Ebid Qosolkii ugu yaabka badnaa oo ka taagan magaalada Hambrug ee dalka Germany ka dib markii 2 Nin oo Cadaan & Madoow ah eey Dadka is kaga dhigeen ineey hal Qof yihiin (Halkaan ka Daawo Yaabkaan) . Caalamka waxaa ka jiro Barnaamishyo badan oo dadka ka Qosliya laakiin markaan waxaa soo baxay Barnaamish lagu magacaabo (Verstehen Sie Spass) oo macnaheedu yahay Ma tahay ruux fahmi kara Kaftanka. Barnaamishkaan waxaa sameeyey oo ka baxsaday Niman dadka ka qosliya oo lagu kala magacaabo dave & Davis.
Dave iyo Davis waa Madoow iyo Cadaan wexeeyna ka mid yihiin Majaajiliistayaasha loogu jecel yahay dalka Jarmalka wexeeyna dhanka Filimaanta Shaacirada kala wareegeen Shirkad laga leeyahay dalka Canada oo in mudo ah dhanka Filimaanta Komediyada Caalamka NO-1 eheed. Nimankaan waxa eey suubiyaan waa Xaqiiqo eey la dhex tagaan dadka dhexdooda.
Qisooyinka eey Ragaan suubiyaan ayaa inta badan wexeey soo jiidatay Indhaha Caalamka maadaama eey aadaan meelaha dadka uu ku badan yahay ka dibna wexeey ku soo jilaan Muuqaalo dadka ka yaabiya. Dave iyo Davis inta badan wexeey Dadka iskaga dhigaan ineey hal Qof yihiin iyaga oo isku bad badalo si layaab ama dhaqsi ah.
Barnaamishkaan ayaa waxa uu ka hadlayaa meel dheer maadaama lagu ogaanaayo Dadka Cadaanka ah waxa eey ka qabaan Midabka Madoowga ah.Mid ka mid ah Nimankaan Mucjisada ah oo Dadka Su´aal weeydiinaya ayaa intii uusan qofka ka jawaabin waxa badal goobta ku soo galaya kii kale taas oo dadka ka yaabisay. Haweeneey ka tirsan Dadkii goobta lagu qiyaaneeyey ayaa wexeey sheegtay ineey si weeyn iskugu naxday oo eey ku fakartay waxa la hadlayey ama Su´aasha weey diiyey inuu Sheeydaan yahay.
Halkaan ka Daawo Cadaan & Madoow dadkii ka yaabsaday http://www.youtube.com/watch?v=rMiMqrCHu7g&feature=relmfu