goolasha ka dhaliyo kooxda eey is neceb yihiin ee (Man City) waxa uu u dhaqaaqi jiray dhanka Taageerayaasha kooxda Man City ka dibna waxa uu shumin jiray Maaliyada/Funaanada kooxda ManU.
SkySport oo Wayne Rooney weeydiiyey sababta uu uga weecday halkii uu waligiis dabaaldega ku sameen jiray iyo sababta keentay markii uu Goolkii aadka u quruxda badanaa dhaliyey inuu iska dhigo ama u is taago Qaabkii Filimkii Titanic camal ayaa Wayne Rooney waxa uu ku jawaabay isaga oo ku qoslaayo Ukumaha loo diyaarsaday iyo sida sahlan ee uu uga bad baaday Sidan : " Run ahaantii Cabsi darteed ugama weecan Ukumahaas eey ii diyaarsadeen Taageerayaasha Man City mana ogeeyn ineey Ukumo soo tuuryeen rabaan, dhanka qaabka aan u istaagay ee Muuqaalka Titanic waxa igu kalifay xusuusin Xaaskeeyga oo mudo 5 bilood ka hor ah igu tiri hadaad Gool Labo lugaatooleey ah dhaliso waxaan u istaagi doonaa sida Qaabkii Jaceeylkii Filimkii Titanic camal " !
*** Kooxda Manchester Utd ayaa wexeey heshiiska u kordhisay oo ilaa iyo sanadka 2012 Qandaraaska uga dhigtay Rug cadaa Ciyaaryahan Ryan Giggs . Ryan Giggs ayaa kooxda Man Utd waxa uu u yimid isaga oo Caruur ah sanadkii 1990-kii wuxuuna ilaa hada kooxda Man Utd u saftay 862 Kulan . Ciyaaryahan Ryan Giggs oo 37-jir ah ayaa waxa uu kooxda Shayaadiinta Cas Cas la soo qeeybasaday guulo aad u fara badan oo eey ka mid yihiin isaga oo heeysta 11-Jeer horyaalka dalka England halka uu labo jeer kala hoyday The Uefa Champions League.
*** Laacibiinta kala ah Franky Bilal Ribery iyo Arjen Robben ayaa lagu wadaa ineey markoodii 2-aad si toos ah u dheelaan maanta maadaama ilaa biloowgii xili ciyaareedkaan eey calaf u yeelan waayeen ineey hal mar garoonka isla soo wada galaaan waxaana mar kasta dhaawac mi jiray mid ka mid ah labadooda.
Laacibiintaan ayaa waxaa looga yaqaanaa dalka Germany sidan (?Robbery") waana magacyada Labadaas Xiddig oo la isku daray. Kooxda Bayern Munchen ayaa maanta kulan adag wexeey la yeelan doontaa Naadiga Mainz oo is aragii hore guriga Bayern 2-1 ku soo badisay .
*** Kooxda Real Madrid ee Horyaalka Primera Division Spain ayaa wexeey qabtaa in Kooxda Barcelona loo qaban doono eeyna tahay sidii guuldarada loogu bilaabay. Fc Barcelona oo isbuucii la soo dhaafay Sporting Gijon Iskoorkii guusha ka jabisay ayaa waxaa lagu wadaa ineey fooda is daraan kooxda Athletic Bilbao iskana iloowda guuldaradii eey dhabarka u saartay kooxda Arsenal eeciyaartii Champions League.
Kooxda Real Madrid ayaa lagu wadaa ineey gurigeeda ku marti geliso kooxda Levante oo kulankii ugu dambeeyey ee ka dhaca garoonka Bernabeu-Stadium 8-0 loo dhiibay.
lo Goor Dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ! iyo Barnaamishka La Yaab oo eey Tarjumis balaaran ku socoto maadaama uu xambaarsan yahay Qiso aad u xiiso badan oo wadata Sawiro iyo video-Daawasho ah ! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!