Jarmalka oo joojiyey Qudaartii uga imaan jirtay Dalka Spain & Dhimashada Dadkii ku Sumoobay Qudaartaas oo sii badaneeysa (Halkaan ka Daawo Dhibka dhacay iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Dalka Germany waxaa ka dilaacay Cudur aan Ebid horay loo arag oo markii la baaray qoorta isku galiyey Dalalka Jarmalka & Spain.
Cudurkaan cusub waa Viruz Pakteria daran xambaarsan oo marka magaciisa eey Dhaqaatiirta Jarmalka soo gaabiyeen ku sheegen EHEC wuxuuna ka dilaacay oo laga qaaday Qudaarta kala ah Qajaarka iyo Yaanyada loo yaqaan Tomatada.
Inta badan Magaalooyinka waa weeyn ee dalka Germany sida Berlin,Munchen, Koln/Born,Stuttgart,Hambrug, Bremen,Frankfurt Duseldorf iyo Hanover dadka degan ee cunay maalmo ka hor qudaarta laga keenay wadanka Spain wexeey iska xaadiriyeen Xarumaha Caafimaadka oo loogu yeeray baaritaan deg deg ah.
Dhimashada Warar kii ugu dambeeyey ee cudurkaan EHEC wexeey gaartay 17-Qof waxaa sidoo kale Goobaha Caafimaadka la dhigay dad kor u dhaafay 10-kun oo qof wexeeyna inta badan Saameeynta Cudurkaan laga qaaday Qudaarta Spain asiibtay Magaalada Dekeda ah ee Hambrug.
Yaanyada Toomaatada looga yaqaan dalka Germany iyo Qajaarka Gurken looga yaqaan Jarmalka ayaa ugu badan waxa keenay dadka ineey Sumoobaan ka dibna Isbitaalada la keeno iyaga oo aad moodid wax suuxsan oo miyir beelay sida Cudurka Malariyada.
Dhaqaatiirta Jarmalka ayaa sidoo kale Maanta Baaritaan kula dhaqaayqay qudaarta Jarmalka uga timaado wadanka Turkiga balse waxaa laga waayey wax Sun ama Virus ah. Halkaan ka Daawo Dhibka dhacay : http://www.youtube.com/watch?v=hRRjllVfdMg .
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com