Wadamo badan oo soo saari jiray Qudaarta Qajaarka loo yaqaan ayaa waxaa qabsatay Qasaaro xoogan ka dib markii eey iibsiga Qudaartaas diideen inta badan Wadamada Yurub (Halkaan ka Daawo Qasaaraha dhacay)þ
Ka dib markii Isbuucyadii la soo dhaafay Cudurka Bakteriyada loo yaqaan (EHEC) laga helay Qudaarta Qajaarka ayaa waxaa soo badanaya Wadamo dhoor ah oo joojiyey Iibsiga Qudaartaas halka dalalkii ka ganacsan jiray eey Qasaaro xoogan soo food saartay.
Dhimashadii ugu badneed ee Bakteriyada loo yaqaan (EHEC) ayaa wexeey ka dhacday Dalka Jarmalka wexeeyna Dawlada dalkaas durbadiiba joojisay Qudaartii uga imaan jirtay dalka Spain gaar ahaan nuuca Virus-kaan Dilaaga ah keenay oo Qajaarka noqday.
Wadamada Qajaarka(Bocorka) ka Ganacsan jiray ee sida weeyn ugu Qasaaray ayaa wexeey kala yihiin Dalalka Denmark, Spain & Romania halka kuwa sida weeyn u iibsan jiray eey kala ahaayeen Germany, Sweden, Switzerland, Austria & Czech Republic .