Barnaamishka ila Qosol Sport: Cristiano Ronaldo & Marcelo oo Ceejo iyo Dagaal isku bartay hada wexeey Laacibiintaan aan kala harin oo Far & Faraanti ah,* Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Fc Barcelona Ibrahim Afellay ayaa waxaa in mudo ah Dhibaato eey ka heeysta Barashada Luqada Spanish-ka waxaana mararka qaar wax loogu sharaxaa sidii Dhagool camal. (Halkaan ka Daawo Mucjisooyinka eey sameenayaan Ciyaartooyda iyaga oo aan ogeeyn in mararka qaar Duubis Kamera ku socoto).
Xiddigaha Caalamka kuwa sida weeyn isku fahma iskuna dhex galo waxaa la ogaaday ineey yihiin Laacibiinta isku barata Dagaalka Faol-ka iyo Jilaafada. Xiddigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Marcelo ayaa waxaa la sheegay ineey Saaxiibtinimadooda halkii ugu sareeysay gaartay in kastoo Xiriiriye.com uu mudo aan sidaas u sii fogeen soo bandhigay C.Ronaldo oo Ciyaaryahan Marcelo Ceejo khabad siiyey ka hor intii uusan C.Ronaldo ku soo biirin kooxda Real Madrid. Halkaan ka Daawo Fadeexadii Ceejada >>>http://www.youtube.com/watch?v=oL_lCn8jGl8 .
Xiddigahaan ayaa hada booqday Xarun lagu dheelo Ciyaarta Basketball-ka waxaana la socday Xiddiga kale ee Qaranka reer Portugal waa Pepe.
Dhanka kale waxaa la sheegay Xiddiga Qaranka Holland iyo Fc Barcelona Mr.Ibrahim Affellay ineey dhibaato weeyn ka heesato Luuqada Spanish-ka waxaana inta badan la sheegay markii wax loo sheego inuu Spanishka ka yaqaan (Korecto) oo u dhiganta Sax waxaana Xiddigaan Tarjumaan u noqday Laacib Mascherano.