Maxaad kala socotaa Sirta hoose iyo qaabka uu Geele Gaaboow Leo Messi Waqtiga ugu dhumiyey Barashada Tuurista Bilisiyoonka? >> (Daawo Barnaamishka Caag Nin aan Toogan Calaacal iyo Cirka ayaa u dambeeyn doonto : Free Kick & Messi maxaa kala heeysta).
Kooxaha Caalamka ugu waa weeyn ama dhanka Qaranka wexeey leeyihiin Xiddig Qaas ah oo ku Taqsuusay Gamista Kubada loo yaqaan Bilisiyoonka (Thr Free Kick) waxaana marka ay timaado Kubadaan loo daaya Laacib ku shuqul leh Tuurista Bilisiyoonka.
Laacibiinta Caalamka marka ay Tababaranayaan waxaa loo Tababaraa siyaabo kala duwan oo aanu ka soo qaadan karno,Tababar dhanka Goolhayaha ah, Tababar dhanka Difaaca ah, Tabababar dhanka Qadka Dhexe ah iyo Tababar dhanka Weerarka iyo Kubad dafida ah.
Tabababarka ugu adag ee Laacibiinta la siiyo waa midka la baro qaabka loo Tuuro Bilisiyoonka (Free Kick).Xiddigaha ku shuqulka leh Tuurista Bilisiyoonka waxaa loo soo safaa ama Goosha looga aadiyaa Caagag ama waxa ay Soomaalida u taqaan Sanabka.
Sanabkaan ama Caagagaan waxaa loo soo ekeeysiyaa Dad loola jeedo qaabka ay Ciyaartooyda iskaga difaacaan Kubada lagu helo ee Bilisiyoonka ah oo inta badan sababto in kooxaha waa weeyn Gool awal laga dhalin waayey Difaacooda Bilisiyoon ahaan looga xareeyo.
Xiddiga heeysta Laacibnimada Dunida Leo Messi waa Ciyaaryahan aad u gaaban balse sidoo kale isku taxluujiyey ama waqti badan u huray sidii uu uga mid noqon lahaa Laacibiinta Caalamka looga yaqaan (Dalaq) oo loo la jeedo kuwo inkaaran oo marka ay Bilisiyoon koox ku helaan Dalaq ka siiya 99% .
Xiddigaha ku Taqsuusay Gamista Bilisiyoonka (Free Kick) ee Caalamka lagu tiriyo ineey yihiin Laacibiin Shiish kulul oo ilaa yaraantoodii soo baran jiray Free Kick waxaanu ka xusi karnaa David Beckham, Alessandro Del Piero, Andreas Pirlo, Ronaldinho, Frank Lampard,Frencesc Totti, Juninho, Cristiano Ronaldo iyo kuwo kale oo aad u fara badan oo aanu halkaan ku soo koobi karin.
Ugu dambeeyntii Muuqaalkaan hoose waxaad ka Daawan doontaa Laacib Leo Messi oo Waqti badan u huray sidii uu mar walba Kubada uga dul qaadi lahaa ama u Shiishi lahaa Goosha oo laga soo hor mariyey Sanabyaal ama Caagag Boonbale ah oo loo soo ekeeysiiyey Difaacyada dhaadheer ee mintidka ah.