Qooysaska Soomaalida ee Qurbaha ku nool oo Qasab ku noqotay ineey cunaan Qudaarta xooga lagu bisleeyo (Daawo Sawirada)
Shacabka Soomaaliyeed kuwooda Qurbaha u Qaxay gaar ahaan kuwa ku Nool dalalka Yurub ayaa waxaa heeysato Dhibaato weeyn iyo isfaham la´aan ka timid Qudaarta nuuceeda Xooga lagu Bisleeyo. Somaalida ayaa xiliyadii eey Nabada ku heeysteen dalkooda Hooyo wexeey Maalin kaste (Daily) cuni jireen Qudaar Fireesh ah oo maalmo gudahood uga soo go´day Beeraha.
Wadamada Yurub waxaa la keenaa inta badan Qudaar laga soo guray Beeraha dalalka Laatiin America kuwaas oo la soo guray iyaga oo Ceeyriin ah waxaana marka la keeno Dalalka Yurub la sii galiyaa Qalab loogu tala galay oo sii Huuriyo Qudaartaan ka dibna Xoog ku bisleeyo si loo isticmaalo xili dheer.
Qudaarta eey Soomaalida Qurbaha sida aadka ah u Jeceshay lagama helo dalalka Yurub iyada oo Fireesh ah waxaana ka mid ah Qudaartaas Muuska/Mooska ,Cambaha ,Qaraha iyo Liin Bambeelmada. Qudaartaan inteeda badan waxaa laga soo guraa dalalka Peru,Colombia, Panama, Brazil iyo Coasta Rica.
Dalalka wadamada Yurub dhanka Qudaarta ugu wacan waa Spain iyo Talyaaniga balse waxaa Qudaarta ka timaada labadaas dal ka raqiisan mida ka timaada dalka Laatiin America. Somalia qudaarta laga cuno waa mid Fireesh ah oo aaad u Macaan maadaama inta badan la soo guro iyada oo ku soo dul bislaatay Geedaha ama beeraha eey ka baxaan halka Qudaarta wadamada Yurub la keeno eey tahay mid xoog loo isticmaalay oo sidii loo Huurinayey la Bisleeyey.
Qudaarta dha dhanka Macaan ee Soomaalida Qurbaha eey isticmaalaan inta badan waxaa laga keenaa dalka Turkiga waana Qudaarta qaab ahaan ama Dhadhan ahaan u dhaw mida ka baxda dalkeena Hooyo.