MUCJISOOYINKA CAALAMKA MAANTA WAXAANU KU SOO QAADANEYNAA SOMALIDA QURBAHA :Caasi Waalidiinoow xaal Qaado Filimkii ebid ugu kululaa oo laga sameeyey Dhibka heeysta Hooyooyinka Soomaaliyeed & Caruurtoodii oo Dhaqan kale la jaan qaaday (Caasiyoow Ceeb ayaa kuu dambeeyn ,* & Hadaad yaabto Yaasiinka, Soomaalida Qurbaha oo bisha Ramadaan wax ka yaabiyay la kulmay halka markii hore iyaga la la yaabi jiray) !!
***Rumeeyso ama ha rumeeysan waa Filim Murugo xambaarsan oo laga sameeyey Dhalinyarada Caasi Waalidiinka ah ee la qabsaday dhaqanka Qurbaha iyaga oo isku maleeya in wax kasta oo eey Dunidaan uga baahdaan ka heli kara Gabdhaha ama Hablaha eey Jaceeylka la jilaan.
Waalid ku soo bar baariyey ama koriyey adoo waxba kala ogeeyn hadaad ku jisaarto markaad Qurbaha ama Wadamada Yurub timid wallee Ishooda hadii eey ku asiibto Raaxo iyo Reeyn reeyn dambe kuma sii noolaatit.
Filimkaan Qisadiisa hadii aad sii dhuuxdo waxaa kaaga soo baxaya in Caasi-waalidiinka Soomaaliyeed kiisa ugu madax adag xitaa uu dhibaato muteeysan doono marba hadii eey meesha soo gasho Geeri ama Waalidka oo aad Dunida isku weeysaan iyaga oo ku qanacsaneeyn waxa aad sameeneeyso.
Wiilka Filimkaan cusub laga Jilaayey ayaa Hooyada dhashay oo waanineeyso waxa uu af buuxo ku leeyahay (waad i Dhibtay ee Dhimo dhibkaaga ayaan ka reeysan lahaa ) waxaana halkaas kaaga cad in Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbaha ku dhalatay ama ku bar baartay eeysan wax badan ka ogeeyn Xanuunka eey leedahay marka uu Waalidka geeriyoodo.
Ugu dambeenytii Filimkaan oo Tiiraanyo xambaarsan waxa uu Digniin aan geed loogu soo gamban u yahay Dhalinyarada Caasi-waalidiinka ah ee aan tix gelin marka eey hadlayaan ama waaninayaan Waalidkooda dhalay ee Dhiiga u soo huray.
Halkaan ka Daawo Caasiyoow Ceeb ayaa kuu Dambeeyn http://www.youtube.com/watch?v=O0MNqddww68&feature=player_embedded ......
***Hadaad yaabto Yaasiinka, Soomaalida Qurbaha oo bisha Ramadaan wax ka yaabiyay la kulmay halka markii hore iyaga la la yaabi jiray. (Qiso La yaab Xambaarsan).
Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool ayaa marba wax cusub la kulma halka markii hore iyaga la la yaabi jiray.
Dadka Dunida dacaladeeda ku nool ayaa marka eey is bartaan Qof Soomaali ah ama uu weey diiyo halka uu asal ahaan ka soo jeedo waxaa durbadiiba qofka aan Soomaaliga aheeyn uu Sawirtaa Dal Dagaal sokeeye uu Labo cad ka dhigay weliba ku beeray Burcad badeed Badii ku yaacday oo Caalamka uu wax ka qaban waayey.
Hadaba waa yaabee Soomaalidii sidaas loo la yaabanaa mexeey ka Yaabeen oo eey arkeen Bisha Ramadaan?
Soomaalida Qurbaha gaar ahaan kuwa ku nool wadamada Yurub ayaa wexeey si Sahal ah isku bartaan Qoowmiyado kale oo Islaam ah kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Yurubta Bari & Wadamada Asia.
Dadkaan Islaamka ah ee aan Soomaalida aheeyn ayaa Sooman dhamaan bisha Ramadaan laakiin waxaa u furan oo Maalin kasta eey ka Ganacsadaan Maqaayado Cunto Raashin Bisil lagu iibiyo iyo waxa Shoormada ama Kebaabka loo yaqaan.
Dadkaan sidaas u sooman ee ka ganacsanaya Raashinka bisil ama karsan Ma tukadaan inta badan oo Soonka kuma daraan Salaada hadaad tiraahdo waxaad meesha ku heeysaan Diin ma ahan ama Islaam ma tihiin waxaa hubaal ah cid idin kala furaneeyso ma jirto maxaa yeelay waxa uu kugula Dagaalayaa ama Gar kuula dhiganayaa sababta aad diinta uga saartay isaga oo Sooman (Yaab).
Dadkaan aanu soo sheegnay dhanka Islaanimada aad ayeey ugu dhegan yihiin laakiin waxaa aad ugu yar Tashkiilintii.
Qowmiyadahaan ayaa intooda badan wexeey ka soo kala jeedaan dalalka Bosnia,Albania,Kosovo, Aserbajaan, Masdonia & Jeejniya.