Raul oo Bayer München ku barbartay, Riyadii Man Utd & Real Madrid ee Mesut Özil oo Hal bacaad ku lis noqotay (Halkaan ka Daawo News) .
Xiddiga Kooxda Fc Schalke dhawaan kala soo wareegtay Real Madrid Raul Gonzalez ayaa wacdaro ka dhigay Ciyaartii Liga Finale oo eey kaga hor yimaadeen Kooxda Fc Bayer München.
Schalke oo 3-1 ku badisay ayaa waxaa daqiiqadihii 25-aad iyo 33-aad labo gool u kala dhaliyey Raul oo difaaca Bayer München ku baashaalay.
Halkaan ka daawo Goolasha Raul oo kulan kiisii ugu horeeyey ka Farxiyey Kooxda Schalke oo eey aad isku neceb yihiin Bayer München oo awood ku heeysato kooxaha kale ee Jarmalka :
Warkaan saxiixida heshiiska Cusub ah ayaa waxa uusan ka farxin Kooxaha Man Utd iyo Real Madrid oo si aan caadi aheyn u raadinayey Laacib-kaan asal kiisu Turkiga ahaa balse hada u dheelo Xulka Jarmalka.